Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Warar Yaab Leh Oo Laga Ogaaday Dhaqanka Madaxweyne Axmedinejad Intu Joogay New York

Tuesday - September 28, 2010

New York: Warar laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, ayaa lagu sheegay in Madaxweynha dalka Iran uu hab-dhaqankiisu uu aad uga duwanaa Madaxdii kale ee dhigiisa ahaa ee shirkaa ka qayb galeysay, waxaana ka muuqday taxadir dheeraad ah iyo dabeecado gaar ah oo aanay cidi la wadaagin maadaama ay col daahii go'y yihiin dalka Maraykanka.

Madaxweyne Ahmadinejad, mar kaliya kam uu soo bixin qolka huteelka uu ku degay ee Hilton Manhattan East, on 42nd Street .. muu fadhiisan xitaa fadhiyada lagu nasto ee loogu talo galay martida hab maamuuskeedu sareeyo ee hoteelka degan, waxa la socday sirdoon adeegayaal khaas u ah oo aad u tabababaran kana tirsan ciidammadiisa gaarka ah.

Taxadirka dheeraadka ah ee u qabay waxa u dheeraa daal iyo caajis badan oo uu ka qaaday wakhtiga dheer ee uu kaligii ku sugnaa qolkiisa, mana jirin kaftan, sheeko iyo hadal uu la yeeshay madaxda kale ee ay isku Hoteelka deganaayeen ee ku sheekaysanayay meelaha gaarka ah ee loogu talogalay nasashada.

Madaxweyne Ahmadinejad, waxa uu ka soomay cabbitaannadii iyo cuntadii hoteelka uu deganaa waaanu iska xaaraantinimeeyay in afka saaro, sidaa daraadeed cnutada iyo cabitaankaba waxa ay ciidankiisa sirdoonka ah ee la socdaa ay uga keenayeen meel ka baxsan hoteelka uu deganaa oo loo malaynayo in ay ahaayeen qaar ka mid ah Hoteelada Beershiyaanka ah ee ku yaala magaaladaasi.

Habeen Khamiis ah oo ka mid ah Lixdii maalmood ee uu Maraykanka joogay ayaa la sheegay in diblamaasi sare oo ka tirsan dalka Sudan in uu isku dayay in uu Madaxweyne Ahmadinejad ku booqdo hotelkiisa uu degan yahay, markii uu galay hotelka waxa uu toos ugu tegay adeegayaashii sirdoonka u ahaa Ahmadinejad oo gaaf wareegaya hoteelka gudahiisa, kadibna diblamaasigii Sudaaniga ahaa oo la taagan ilaaladii Ahmodnajad ayaa lagu soo waramay inay u yimaaddeen laba haween ah oo aan jirkoodu asturnayn oo ka soo kacay baarka lagu cabbo khamriga ee hotelka oo ay ku soo qurquriyeen xooggaa khamri ah, dabadeedna waxay toos u abbaareen ilaaladii Madaxweynaha iyo diblomaasigi Sudaanese ahaa oo wada taagan, waxaanay kala daaleen cay iyo aflagaado, waxana ka mid ahaa erayadii ay ku lahaayeen; “Ma Iraaniyiintii arxan laawayaasha ahaa baad tihiin, gabadha aad ku xukunteen in dhagax lagu dilaa waa walaashayo ee degdeg u soo daaya meeyey Madaxweyne ku sheegiinii falkan ka danbeeyay”.

 Si kataba ha ahaatee, ilaaladii Madaxweynaha Iran ayaa labadii haweenka ahaa ka codsaday in ay meesha ka dhaqaaqaan, balse wey ka diideen, waxaana goobta ka bilaabmay sawaxan iyo qaylo saa”id ah, waxaana arrintii soo dhex galay oo xaliyay maamulihi sare ee hoteelka si uu buuqa u damiyo.

 Madaxweyne Ahmadinejad, ayaa la soo wariyey in uu xirnaa jaakat iyo shaar ay tayadoodu aad u liidato oo aanu iska badalin lixdii cisho ee Maraykanka joogay, waxana la sheegay in uu xitaa ku seexan jiray isaga oo xiran maryihiisaa. Waxa kale oo warkan lagu tibaaxay in aanu sidan maryo kale oo aan ahayn kuwa uu xirnaa, mana uu sidan shandad iyo wax kale toona, qolka uu ka deganaa hoteelka waxa uu lahaa daaqado muraayad ah oo aanay xabbaddu Karin.

Warkan waxa lagu xusay in lixda cisho ee deganaa hoteelka in aanu laba habeen oo isku xigta wada seexan qol keliya, balse habeen walba uu u guurayay mid kale oo ka tirsan isla hoteelka uu deganaa.

Hadalka keli ah ee ka soo baxay afka Madaxweynaha Iran wuxuu ahaa khudbaddii uu ugu soo talo galay in uu ka jeediyo Shirka Guud ee Qaramada Midoobay, marka uu shirka ka soo baxana kamuu soo baxayn albaabada gaarka ah ee loogu talo galay in ay ka baxaan Madaxda shirkaa ka soo qayb gashay balse waxa uu ka baxaayay albaabo kale, waxaanu maalin kasta raacayay gaari aan ahayn kii uu maalmaha kale raacay, marka uu ku fariisto kursiga baabuurkiisa khaaska ahna waxa uu madaxa ku duubayay go’ cad, taas oo u saamaxday in aan qofna garan inta uu marayo waddada iyo marka uu tago hotelka uu deganaaba.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha dalka Iran waxa uu ahaan nin isku kalsoon oo ay ka muuqato sida uu neceb yahay Maraykanka iyo waxa uu cagaha ku qaato.