Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Buntukh Riixi Iyo Dhacay Lagu Sameeyey Baaburti Beesha Leelkase Oo Rajo Fiican Ku Dhamaatay

Sunday - September 5, 2010

Niman loo taag waayey ibleyskuna turubka u qaado aan toolkooda maqlin, talaxumo iyo falxumo markasta inu falo u taagan oo ka qawleysata aagaga buhoodle iyo Wirwir ayaa horaanti biishi hore halkaas ku marooqsaday gawaari laga lahaa magaalada Galdogob oo isaga goosheysay bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya .. Gawaarida oo la sheegay iney kala lahaayeen Zan-weyne Cali Aw Muuse iyo Ina Cag- Madhige ayaa dib u soo ceshaday gawaaridoodi lagu edabdarooday kadib markii Aw, Oday, wax garadkii beelaha dhulbahante ee ergada loogu tagay ay arintaa wax ka qabashadeeda u tafaxayteen, sida aan warka ku helana hantidi baabuurtaas laga dagsaday iyo mixinadi cilado farsamo gashay baabuurtaas iyo shafshafadi buntukh riixa ay beeshaas bixi-ndoonaan.

Horay Qurba joogtada Leelkase ee ku nool waqooyiga Ameerika ayaa fal-falxumidaas dhalaaceysay ugana ashtakootay qurba joogtada walaalahooda dhulbahante, oo ka codsaday in arinkaa sharax laga bixiyo oo hababkii dhaqan xeerinta loo dhameeyo si aysan sheekada u noqon wixii sharci lagu waayo shantaada lagu hela, waa si aan isirka walaalaha Ooda wada yaal dharbaaxo sokeeye, baaruud hurin iyo dhagar u kala gaarin nacabkuna guul u soo hoyatay ugu noqon.

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqa diidan inu Laand-iyada geesna la heshiiyo waa SSC-e ayaa markii hore lagu eedeeyey iney afduubkaas iyagu ka dambeeyeen, hasa ahaate oday shalay la soo xariiray shabakadaan Galdogob oo ka mida taageerayaasha SSC ayaa ka dheereyey in falxumadaas lug ku leedahay SSC, waxuuna farta ku fiiqay raga dacaayadaas maleegay ay yihiin cadawga SSC oo u badan kuwa ku shuhuroobay hantaatac fulanimo beesha dhulbahante ka mida, waxuu kalo xusay wadaadkaas nala soo xariiray in beesha Leelkase ay yihiin walaalo gacalnimo oo aysan ka dhaxeyn xag xagasho iyo xadgudub isla markaana lagu khasbanyahay in hantidi dhacneyd si dhaqso ah loo soo celiyo ayaa hadalkiisi cabashada ka mid ahaa.

Warkale ayaa sheegaya oo dhinac kale aan ka helnay in qurba joogtada dhulbahante ay xalay ugu dambeysay ku shireen xiriiro teleconference ay dood iyo is dhalaaceyn ka dib ku go'aansadeen in beesha Leelkase la siiyo raal galin isla markaana la iska soo aruuriyo magdhawdi wixii hanti halkaas lagu bililiqeystay.