Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Caalim Shiikh Shuceyb Oo U Garnaqay Nin Iyo Naftiisa

Thursday - August 26, 2010

Waxaan deg deg jeer ku liqay, maxay shishe ii damqeen
kashayda dalooshadeen, muxuu hadba shay daligan
dareensigu soo tuf yiri ... xikmad Hadraawi.

Nafteyda ma kala maaranno, mana kala maqnaanno, la'aanteed xarako iyo dhaq dhaqaaq toona ma lahaadeen, kamana duwanaadeen dhagax meel yaal oo ay taabasho iyo tuujiniba iskugu mid tahay. Iyana la'aantay waxba inaanay u hir galeen uun baan filayaa inkasta oo aan jeclaan lahaa inay iyana qeexdo waxaanu isku nahay.
Akhriste haddii aanu isku nahay arrimaha kor ku xusan oo idil, haddana mar walba waannu murannaa,waanu is haysannaa,waanu doodnaa, waa noo hadal iyo hugun joogto ah,

Soomaaliduna waxay tiraahdaa "hadal gu,i waayay waa lagu go'aa". Taasina waa ta keentay inaan kaa dalbado inaad noo gar naqdo aniga iyo NAFTAYDA. Waan kula dareensanahay inaad la yaabi doonto lana amakaagi doonto dalabkaygan isna waydiin doonto ninkani siduu yahay miyuu waalan yahay, waase mid aad ku saxan tahay oo meesha ku jirta waayo waxaa kaa bad batay is haysashada laba qof, laba qabiil, laba qaran,laba quwadood. Waxa kale oo aan ugub ama cusayb kugu ahayn dhex-dhexaadinta, xallinta ama ka garniqidda waxa ay isku hayaan. Haddase waxaan rabaa inaan ku hor keeno qof isagu is haysta! rabana in la ogaado waxa ay isku haystaan isaga iyo naftiisa ka dibna laga gar naqo. 
Akhriste ugu horayn ogsoonow inaannu isku haysanno ka hadalka iyo gorfaynta wixii aanu ka maarsan wayno, una aragno inay dheefi noogu jirto if iyo aakhiraba. Waxaadse ogsoonaataa inaanu jirin qawl aanu isku raacsanahay oo aanu isla qirsanahay wanaaggiisa iyo waxyeeladiisa.Waliba adduunyo ha ii dabranaatee waxaanu sii kala daaq tagnaa marka arrimuhu aakhiro iyo u halgankeed joogaan.

Akhriste inaan wax kuu hadoodilo waxaan ka door bidayaa inaan wax walba intii itaalkay dharaarta ka cadeeyo, adna maaddaama aad tahay garsoore taasaa kuu wanaagsan kuuna sahlan, waxa kale oo aan kaa codsanayaa gefba haygu ahaatee maadaama garuhu badan yihiin in gartaydu noqoto GAR SOKEEYE, illayn waa aniga iyo naftaydiiye.hadda ayaan kuu soo qaddimayaa qodobada.

