Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Geesigi fanka Keynaan Cabdi Oo Iska Riixay War Ay Time Ku Nabtay

Wednesday - July 14, 2010

kaynaan Cabdi Warsame Fanaanka Caanka ah ee Dhalasho ahaan ka soo jeeda Dhulka Somalida ayaa sheegay Inuu Si wayn uga Xumaaaday Warar dhawaan lagu faafiyay Jariirad Ka soo baxda Wadanka South Afrika Oo lagu Magacaabo The Time.

Jariiradan oo Qortay Hadalo ay ku Dhaleecaynayso Qofnimada K’ynaan Ayuu Fanaankan Si Wayn uga Codsaday inay dhakhso Raali Gelin uga bixiyaan Hadaladooda Isagoona beeniyay Eedaymahaasi oo ay ka mid ahaayeen Qalafsanaan Nafsiyadeed <kibir Xad-dhaaf,Iyo inaanu Jeclayn Dadku Inay Sawiro La Galaan.

Sidoo Kale Jariiradu Iyadoo soo Xigaynaysa Dad ay Sheegtay Inay kynaan KU dhawdhawyiin AYay Sheegtay in K’naan Diiday inuu Ka Qayb Galo ama Sameeyo Bandhig laga Dalbay inuu Ku dhigo tuulada Alexandra ee Johanesburd Taasi oo la tlmaamay inuu u diiday Sababo Amaan Awgeed.

Waxay Jariiradan ku Cambaaraysay  Kynaan Cabdi Warsame Heesaaga Caanka ah inuu Dhawaan maruu shirjaraa;id Qabtay uu Diiday Su’aalo ay Saxaafadu Qaar waydiiyeen Waydiisay Shirkale oo uu Saxaafadda u Qabanlahaana aanu Soo Xaadirin,Waxayna ku tilmaantay iyado soo Xiganaysa ilo ay sheegtay in lagu kalsoonayahay Inaanu Sii xiisaynayn Qandaraaska uu Kula jiro Shirkadda Coco-cola.

Balse K’naan Wuxu sheegay inay Nasiib Daro tahay in Jariiradan Sidan u Caan ah ay QOrto Warar kutdhi-kuteen ah oo aan saliyo Raadtoona lahayn,Waxaana uu sheegay inuu layaabay Bogga Warkan Lagu Qoray oo Dhamaan ahaa QOf aan magaciisa la Xusin..

Kaynaan Cabdi Warsame Wuxuu KU dhaleeceyey Jariiradan Inay Sida ugu dhakhsaha Badanle uga bixiso Raali gelin Buuxda WArarkan ay faafisay ee Beenta iyo dhaleecaynat isugu jira,Wuxuuna ku celceliyay inay inuu ka sugayo Raali Gelin Buuxda………..