Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Shiinaha Oo Sameystay Gantaalo Ka Yaabiyey Mareykanka

Sunday - August 8, 2010

Xukuuumada Dalka Shiinaha ayaa sameenaysa Gantaalo soo afjaraya Awooda Maraykanka ee dhinaca Badda sida ay xaqiijiyeen khuburo darsaysa gantaalaha cusub ee Shiinaha.

Gantaalahan oo lagu magacaabo Dong Feng 21D waxa laga ridi karaa dhulka isagoo 900 Mayl ka burburin kara Maraakiibta ugu wanaagsan ee dhinaca dagaalka badda ee xambaara diyaaradaha.

"soo shaacbixida Gantaalaha lidka Maraakiibta ee aadka u heer sareeya ee dalka Shiinuhu sameenaya waa mid ka mid ah awoodaha ka dambeeyey dagaalkii qaboobaa ee dunida kaas oo hor istaagi kara awoodayada dhinaca Badda iyadoo loogu talo galayba in Awoodayada lagaga hor tago" ayuu yidhi khabiir ka tirsan xarunta Center for a New American Security oo ku taal magaalada Washington.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tijaabadda ugu horeysa ee Gantaalaha la sameyn doono bilaha soo socda taas oo walaac kusii abuurtay Maraykanka oo ah quwadda hor booda dhinaca Maraakiibta Dagaalka.

Gantaalaha cusub ayaa ka dhigi kara dalka Shiinaha mid door muhiim ah ka ciyaarta isku dheelitirka awooda dhinaca Baasifika  taas oo ka hortagaysa bay leeyihin dadka darsa istiraatijiyadda dagaalku inuu Maraykanku faro galin ku sameeyo Taiwan iyo Koonfurta Kuuriya.

waxay sidoo kale tani ka hortagaysa in Maraakiibta dagaalka Maraykanku ay si furan iskooga galaan biyaha caalamiga ah ee 18 Kun oo Kiilo mitir u jira Dalka Shiinaha.