Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Musharax raba Inu Xilka Kala Wareego Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Olole Ka Wada Cariga Mareykanka

Sunday - August 8, 2010

Musharax doonaya inuu noqdo Madaxweynaha Somalia ayaa tagay magaalaad St. Cloud ee Gobolka Minnesota, isaga oo doonaya inuu soo jiito taageerada bulshada Soomaalida ah ee halkaasi kusii badaneysa.

Maxamed Saleebaan Warsame oo yimdi Mareykanka 15 sano ka hor, kuna nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio, ayaa tagay xarunta Islaamka St. Cloud iyo ururka Somal Salvation Organization, isaga oo sidoo kale booqday dhowr goob ganacsi oo ay Soomaalida lee yiiin.

Waxa sidoo kale lagu wdaaa inuu khudbad ka jeediyo magaalada St. Paul ee caasimadda Minnesota sabtida.

Maxamed Saleebaan, ayaa doonaya inuu u tartamo madaxweynenimada Somalia oo doorashadeeda la qaban doono horaanta 2011, markaasi oo ah waqtiga uu ku eg yahay xilka Madaxweyne Shariif.

“Inaad heysato taageerada Soomaalida Mareykanka waa muhim” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa hore u ahaa nin wax taxliiliya oo ka tirsan bankiga caanka ah ee Chase Bank.

Waxa uu sheegay inuu doonayo in dimuqraadiyaddii uu ka bartay Mareykanka uu geeyo dalka Somalia, uuna meesha ka saaro burcad badeedda iyo argagixisada.

Marka la eego xaaladda dalka Somalia, ayaa waxaa cad in olole dimuqraadiyad ku saleysan (kan uu wado Maxamed), uusan waxba ka tareyn doorashada madaxtinimada Somalia, oo codkeeda ay hayaan xildhibaano codadka lacag ku iibsada iyo hadalada taageerida beesha caalamka.