Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Hordhici Ba' Iyo Hooga Qiyaamaha Oo Dhacaya Bisha Dec.2012 ..Ismacil Aw Xashi Maxuu Ka Yiri Somaliya

Thursday - September 30, 2010

Hordhaci Ba' iyo Hooga, Geeri Laga Yaabo Ka Hor Qiyaamaha Oo La Saadaalinaayo Biisha Desembar 20012 ... Shiikh Ismaaciil Aw Xaashi Muxuuse Ka Yiri Soomaaliya Inteysan U Imaan Ajashii Rabi

            -----------------------------------------------------------------------------------------------

Shucuubta dunida ayaa ka walaacsan calaamadaha walbahaarka la sheegay iney soo if baxeen oo astaamo hordhac u ah burbur iyo halaag ku soo wajahan caalamka, hordhacna u noqonkaro maalmaha ka horeeya qiyaamaha, waxaana arintaa markasta la socda indho gaarana ku eega si gaar ahna u texgaliya shucuubta Semetic-ka gaar ahaan shacbiga reer bani-israaiil oo iyagu hawlgaladooa iyo acmaashooda inta badan ku saleeya natiijada ka soo baxa akhriska Xidigaha guur guura iyo dibu u eegid kutubti dardaaranka anbiyadi hore oo inta badan ay ku andacoodaan iney sir ahaan ummadaha ka qariyaan.

Wadaadada Yahuuda "Rabbis" oo ay la socdaan Munajamyada xiddiga akhriska ku caanka ah ayaa dhulka isla dhacaya, jiifkii qaban-waayey Oohinti wiiwiidana ka dhamaatay iyagoo shacabka reer israaiil dareensiinaya ugana digaya in geeri laga yaabo soo ag joogsatay oo saacadi halaagi dunida soo dhawaatay ayna dhici doonto mixnad kharaar naftooyi ii bixi iyo eebow xagee baan gala, waxayna guud ahaan shacabkooda u sheegeen in musiibada soo hamaansaneysa iyo cirka soo habqamaya ma jirto cid ka samata-baxaysa in la samro mooye, walow ay xuseen in Masiix Dijaalka  ay sugayaan reer bani-israail"Dijaal Cawarka" aan la garaneyn sida u reerka Yahuuda wax uga badbaadin-doono xoogaga samada ka amran ee ciidan iyo xoog is ku muquuninaaya awgeed.

Waxay Yiraahdeen dalka Ameerka xidigi ku hagoognaa "Burjigoodi" waa libmay kadib markuu inti toban sano sii qaloocmaayey oo malagii u idmanaa hagar la'aanta hiilinta Ameerika isaga huleelay, waxayna yiraahdeen bisha March 2011 waxaa dalka waa Ameerike ka bilaaban-doona samo seeman, duufaano iyo dabeylo laga ashahaato oo weli taariikhda guunka ah aysan meelna dunida ka dhicin, waxayna xuseen in dhibaatadi kal hore sanadkii 2005 ku habsatay iyo daadkii ku soo rogmay magaalada New Orleans ee cariga Mareykana ay noqon-doonaan Bikh markii loo eego waxa ku soo socda dalkaas.