Ugu horayn nafteyda waxay u heelan tahay helitaanka adduun tiro badan oo ay baahiyaheeda ka sakow, dalkeeda, dadkeeda iyo diinteeda wax ugu qabato. Mase hayso dariiqii ama dawgii loo mari lahaa, mana laha dedaalkii adduunkan faraha badan lagu gaari lahaa. Waxay ku yididdiilootaa gelitaanka jannada, waxayse ka war wareegtaa samaynta acmaashii lagu kasban laha nimcada. Ogsoonow maah maah baa waxay tiraahdaa "Saddex Alle waa awoodaa mase yeelo":
Allaw shaqaysan maayee xoolo i sii
Allaw cibaadaysan maayee janno i gali
iyo allaw guursan maayee ubad i sii.
Waxay ku hammidaa noqoshada aqoon yahan, aqoontiisa lagu soo hirto eraygiisana lagu wada majeerto, waxayse igula talisaa sag saagga goobaha waxbarashada, xaadir la,aanta madalaha aqoonta iyo ka fogaanshaha buugga iyo qalinka oo ay wax dhib badan u aragto. haddaba ma waxyi baa igu soo degaya, mustaxiil. Waxay si dhaba u neceb tahay dhibta, leel leelka, iyo luuf luufka nolosha kumase talo jirto wixii lagu gaari lahaa baraarahaa iyo barwaaqadaa oo ah samir, dulqaad iyo dedaal. Maah maah baana tiraahdaaa "samraa sedkii ma waayo".
Waxay jeceshahay u hogaansanka amarradeeda iyo duub duub ku liqidda wax kasta oo ay soo jeediso, bal waxa ay soo jeedinayso hadday wanaag yihiin ma ciil baaban qabi lahaa saw iskama qaateen, wanaagba waa ku yar yahay, haa waa ku yar yahay waayo wanaagga waa ku balalootaa xumahase waa ku barartaa, xalaasha waa ku shaashawdaa xaaraantase waa ku shifowdaa, wax bixinta waa ku caatawdaa, gacan adaygase waa ku cayishaa, guurku waa ku culus yahay gaabsiguse waa u fudud yahay, aar goosiga waa igu dhiiri galisaa cafiska iyo tasaamuxase waa iga hor istaagtaa. Had iyo goor waxay jeceshahay ka hadalka iyo galitaanka wax aan danteeda diinteeda iyo dadnimadeedu ku jirin, hadhawna ilamada ayay qubtaa aniga ayaanay dib ii canaanataa .
Badanaa inta firkad ay ii soo bandhigtay aan ku raacay dabadeedna qoomamo iyo ciil aan kala kulmay badsadayna dhegaysiga heesta Sahra Axmed sida daran ugu luuqayso ee ay miraheeda ka mid yihiin "cawo daran naftaydaay, car caraaf i galisee, sideen caawa yeelaa" markanse muxuu calaacal qabanayaa, waxase ka sii daran kama ilbaxo dibin daabyooyinkeeda joogtada ah waxana iigu wacan malaha nacasnimo .
Marar doora waxaan isku deyay inaan maxkamad caalami ah la tiigsado waxayse igu qancisay gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa ee yaan arrinkeenu ina dhaafin saddexdeenna. haa saddex-deenna oo waa ayo ciddan saddexaad akhriste, waa cid nagu lammaan nagu laran oo mar walba hawlahayaga taako taako ula socota, mar walba oo aannu is qabano waa cida aanu u soo bandhigno is haysashadayada. Gorfayn iyo falanqayn ka dibna ku dhawaaqda kaayagii garta helay iyo ka laga helay, hadaba waa yaabe mar walba anaa garta la iga helaa.
Anna anoo maanka iyo maskaxda ku haya gar diid waa Alle diid iyo gar dabadeed gunuunucaan nacay ayaan haye iyo ku qancay ku qaataa.
Dhab ahaanse waxay igu ahayd arrin igu adag, arrin gocashadeedu sina ii dayn weyday arrin iga degi wayday,Waxaan isku taxallujiyay ogaanshaha ciddan gartayda gacan togaalaynaysa xataa haddii laaluush la siinayo darteed ay waxan u samaynayso inaan bixiyo ayaan go'aansaday illayn sidani waa qiyaamahaagiiye.
Galab galbaha adduun ka mida ayuun baan dad meel kafe laga cabo internet kambuutar leh ku xoonsan sidii shinnida ku soo baxay .. ka hor intii aanan gaarin goobta internitka su'aalo doora oo badi ku saabsan waxa dadka meesha iskugu keenay ayaan isa sii waydiiyay. In ay wax uun iskugu yimaaddeen ayaan shaki la'aan isku qanciyay ,waxaanse niyada ka jamtay in waxaas ay iskugu yimaadeen ay noqoto arrintan aan u maarada la'ayahay dabadeedna si wada jir ah ugu hawl galno xal u heliddeeda.

Goor iyo goob ii roon baan galay websit-ka Galdogob Times shaw bogiisa maalinta jimcaha meesha caalim baa dadka waano iyo wacdi wixii alle baray ka haqab tiraya oo wax kale kuma garatide sidii gud gude iskaga maax dumaya ..Wuxuu jimca ka jimca wacdi wadaba wuxuu kolba nin ay ka cakiran tahay u furdaamiyaba wuxuu kolba nin daweeyaba, waxaan uurka kolba iska iri sheekh anaa haray, nasiib wanaag wacdigi jimca dambe ayuu shiikhi mar qura ayuu ka dhawaajiyay in qofka iyo nafta shayga saddexaad ee ku laran ee waliba nafta la rafiiqa ahi uu yahay shaydaan shaydaan! weliba ay heshiis ku yihiin samaynta wixii aan alle iyo nebigiisu NNkh raali ka ahayn.

Intaa ka dib waxaan is lahaa kol haddaad qorigeedii qabatay way qanci, laakiin dood hor leh baabay haddana isla soo mutaxday. Haddaba akhriste ma anaa ku gefsan naftayda mise iyadaa iga khaldan? Go'aanka adigaa leh, guddoonkana anigaa leh .