Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xamse Riraash Oo Gabay Ka Tiriyey Fadliga Ramadaanku Leeyahay

Sunday - August 15, 2010

Waa bil cibaado ah Anbiyadu duceyso ... Alaha na gaarsiiyo fadliga ay leedahay biisha Ramadaan. Waxaan halkaan ka akhrisankar-taan Gabay Uu Hamsa Riiraash ku cabiraayo fadliga ay leedahay Bisha Ramaadaan ..waxaanu ku bilaabaya sidatan:

Waxa dhalatay ashhar,
Ajarkeedii la aqbalay,
Aakhiriyo aduunkaba,
Ugu khayrka badanee,
Allahayow na garansii!
 
Waa bil cibaado ah
Anbiyudu ducaysoo,
Aayadaha qurÂ’aankuna,
Kku soo dageen aduunykee,
Allahayow na garansii,
 
Axadiistii Rasuulkuna,
Waxa ay ku sheegeen,
Inay tahay bilkhayr lehoo,
Alle uu ciseeyeey,
Allhayow na garansii.
 
Arimahaaga gaarka ah,
Hadii ay adkaadaan,
Oo aad illowdid,
Bishan baa u dawaa aha,
Allahayo na garansii.

Aadan iyo intuu dhalay,
Allihii abuuraa,
Uga dhigay akhlaaqee,
Allahayow na garansii.
 
Asxaabtii udgoonayd,
Waa ay ciseeyeen,
Allay ay ka tuugeen,
Inuu ku simo samankan,
Allahayow na garansii.

Allihii na uumee,
Aduunyadan lahaayow,
Adaan kuu macbuud nee,
Xaqeedana garansii, oo
Aayadaha qurÂ’aankuna,
Kku soo dageen aduunykee,
Allahayow na garansii,
 
Axadiistii Rasuulkuna,
Waxa ay ku sheegeen,
Inay tahay bilkhayr lehoo,
Alle uu ciseeyeey,
Allhayow na garansii.
 
Arimahaaga gaarka ah,
Hadii ay adkaadaan,
Oo aad illowdid,
Bishan baa u dawaa aha,
Allahayo na garansii.

Aadan iyo intuu dhalay,
Allihii abuuraa,
Uga dhigay akhlaaqee,
Allahayow na garansii.
 
Asxaabtii udgoonayd,
Waa ay ciseeyeen,
Allay ay ka tuugeen,
Inuu ku simo samankan,
Allahayow na garansii.

Allihii na uumee,
Aduunyadan lahaayow,
Adaan kuu macbuud nee,
Xaqeedana garansii, oo na wada dareensii
 

 Aamiin Aamiin