Sheekada falsafada munajimiinta felegyada iyo wadaadada Rabbi-yada intaa kuma aysan ekeyn xaalada murugsan ee mareykanka ku soo fooleh, balse waxay intaa raaciyeen in Madaxweyne Obama oo ah nin aan u fiicneyn Yahooda u cirka ka amranyahay ayna adagtahay xargaha uu miiqo iyo sida uu wax u tabeeyo ma jiraan cid ka hortagi-karta, waxayna xuseen in magaciisa markii lagu qoro afka cimraaniga -Yahuuda uu ka koobanyahay todoba xaraf, waxaana cajiib ah ayey yiraahdeen in magaciisa laga helay kutubti muqadaska dardaaranka anbiyada reer bani-israaiil, waxay kalo sheegeen in xiliga madaxtinimadiisa Ameerika uu dagaal la isku hoobtay la gali-doono dadka Shiinaha " Juuju- Wama- Juugu" .. isku dhacaaso labada dhinacba awoodooda dhaqaale iyo mid ciidanba u horseedi-doonta iney maratabadi iyo darajadoodi maqaamka dunida ay ka joogeen jilbaha ku riiqan-doonaan, waana waqtiga ayey yiraahdeen jinsiga Carabta iyo islaamka oo hor kacaysa Masar Iyo Sacuudiga ay weerar jihaad goor subax kalahaad ku soo qaadi-doonaan magaalada Qudus, waxaana dauulaankaas hogaamindoona abaanduule salabeysan magaciisa ka bilaabmo xarafka "M" (malaha waa mahadigi maxamed islaamiiyiintu xusaan) waxayna ujeedadoodu tahay iney halkaas ka xaaqaan jinsiga reer Bani-israaiil iyagoo ka faaiideysanaya itaal darada iyo hooga ku dhacay gobti daciiftay ee Mareykanka waxayna carabka ku dhfteen in xukuumadaha qunyar socodka hadda ka jira Masar Iyo Sacuudiga ay qabsan-doonaan wadaado Akhwaan shafka u tumaya jihaadka, waxayse intaa raaciyeen in Masiixi Digaalka soo dagi-doona xiligaas uu si bareer ah isku deyi-doono caabinta jihaadista-yaasha Carabta duulaanka ku ah reer bani- israaiil iyadoo inta badan yahuudana ay la quraan-dhurwaayey-doonaan amase raaci-doonaan Masiixi Digaalkaas ayey yiraahdeen.

Wadaadka "Rabbi" ee caanka ka ah dalka Israaiil magaciisa la yiraahdo Xalbaan" haybtiisa falaga ina-habreedkii" oo asraarta  xidiga falkintiisa ay uga wada dambeeyaan Ummada reer bani-israaiil meel ay joogaanba, waxuu yiraahdana sidi waxyiga u shafeecsada ayaa yiri; casha dhaw waad maqli doontaan war kale .. kutubteyda guba haddi waxaan sheegaayo ay indhihiina hortooda imaan waayaan sanadka 2011 illa 20012, waxuuna u xaqiijiyey in hordhaci bilawga astaamihi qiyaamaha uu xilyadaas la arki-doono, laakiin qiyaamaha weyn ee cir iyo dhul la duubaayo amase la is rogaayo qalmaanta la rafacaayo, kutubtana qalaleyso iyo dambi la isku qaado  waxuu dhicdoonaa sanadka 2023 ayuu hadalkiisi raaciyey. ( waqtiga alla Og laakiinse maxay xaqiiqadi xaqa ay isku caburiyeen  maanta hurgufayaan)

Cala ay Xaal rabigi aduunyada lahaa, su rabay noqon .. diinteena ma qabto in la aamino faalka oo maherad la dhigto waana xaaraan la sugay .. waase iga wargaline iima habooneyn inaan shib ka noqdo soo gudbinta sirtoodi baxday iyo bilahaas la tilmaamay oo ayba dhici karto iney ummad ahaan waa musllimiinte Uu barakoodo, waxaana markasta aan jeclahay inaan bidhaamiyo akhbaarta turxaan iyo samaan wixi dhaca oo laga tixraacayo, hasa ahaate akhristow lama beenin inu yahay cilmi soo jireen ah oo boqoradi iyo dadyayoogi dunidi hore uu ahayd aqoon ay uu isticmaali jireen waxyaabo kala duwan .. waxaaba qoraalada taariikheed ee islaamka meelo badan looga xusay dhacdooyin waqtiyadi jaahiliyada shax faal lagu sii arkay sida markii uu habeenkii dhalanaayey subanaheena Nabigeena Maxamed CSW ay khukhyada wadaadada Yahuudu hurdadi qaban-kariwaayeen oo maalinti oo dhan ay lahaayeen war yaa xalay Wiil u dhashay iyo sidi dhacday arinti dhex martay odaygi carbeed gabadhiisa lagu soo eedeeyey gogol dhaaf, dabadeed faaliyihii arintaa kala saarayey sii sheegay iney gabadhaan nadiif ka tahay waxa lagu sheegay ayna dhali-doonto Nin cir ka yeer magac weyn dunida ku yeesha ... Naagti sidaas lagu sheegay waxaa markii dambe guursaday Abu-sufyaan oo ay u dhashay Macaawiyha taariikhda galay.

