Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ictiraafka Dibada Mayaalo Ee Wuxuu Yaala Gondaha Somaliland .. Sidaa Waxaa Yiri Prof. Ismacil Buubaa

Thursday - August 19, 2010

Md. Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa), oo ah siyaasi reer Somaliland ah balse aaminsan mabda’a federaalka, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu yaalao gondaheeda, balse aan laga raadin banaanada.

Md. Buubaa, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi, xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu xukuumadda cusub ee Somaliland u soo jeediyay inay u hawlgasho sidii ay u dhaxli lahayd hantida tirada badan ee taala baananka adduunka ee ay lahayd dawladii Siyaad Barre. “Waxaan kula taliyay in ninka hadda ah wasiirka arimaha dibada in laga dhigo wasiirka arimaha dibada, waayo ninkaasi waa nin shaqada ku wanaagsan oo ka soo bixi kara, waayo waa nin tacliina leh khibradna yeeshay oo waxyaalo badan arintaa dibada ka qaban kara. Iyadoo ay sidaas tahay, Somaliland maanta waxay u baahan tahay degenaansho iyo horumarin oo xagga dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga sida waddooyinka, dekedaha, iskuulada iyo cisbitaalada, maanta caalamka ayay u baahan tahay, ictiraaf ayay u baahan tahay, ictiraafkaas aniga waxay ila tahay in shaqadaa cidda wax ka qaban kartaa ay tahay labada wasiir ee daakhiliga iyo ganacsiga, waayo ictiraafka anigu sidaan u arko ma yaalo dibedda ee Somaliland gondaheeda ayuu yaalaa, Somaliland hore midnimada looguma khasbin imikana cidi kuma khasbi karto, laakiin waxa ay ka qabato degenaanshaha gudaha iyo soo dhowaynta dadka faraha badan ee Somaliyeed ee dhibaataysan inay ka ciyaarto door weyn ayaa caalamka ka siin doona tixgelin badan.

Dhinaca ganacsiga haddii loo fiirsado lacagta Somaliyeed ee taala Dubai, Kenya iyo Djibouti inay Somaliland ku dhaqanto hab dhaqan siyaasadeed oo dhiirigelinaya inay lacagahaasi ku soo xeroodaan Somaliland.” ayuu yidhi Buubaa, waxaanu intaas raaciyay, “Anigu wakhtigii aan ahaa wasiirka Maaliyadda, lacagta Somaliland ee hadda la isticmaalo aniga ayaa nashqadeeda lahaa, shirkaddana aniga ayaa ka dhaadhiciyay in la daabaco, dabadeed markii aan shaqada ka tegay ayaa dawladii u bixisay shilin anigu wakhtigaa Dirham ayaan u bixiyay, baanka dhexe ee Somaliland-na waxa uu uu qaabilsan yahay ayaan idhi wax alaale iyo wixii dhaxal ah ee dawladii Soomaliya isaga ayaa qabanaya,

Wakhtigaa Ingiriiskaan ku qanciyay baanka Somaliland inuu noqonayo cida dhaxlaysa dhaqanka iyo ilaalinta dhaqanka maaliyada gobolka imikana tii oo kale ayaa loo baahan yahay, kolay aniga waxay ila tahay lacagahaa aadka u faraha badan ee maanta Soomaliyeed ay meel walba kula daalaa dhacayso Dubai, Jabuuti waxay ila tahay in la soo hooyo oo la keeno Hargeysa.”

Buubaa, oo la weydiiyay inuu aaminsanyahay in Madaxweyne Siilaanyo, ka midho dhallin karo halganka loogu jiro ictiraaf raadinta, waxa uu yidhi, “Maanta siyaasiyiinta joogta Somaliland madasha siyaasadeed ee Somaliland aniga waxay ila tahay in la odhan karo dadka ugu dhow inuu arimahaa wax wayn ka qaban karo, laakiin far kali ahi fool ma dhaqdo ayay Soomalidu tidhaahdaa waxay ku xidhan tahay wasiirada iyo dadka ku xeeran, haddii ay noqdaan dad la talin kara oo runta u sheegi kara waxay ila tahay inuu wax weyn qaban karo laakiin haddii ay noqdaan qaar wixii uu isagu doonayo uun ku celceliyo oo durbaan u tuma waxay ila tahay in aanu wax weyn qaban doonin, hab-dhaqanka siyaasadeed ee uu la yimaado ayaanay ku xidhan tahay guusha iyo guul darrada iyo waxa uu qaban karo keeni kara.”

Buubaa, waxa la weydiiyay darenka ay beesha caalamku ku qaabishay xil wareejintii nabadeed ee Somaliland ka dhacday, waxa uu yidhi, “Aad iyo aad baa loo soo dhaweeyay arrintaas, waxay ahayd arrin Somaliland tixgelin weyn siisay laakiin sida loogu samayn karo suuq geyn oo wax dalka wax u tara laga dhalin karaa  waa arrin kale.”

Ugu dambayn, isagoo Ismaaciil, ka hadlaya mawduucan, waxa uu yidhi, “Mandaqaddani waa mandaqad dhibaatooyin badani ka taagan yihiin, wadankii Somaliya la odhan jiray ee Somaliland ka mid ahaan jirtay wuu gubanayaa, markaa waxay aniga ila tahay dhibaatadaa weyn ee Somaliya ka taagan wixii ay Somaliland ka qabato ayaa lagu tixgelin doonaa hadday noqoto mandaqadda iyo beesha caalamka ee kaleba. Somaliland waxa laga sugayaa inay la timaado arrintan (Somaliya) sidii loo maarayn lahaa. Somaliland waxay qabataa rabitaankeeda siyaasadeed ayuun bay sii xoojinaysaaye mid wax yeelaysa maaha, laakiin waxay u baahan tahay ku dhac iyo in dadka la dareensiiyo waxa jira.”

Wargeyska Geeska Afrika Hargeysa