Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qiiso dhaba Oo ka Dhex Dhacday iimaamki Iyo Dadkii U Tujinaayey Dalka Tanzaniya

Friday - September 3, 2010

Daresalam - waxa ka dhacday qiso cajiiba masaajid ku yaala magalada Daaresalam Ee wadan-ka Tanzania .. dhacdadan oo u ka waramay cabdirashid cabdilahi oo ganacsade dagan wadanka Tanzania, waxay qisadan hadaba u dhacday sidaan
Dhacdadan oo ka dhacday masajid ku yaal bartamaha magadalad Daresalam Oo lagu magacabo masjid "Mtoro" ahna mid ka mida masaajidada ugu waawayn wadanka Tanzania si aadna ay uu camiraan dad aad u tiro badanina oo isugu jira Carab, Somali, Sawaxili iyo ajanib kale oo fara badan .. dabadeed  salaadi ayaa la galay .. salaadi waxay socotaba Ragcadii ugu dambaysay ayuu iimaamkii  tukaday kadibna waxa uu u  fariistay ataxiyaatkii ugu dambeeyey .. hadaba ataxiyaadkii marka uu u fariistay ayaa mid ka mid ah dadkii salaada tukanayay uu yiri Subxaanallah ka dibna iimaamkii  ayaa kacay .. marku iimaamkii kacay waxa la kacay xooga Somali ah iyo Carabtii hasa- ahaate wax alaala wixi Sawaxili ahaa ayaa marqura ay ka soo yeertay Subxaanalaah subxanalaah.

Wadadkii imaamka isaga oo taagan ayuu salaama naqsaday markaasu intu ku so jestay iyaggi dib u soo eegay kadibna iyaggii o aan salama naqsan ayay la hadleen kuna dhaheen wadaad salada noo dhamaystir oo ay la doodeen intuu fariistay ayuu hadana salama naqsaday iyagiina way ka daba salama naqsadeen dadkii kale ee mesha ku tukanayana ragcadoodii ayay dhamaystirteen oo way iska si wateen ragcadii dambe,
Hadaba sida la ogyahay dad badan oo ku nool wadamada afrika ayaaban dhib u arkin in ay hadlaan  marka ay salaada xirtaan, oo hadii qalad yimado ayba la doodi karaan imaamka.