Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Nin Marqaan La doorsamay Oo Jaceyl Gacalnimo U Koray Yaxaas Nool

Tuesday - July 13, 2010

Qof Dalxiise ah oo u dhashay Dalka Australia ayaa Cusbitaalka la dhigay kadib markii uu dul baxay Yaxaas ku jiray Xero lagu xananaeeyo

Yaxaaskan oo lagu magacaabo Fatso ayaa ku dhagay oo Qaniinay lugta midig ee ninkan Dalxiisaha ah inkastoo uu sii daayey markii dambe.

36-Jirkan u Bareeray inuu Dhabarka ka koro Yaxaas biyaha ku jira ayaa dhaawc dilaac ah uu ka soo gaaray lugta midig isagoo markii dambe ka degay Yaxaaska raadsadayna dawayn.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Xarunta Lagu Xanaaneeyo Yaxaasyada ee loo yaqaan Broome Crocodile Park oo ku taal galbeedka dalka Australia iyadoo la aaminsan yahay in ninkan Sakhraasana uu ka yimid Gobolada Bariga Australia.

Booliska ayaa xaqiijiyey in ninkan uu Sakhraansana markii uu ka gudbay Xayndaabka kala xira dadka dalxiisayaasha ah iyo Biyaha Yaxaasku ku jiro kadibna uu dhabarka uga baxay mid ka mid ah Yaxaasyadii Biyaha ku jiray.

" Wuxuu isku dayey inuu ku fadhiisto dhabarka Yaxaaska, Yaxaaskuna wuxu bialabay inuu iska rido kadibna wuxu ka qaniinay lugta Midig" ayuu yiri Sgt. Roger Hayne oo u hadlay Booliska Magaalada Broome.

" Yaxaasyada Biyaha Dhanaan ku jira haddii ay ku qabtaan kuma sii deenayaan, laakin nasiib buu leeyahay mar hadduu sii daayey" ayuu ku daray

Ninkan ayaa lagu qaaday Helikobtar iyadoo lagu daweenayo Cusbitaalka Broome Hosptail.

Yaxaasyada loo Yaqaan Saltwater Crocodile ayaa ah kuwa ugu waaweyn dunida iyadoo dhararkoodu gaaro 23 Fuudh.