Akhristow waxba ararta iyo daroorinta murugada nasaarida yey ila gudbine,Waxaa ma hadhow xasuus maankeeyga ku reebtay wadaadkii adeer allaha daai'ma janada meel san ha uga doore Shiikh Ismaaciil Aw Xaashi oo maallin igu soo maray anigoo jidka sodonka dhismo hoteel ka aslaya, waxuu igu yiri Maxamadow taariikhda dhig sharkii iyo kheyrkii waa kala caraabeen .. hawshaan dhismaha jooji waa tacab khsaare, oo waxaan kugula talinaya xoolahaaga inaad u xawisho wixii ka shisheeya dhinacaas iyo Baladweyne .. nasiib daro hadalkiisa miisaan uma yeelin anigoo islahaa aayahayga ilaah baa ka ariminaaya, waxaana is tusay inusan mudneyn dood jawaab celin hadalka u qaado yiri , maxaa yeelay waxaa ila adkaatay hadalkiisi ahaa "Somaaliya burbur baa ka dhacaya .. colaad, baahi, barakac, dhalan-dhool ..  Xamarna waa laga guuraya" oo dabadeed iga dhaqaaqay isagoo leh " rag qoobabka waa rogi waayin haddaan la taxadarin" waxaana malahayga markaas hadalkiisa ugu qanci-waayey hadal hada ka hor Shiikhu oo mar ila kulmay1970kii ayaan u sheegay inaan dalka Raashiya waxbarasho uga soo laabtay, waxuuna waqtigaas isago cod hoose iyo fijgnaan igula faqaya igu yiri; Ruush markii la gaaro 1991 waxuu uu kala tagi-doonaa tusbax go'ay sidiisi taaso markii uu ereygaas afkiisa ka soo baxay aan uurka ka iri ma ruushkaan tunka quwadiisa soo arkay ayaa kala go'i kara oo isla hadalkeygi sii raaciyey shiikha adeer waa sidii ninki la yiri iska hadlow ina igare .. laakiin hadalkiisi raadka igu reebay waan ka xumahay markaas inaan oran Alla wax kasta waa awooda oo waa iga hoos baxday, arinta si kastaba ha u dhacde waxaan ereygi Shiikha dib u xasuutay biishi Nofembar 1991 anigo Atlanta Georgia ku daawanaya shaashada TVga CNN ayaan arkay madaxweyne Garbajov oo saxiixa ku duugaya kala taga wixii la oran jiray midawgi Soviet, waxaan kalo dib u xasuustay dhirbaaxyadi sokeeye dalka markii laysu wada dhiibay oo ilka cadeyn iyo cajub iga soo hartay uurkana ka ooyay .. halkaas ayaan ku qancay in adoomada Rabi cidii alla doono ka hadalsiinkaro .. laakiin sheekadu waxay igu sii xumaatay marku Adeer Shiikh Ismaaciil uu fariin dardaaran nasteexo u soo faray qurba joogtada beeshiisa dibada ku sii milmeysa oo uu ku yiri; Mareykan iyo Yurub waqtigi la khasifi-lahaa waa la joogaa ee dib ugu soo laabta dalkiini hooyo haddi kale halkiina ayaad ku go'doomi-doontaan .. iminka su'aasha taagan, waxay tahay baaqa adeer Shiikh ismaaciil horay ayaa laba jeer lays ku maan-dhaafay maantase shakhsi ahaan ma jecli inaan nasteexada adeer dib dambe dhabar dhabar u fahmo, walow aanan garaneyn dhabcaaleynta isxilqaankeyga sida ay u meel mareyso, laakiin waxba yaanan ku dheeraane waxaa xusid mudan guud ahaan qurba joogtada shiikhu la soo hadlay ee aan dookhooda arkay waxay u egyihiin kuwa ba' iyo hooga halka ku solmidoona .. toosa oo kaca,wacdi iyo hadal loogu wardiyey waa dhagax taabasho iyo tuujin midkaa ula tagtaa waa isku mid, waayo dhoohanaan-tooda iyo wrigwirg-tooda waxaa la moodi inu daallin sixray, waxaana taas ugu wacan waa sida aan qabe Ribada iyo lacago si farsamo dadban loo qaato oo wajiyo badan loo xantoobsanaayo iyo cuntadi oo inta badan lagu dhaasho dhuuxa doofaarka iyadoo si xirfado baas loogu xayeysiiyo waa dhuux deero amase sagaaro.  

