Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

War-moogeTerry Jones Masaaxifta Kaniisadiisa Ku Najaasawday Sharciga Islaamku Waa Qaba In la Gubo

Friday - September 10, 2010

Wakaaladaha Wararka Ayaa illa maanta shaacinaayey in Baadariga kaniisada-yar oo ku taal gobolka Florida ee wadanka Mareykanka ee hore u shaaciyey inuu gubayo Kitaabka quraanka isagoo ugu walqalaaya xusida maalinta 11sebtembar(11/9) oo ah maalintii la qarxiyey labadii darood ee mataanaha ahaa World Trade Center .. sida ay sheegtey hay´ada wararka Reuters Baadarigaan wuxuu baajiyey inuu gubo kitaabka.

Arintaan gubida Kitaabka ee ninkaan anshax-daran shaaciyey ayaa dhalisey dhaliilo badan oo ka soo yeeray caalamka madax -faradna ku riday .. Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama wuxuu sheegey inuu ka xun yahey falkan aan macquulka ahayn, sido kale Xoghaya Qaramada Midoobey ayaa isna aad u dhaliiley oo cambaareeyey, isla markaa saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Mareykanka waxey arintaan ku tilmaameen mid fool xun hadduu sameeyo Baadarigan arinta uu sheegey ee ah talaabida gubida quraanka.

Hadaba Su'aashu Waxay Tahay islaamku Maxuu Ka Qaba Gubista Masxafka Quraanka?

Islaamku masaxafka Quraanka sharciyan waxuu gubi kara markii masxfku darxumo la dildilaaco amase farta ku xardhan dhalan-doorsanto la akhrin karin iyo haddi ay kutubtaas najaaso gaarto, sida muuqatana masaaxiiftaas baadariga uu leeyahay goob fagaaraan ku gubaya, waxaan filaya islaamku inusan waxba ka qabin maa daama sababihi gubida ay jiraan oo ah najaaseynta kitaabka quraanka, koleyba gacan musllin haddi ay soo gasho waaba ay gubi lahaayeen ma daama Mr. Terry Jones u kutbtaas ku najaaseeyey gudaha Kanisadiisa.

Teeda kale barurufta baadariga ujeedadiisa weyn waxay tahay inu iska dhigo murtadkii Salman Rushdi oo kale si uu maroojiyo hunguri malaayiin kun iyo helid magac mash-huur, waxa kale u doonaya inu caalamka u gudbiyo " message" u ku muujinaayo naceybka loo qabo islaamka iyo kitaabkooda Quraanka isagoo ku andacoonaya islaamku iney yihiin argagixiso dadka aan dambiga lahayn laaya ... Waxuse saaxirka Terry ilaawsan yahay in muslimiinta ay horay qarni ka qarni uga dhargeen gefka iyo xumaanta farsamada ikhyaarta kufriga oo wax walba xumaana musllimiinta kula kaceen, hasa ahaate waxoodi noqdeen xuub-caaro, kharaar, hogasho caku iyo ciil iyo iyagoo shanqarta musllimiinta markay maqlaan salal qaada oo waakaas maroodigii lixaadka lahaa maanta laana ku jabin La' oo isku soo koobay kitaab gubid, calaacal ku nolaasho iyo caga jugleyn meelna gaarin