Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Al-Shabaab Oo Bukaanada HIV AIDS-ka Qaba Ugu Baaqday In Ay Is Qarxiyaan

Saturday - September 4, 2010

Wararka laga soo xiganaayo Maamulka ka arimiya Degmada Marka ee Sh/ hoose ayaa dhawaan xarunta daaweynta AIDS-ka ee Degmada Marka kula kulmay bukaano halkaasi lagu daweynayo oo qaba cudurka HIV AIDS.

Horjoogaha Maamulka Al-shabaab ee gobolka Sh/ hoose Maxamed Abuu Cabdalla Idriis ayaa ugu baaqay bukaanada AIDS-ka qaba in ay is miidaamiyaan oo ay is qarxiyaan, bacdamaa uu sheegay inaysan noolaaneyn oo daawo loo heleyn.

Amarkaas ayay amakaak iyo anfariir ku noqotay bukaanadii goobtaas ku sugnaa, oo dabadeed isaga huleelay iyadoo goobtii daryeelka ee ka hortaga eedhiska albaabada la isugu dhuftay.

Xarunta oo ku taala Isbitaalka lagu magacaabo Istarliin ee magaalada Marka ayaa in mudo ah waday daryeel ay u fidineysay bukaanada uu haleelay cudurka eediska iyadoo talaabadaan ka horna ay maamulka Shabaab u xireyn xaruntii daaweynta qaaxada oo ay ku eedeeyeen in ay maamulaan hey'ado ay ku sheegeen inay yihiin Kirishtaan.

Talaabadaan ayaa ah mid ku cusub kooxda Shabaab oo aan looga baran in ay xiraan goobaha caafimaadka iyo xarumaha lagu daryeelo bukaanada, walow ay kooxda Xisbul-islaam ay iyagu horay albaabada isugu dhufteen una bililiqeysteen Isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho ku yiil