Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweyne Obama Oo Yiri Xal Yaan Laga Sugin Somaaliya Beri Iyo Saadambe

Sunday - August 8, 2010

Madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay hogaamiyaasha mustaqbalka ee qaarada Afrika (Young African Leaders Forum) oo ka dhacay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa quus iyo rajo beel ka muujiyay kasoo reynta xaalada Soomaaliya, madaxweynaha ayaa waxaa su'aal ku hal gaadey gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dadkii shirka ka qayb gelayay, gabadha oo sida muuqata ka damqanaysey dhibaatada ku raagtey dalkeeda laguna magacaabo Najma Axmed Cabdi waxayna su'aasheeda oo u muuqatey mid uu dareen badani ku dheehnaa ay u dhigtay qaabkan:

Su'aal:`` Mudane Madaxweyne waxaan halkan u imid hal su'aal, waxayna tahay waxaanu ku noolnahay khilaaf ka jira dal ka maajiyay dunida oo idil, waxaana ka mid ahay qurba joogta Soomaaliyeed ee naftooda khatarta u geliyay si ay Soomaaliya u noqoto meel sidan dhaanta, gaar ahaan waxa aynu iminka muquuraneyno--hadaba taageero intee la eg ayaanu uga fadhinaa Maraykanka, ulamana jeedo taageero dhaqaale, ee taageero saaxiib iyo qof dhegeysanaya ama maqlaya kuwa inaga midka ah ee noloshooda iyo tan qoyskoodaba halis u gelinaya difaacidda bini aadaminimada..``?

Jawaabtii Obama: ``Hagaag, Waxaan filayaa inaad taageero balaaran ka heleysaan dadka Maraykanka, marka ay timaaddo abuurista qaab dhismeed iyo xayndaab wax u tara dadka Soomaaliyeed.
Iminka, taaariikhda Soomaaliya 20-kii sanadood ee inaga tegey waxay hayd mid muraara dilaac joogto ah lahayd, hadiiba aanay ka darneyn, ma aydaan helin dowlad wax ku ool ah oo dadka u sameeysa adeegyada aasaasiga ah, khilaaf baahey baa jirey, hadana gobolkii oo dhan baa halis ugu jira xagjirka Soomaaliya ku xidideystay, oo ka fa'iideysanaya fashilka Soomaaliya si ay ugu adeegsadaan Soomaaliya saldhig ay weeraro ka qaadaan, sida kii ugu dambeeyee Uganda.....`` ayuu ku bilaabay Obama

Mudane Obama ayaa dhacdadaasi dhiiga leh uga tacsiyeeyey Dalka Uganda oo mar qura la kulantay sida uu yiri labada dhacdo oo aad u kala fog: Qosolkii koobka aduunka iyo qamuunyadii qaraxu keenay. isagoo hoosta ka xariiqey inay iminka sii balaaraneyso khatarta kooxahan oo sida uu sheegay noqotay mid gobol iyo mid caalami intaba.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale soo hadal qaadey Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay la timid woxoogaa dadaal ah oo aan badneyn iyadoo hadalkiisa laga dhadhansan karey inuu saluugsana waxqabadkeeda.

``Waxaa jirta DKMG ah ee Soomaaliya oo woxoogaa dadaalaysa, Uma haysto inuu qofina Quud dareeynayo in sanadaha yar ee soo aadan ay Soomaaliya isu bedesho Dimoqraadiyad lagu daydo, nooc kastoo uu noqdo qaabka dowladnimo ee Soomaaliya ka hana qaada waa inuu ka war qabaa qaab dhismeedyada dhaqan iyo kuwa qabaliga ah ee ka dhex jira Soomaalida------laakiin waxa aynu sameeyn karnaa waa abuurista xaalad ay dadka Soomaalidu gaar ahaan kuwa yar yari aanay qoryo sidanin oo aanay jidadka isku tooganin, waxaanan dooneynaa inaynu dadaalkaa kula jaal noqono Soomaaliya waana sii wadaynaa inaanu sidaa yeelno``. ayuu yiri.

Hadalka madaxweynaha ayaa laga qalin daaran karaa inaanay jirin wax qorshe ah oo u degsan Maraykanka ee ku qotoma wax ka qabashada qaaquuliynka Soomaaliya iyo hadii aan sida kale u iraahdo wax uu qaban karo intaba, iyadoo dad badan oo la socda arimaha Soomaaliya ay aaminsan yihiin inaan xalka dhabta ah ee ay dheeftu ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliya uu ka iman karo oo kaliya Soomaalida dhexdeeda, hadii kale waxa la sugaa waa in xaaladu kasii dartaa maadaama Xalka kasoo baxaya dibadu uu noqday soo kordhinta ciidamo sharciyadoodu noqotay inay madaafiic ku asqeeyaan dadka yar ee ku haray xaafadaha cidlada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale waxaa weli dood la gelinayaa saxnimada cidii ka dambeysey qarixii Uganda oo ay dad badani qabaan inay ka dambeeyeen ashkhaas iyo dowlado wata ajandayaal qarsoon oo lagu xoojinayo PM-ka loo rukumay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho, waloow kooxda Al Shabab ay sheegatayna waxaa loo badiyay is maqiiqii qarka naga tuuray iyo wax lib loo maleeyo oo ka daroo dibi dhal ah, waxaana shakigaasi yimid kadib markii ay ciidamada amaanka ee Uganda ay soo bandhigeen sawir ay ku sheegeen qofkii naftiisa huray kaasoo laga macmalay sawir horay looga qaaday Cali Maxamed Geedi oo RW. ka ahaa dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxaana cajiib ah inuu ninkan ag yaalley calanka Buluuga ah ee Soomaaliya oo aanay ogoleeyn kooxda mas'uuliyada sheegatay.

Dad badan ayaa sidoo kale iminka soo jeedinaya in dumarku door firfircoon ka qaataan farya suulinta xaalada fongoran ee ka taagan Soomaaliya maadaama ay ragii noqdeen, damane, dowdar, dantii mooge, dilaal, diin ku gambad, daneyste, diidane aan cidna dooneyn iyo daacuf uu duul shisheeye ku adeegto, iyadoo aan la iska indha tiri kareeynin mowjadaha ay iminka haweenku horseedka ka yihiin .