Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Waa Casharki Joogtada Ee jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - July 15, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Hanuuninta Mid ka mida .

Ujeedada Casharka Baraarujinta : Waa Shiikha Oo Idin Xasuusinaya Bukaanka Iyo Sida Cibaadada Soonka Loo Gudankaro ..  illah Baa Ciidanshe, isaga Cisi Laga Barayaa .. isaga Calaf laga Helaaye, Candhuufta kol ay Ku Tahay ... Rabow Cudur Naga Kaxee .. Casiisoow Nabad Na Siih, Adaa Caadiloow Karee.

                                  ________________________________________________

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee xaqa lagu caabudo iyo saliga Suubanaha N.N.K. ha ahaato, Waa Allah fadligii mar hadii bishii barakada badneyd ee Ramadan nooga hartay wax ka yar afar usbuuc, Allah waxaan ka baryay in aniga iyo idinkaba nagu gaarsiiyo caafimaad, noo fududeeyo inaan u soono dartii si aan u helno Ajarka weyn ee adoomadiisa u ballanqaaday markey raacaan oo falaan wuxuu amray kana fogaadaan wuxuu uga digay.
Fadliga bishan barakeysan darteed iima suurowdo inaan ka hadlo oo kusoo bandhigo maqaalka baraarujinta Jimcaha ee aad uga barateen bogga Galdogobtimes iyo walaalaha isu xilsaaray iney gacan weyna ka geystaan siduu u mira dhali lahaa, gaar ahaan waxaan ugu mahadinayaa sida wanaagsan ee ay u joogteeyeen in bogan marna istaagin, Allah haka ajarsiiyo, abaal aan dhamaan bay ku leeyihiin inta akhrisata ee ku camalfasha wanaaga ay umada u tilmaamaan, Qofkii dadka khayrka fara wuxuu la ajar yahay kan ku camal fala iyaga oo aan wax laga dhimin ajarkooda. Inta bisha Ramadan aan ku jirno waxaan door biday inaan kusoo qaato maqaalada aan idiinsoo gudbiyo arimo ku saabsan qofka bukaanka ah iyo cibaadada uu gudanayo, inta Allah ku maneystay caafimaad ee ay waajibka ku tahay iney soomaan waxaan kula dardaarmayaa iney ogaadaan caafimaadka Allah siiyay, waajib iney ku tahay mahad joogta ah oo Allah xagii ah, inta lagu imtixaanay cudur iyo bugto waxaan Allah uga baryayaa inuu siiyo caafimaad degdeg ah iyo ajar balaaran, waxaan xusuusinayaa in Allah uu ka cafiyay iney soomaan inta ay bukaanka yihiin, hadii ay caafimaadaan waxa u banaan iney soomaan hadii ay karaan ama ay quudshaan masaakiin wax la mid ah maalmihii ay afureen.
Suubanaha wuxuu horay noogu sheegay oo uu yiri " Qofka Allah rumeeyay hadii lagu imtixaano dhib iyo cudur markaana ku sabro in Allah xagii ajarweyn looga qorayo, xataa hadii ay mudo qodax yar" Sidaa darteed Sabarka oo Allah dartii loola yimaado waa nimco Allah adoomadiisa ugu naxariistay Qur'aanka kariimka ahna meelo badan lagu tilmaamay ama la faray dadka muslimiinta ah iney sahay ka dhigtaan, Allow naga yeel kuwii ku sabra dhibka, mahadna kaaga cesha wanaaga aad nagu maneysato.
 
Inta lagu jiro bisha barkeysan waxaan ku dadaali inaan soo koobo maqaalada aan idiinsoo gudbiyo si ay idiinku fududaato inaad daalacataan, waxaan kusoo koobi doonaa su'aal iyo jawaab ku saabsan bukaanka si walaalaha sooman aanan uga qaadin wakhti dheer maadaama ay ku howlan yihiin ficilada khayrka badan sida Salaada, Taraawiixda iyo akhrinta Qur'anka inta lagu jiro bisha Ramadan, waxaan weliba jeclaa inaan hakad geliyo maqaaladeyda bishan barakeysan hase yeeshee camalka wanaagsan waxa mudan in la joogteeyo si ajarkiisa u kala go'in.
Waa Su'aal?
Bukaanka qaar ka mid ah oo qaba cudurada mareenka kaadida iyo Kelyaha, oo kaadidu si isdaba joog ah uga socoto, waxa lagu tilaalaa tuubo laga geliyo mareenka Kaadida soo marto (Urethra) Ragga iyo Dumarka, midaa oo kasoo saarta kaadida oo ay ka laalaado kiish kaadida lagu uruuriyo sahal ay tahay in laga daadsho kaadida ku ururta, hadii ay damcaan iney Tukadaan maxaa la haboon oo ay sameyn karaan ama isu daahirinayaan?
Waa Jawaab:
Markasta oo ay doonaan iney u istaagaan Salaada waxey ka daadini kaadida ku jirta kiishka oo ku ururtay, markaa ka dib waxey sameynayaan *Istijo* sadex Joor ama wax ka badan, hase yeeshee waxa jira bukaan aysan kaadida joogto uga socon oo mar mar qura xogaa yar kasoo tifiqdo, kuwan way ka duwan yihiin kuwa wiswaaska sheydaanka galay, markey kaadshaan oo ay doonaan iney iska daahiriyaan bay dareemaan in wax yar oo kaadi ah kasoo daadatay, sababtuna ay tahay wax ku haray oo aan kasoo wada bixin, oo ay sabab u tahay cudur daahsan, ama khalal dartii jilciyay xubnaha kaadida marto, ama Gabow haleelay, dadka sidan ah waxa la haboon iney xoogaa kaadsadaan kadib marka kaadidu ka timaado dabadeedna ay hubsadaan in wax dambe aysan ku harin markaa kadibna *Istinjoodaan* kadibna weyseytaan, hadii ay dib isugu arkaan in wax kaadi ah oo kale ka timi waa iney *Weyseystaan* markale ama markasta ay dareemaan in kaadi ka fakatay.
Waxaan Allaha naxariista badan ka baryayaa inuu nagu maneysto nimcadiisa Caafimaadka ay ka mid tahay, noo suurto geliyo bisha Ramaan inaan ku soono Caafimaad iyo Nabad, dalkeena iyo umadeena ka qaado dhibka ku habsaday, Allow caafimaadsii inta naga bugta, una naxariiso inta xagaaga u badatay, Allow waalidkeen u naxariiso.
Hadii aan asiibay waa Allah mahadii oo qura, hadii aan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda.
 Iyo R a m a d a a n W a n a a g s a n --- Al Amin, Abu Yusuf