Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dagaal Ogahi Hitler Oo Hido- Sidihii Dhiigiisa La Mid Noqday Dhiiga Somaalida Iyo Yahuuda

Wednesday - August 25, 2010

Hogaamiye dagaal-oogihii Yurub Ee Hitler Ayaa Baaritaan Lagu Sameeyey Hido-sidihii dhiigiisa La mid Noqdey Dhiiga Soomaalida, Barbaariyiinta Waqooyiga Afrika iyo Yuhuudda.

FINLAND – wargeys ka soo baxa Finland (Helsinki sanomat) ayaan waxaan ka soo xigtey warbixin tilmaameysa in lagu sameeyey baadhitaan Keliyi-taliyihii Hitler asalkiisu halka uu ka soo jeedey, warbixintaasina waxay daboolka ka qaadeysaa in laga helay dhiig la mida dhiiga Soomaalida, Yuhuudda iyo Dadka ku nool waqooyiga Afrika, gaar-ahaana Barbaariyiinta

Suxifi u dhashay Beljam Jean-Paul Mulder iyo Taariikhiyahanka Marc Vermeer ayaa
waxay baaris ku wadeen 39 qof oo qaraabadii Hitler ah, islamarkaana ay DNA ka heleen Koromosoomyo E1b1b1 aaney lahayn Dadka reer-galbeedku oo aad ugu yar.

Koromosoomyadaasina waxa caadi-ahaan ku badan yihiin Soomalida, Barbaariyaanka
waqooyiga Afrika iyo dadka Yuhuudda ka soo jeeda.

Warbintana waxa kaloo lagu shaaciyey Wergeyka Beljimka ee Knack, taasoo uu
Mulder ku qorey inaany Hitler ahayn nin saafiya oo uu uga jeeday nin reer-galbeed dhalad ah.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Hogaamiyihii Laayaanka ahaa ee Hitler hore
loogu tilmaamey inuu dhiig Yahuudeed ku jirey, halkaasoo aabihii Alois ahaa ilme-yahuudeed .
 
Mohamud Hussein - Helsinki/ Finland