Akhristow yaan hadal kugu sii daaline .. hadal waliba meeshi .. dhacdo waliba xasuusteed, Sido kale war daah ku wacnaa ayaan daboolka ka qaadaya xasuus igu reebtay .. mar madaxweyne Siyaad Bare oo goob fadhi diyaafadeed sheeko maaweelo nogu qabtay caasimada magaalada Baxreyn oo dhacdo xasuus ku timi noga waramay, waxuuna yiri maalin maalmaha ka mida ayaa askari badal doonaaya reporto igu soo galay, waxuu igu yiri ayuu yiri " waxaan kaa codsanaya inaad ii badasho Gaalkacyo, markaas ayaan ku iri maxaad ku caashaqday magaaladaas, markaas ayu igu yiri halkaas qabrigeygaa ka qodan, markaas ayaan ku iri oo adigu ajashaada meeshaad ku dhiman miyaad ogtahay, markaas ayuu yiri Haa oo ii raaciyey in aan sii fiican afka ingiriiska u sii barto ma daama ayuu yiri aad noqoneyso madaxweynaha Soomaaliya waqti koobana aad xil u qaadidoonta kulanka dawladaha Afrika" .. Maxamed Warsame Kiimiko oo dhawaan mar ka noqday madaxweyne Galmudug, waqtigaasna wasiir ka ahaa dawlada goobtana fadhiyey ayaa yiri; jaalle madaxweyne ninkaas aad sheegtay ma noolyahay waxuu ugu jawaabay kuu sheegi maayo ee qodqodka iga daa, laakiinse waxuu u sheegay iney waqtigaas darajadiisa ciidan ahayd Gaashaanle ... Maxamed Siyaad oo labaatan gu'ood inta badan xirirkayaga isku tola aan marna sidi mara dhamaatay  tifmin, runti wuu lahaa maskax gun-weyn iyo garaad  uu ku raajiciyo odoroska mustaqbalka,hasa ahaate waxaad moodaa marjaciisi saadaasha dhacdooyinka walbahaarka leh ee hadda ka socda dalka Somaaliya uu wax badan ka daliishaday wasaayadihi qarsoonaa ee laga tabiyey dardaarankii akhbaarta zamanka ay ka tageen cullumadi hawraarsanka lahayd ee mash-huurka ku ahayd furitaanka dabarka "code-ka" asraarta cilmiga mucjisooyinka guntiisa daahsoon ee koonka oo u halkaas ka tix raaci jiray hadba sida xaal noqon.

Madaxweyne Siyaad Waxuu oran jiray " aniga dawlad iga dambeyneysa ma jiri-doonto, dhul baan-se ka tagaya, waxaa dalka marooqsandoona hogaamiyaal caga sef-layaal ah oo sidi diqsiga qurunka dhuuqeysa iyo shacab lagu ibtiley-ndoono tafaraaruq iyo tawfiiq la'aan .. dalka waxaa sii burburin-doona kuwa qabyaaladeynaya oo huwan magac diin hasa ahate ayuu yiri dalka zaman dambe  waxaa hanan-doona kuwa xushmad loo hayo wata naamuuskii diintii taradishanka "religious traditions" oo ka dhan ah kuwa gablamiyey dalka kaalina meel ka gali-waayey ee cimaamadaha gudguduudan iyo kuwa xabaalaha amaana intaba .. Imaam karaama iyo naamus leh ayuu yiri ayaa  Ooda soo jabsandoona oo xitaa xayndaabkii dalka itoobiya si fuduud iyo xashaash ku furandoona ( malaha waa marka ay xidiguhu ka wareegaan reer galbeedku oo warka ay walhinayaan iminka yuhuudu ayba tahay silsilad dhan kasta isaga xiran ) .. Maxamed Siyaad waxuu oran jiray xarunta Somaaliya waxay ku dambeyn-doontaa agagaarka laas-caanood amase Nugaal area .

Fiiro gaara: Waxaan Todobaadka dhexdiisa idin Soo Gudbin-doonaa Nabi Maxamed CSW Sida Uga hadlay Soo Dhawaanshaha Qiyaamaha Iyo Astaamaha Lagu Garto