Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shan Suldaan Oo Ka Soo Jeeda G.Awdal Iyo Salal Oo Digniin Culus U Jeediyey Xukumada Somaliland

Wednesday - September 29, 2010

Boorama- By Wariye Cumar Maxamed Faarax:  Shan Suldaan oo ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolada Awdal iyo Salal ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Boorame waxay xukuumada cusub ku eedeeyeen inay dalka burburinayso. Waxaanay si kulul u eedeyeen   talaabada xukuumadu ku bedashay Sarkaalkaasi oo ay sheegeen inaan la aqbali Karin oo uu yahay go’aan cadaalad darro ah.

Suldaan C/Raxmaan Jaamac Dhawal, oo ugu horrayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu naqdiyay eriga Maxamed Xudhuun waxaanu yidhi “Maxamed Xudhuun, waa sarkal ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Salal waa nin daacad ah oo shaqadiisa ka adag. Waxaan cambaaraynayaa tallaabada xilkii lagaga qaaday, waxaan qabaa in xukuumadu u raacday Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani, oo ay si shakhsi ah isu hayeen Maxamed Xudhuun. Waxaan leeyahay ma qaadan karno arrintaasi in qofka wax aanu ku jirin la marmariyo.”

Suldaan C/Raxmaan Jaamac Dhawal waxa kale oo uu ku dooday in xukuumada cusubi doonayso inay bedesho Taliyeyaashii qeybaha iyo saldhigyada gobolada Awdal ee ay soo magacowday dhawaan waxaanu xukuumadan ku eedeeyay inay faro gelin iyo cadaadis ku hayso bulshada gobolkiisa ka soo jeeda.

“Markii horeba waxaanu u dul qaadanaynay oo aanu dadka dajinaynay saamiga shacbiga gobolka Awdal iyo Salal laga siiyay xukuumadan cusub oo ah mid aad u yar oo ah wixii ay xaqa u lahaayeen, haddii xukuumaddu daloolinayso doonidan la wada saaran yahay. Markaa Anaguna dhinacayaga ayaanu ka daloolinaynaa,”ayuu ku tiraabay Suldaan C/Raxmaan Jaamac Dhawal.

Suldaankaasi wuxuu sheegay in guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacabay baadhista dhacdadii Maleeshiyada ONLF lagaga soo dejiyay xeebaha Galbeedka Somaliland, ay sheegeen in  saraakiisha ciidamada iyo maamuleyaasha Ha’yadaha dawliga ahi aanay shaqo ku lahayn dhacdadaasi. Waxaanu xukuumada ku eedeeyay inay cadaalad darro ku bedashay Taliyihii ciidanka qaranka ee gobolada Awdal iyo Salal.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo ka hadlay halkaasi ayaa  sheegay in shacbiga gobolada Awdal iyo Salal aanay xukuumada cusub ka yeelaynin in faro gelin iyo cadaadis badan lagu sameeyo dadweynaha goboladaasi.waxaanu si kulul u cambaareeyay wax  ugu yeedhay xaq-darrada lagu sameeyay Maxamed Xudhuun, oo uu ammaanay kaalintii uu ka soo qaatay adkaynta nabadgelyada dalka gaar ahaan xiligii doorashadii madaxtooyada.
Suldaan Muuse Cali Dugsiiye, oo isna cambaareeyay in  xilka laga qaado Maxamed Xudhuun. Waxaanu dawlada u soo jeediyay inay ka noqoto arrintaasi oo uu ku adkaystay inaanay shacbiga reer Awdal liqi doonin.

“Sidaan la socono nimankii ONLF ee ka soo degay xeebaha galbeedka dalka, looma nisbayn karo shacbiga gobolada Awdal iyo Salal, waxay ahayd dhacdo fool xun oo aanu cambaareynayno oo argagixiso. Waxay la mid ahayd dhacdooyinkii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa xaruntii madaxtooyada meelo kale oo ka mid ah Somaliland.,”ayuu yidhi Suldaan Muuse.

Suldaan Xasan Xaddi Baadde, ayaa ka sakow cambaareynta xil ka qaadista sarkaalkaasi wuxuu xukuumada cusub ku eedeeyay in aanay waxba ka qaban wax uu ugu yeedhay kooxdii fulisay gawricii dhawr qof oo aqoon yahano iyo Ganacsato iskugu jiray oo ka soo jeeday gobolka Awdal, oo lagu dilay jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Boorame iyo Kala Baydh.

“Waxa magaalada Hargeysa ku sugan oo aanay xukuumadani waxba ka qaban kooxdii gowracday dadkii aan waxba galabsan ee Ganacsatada iyo Aqoon yahanka iskugu jiray ee lagu dilay jidka degmada Kalabaydh ee Gabilay.arrintaasi waa nasiib darro inay dawlada cusubi daawato oo ay waxba ka qaban waydo,”ayuu yidhi Suldaan Xasan Xadi.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay oo xukuumada dhaliilo u soo jeediyay Suldaan  San-buurad.

Dhinaca kale sida ay noo xaqiijiyeen dhawr qof oo madax banaan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan xaafado kala duwan oo magaalada Boorame ahi, waxay dhammaantood ii xaqiijiyeen inuu magaalada Boorame ka socdo olale xoog weyn oo lagu agaasimayo mudaharaadkii u balaadhnaa oo ay doonayaan inay dareenkooda ku muujiyaan kalsoonida ay u hayaan xukuumada isla markaana ay kaga soo horjeedaan xilka qaadista Sarkaalkaasi oo ay u arkaan cadaalad darro.

Qaar ka mid ah qaban qaabiyeyaasha mudaharaadkan ayaa dhalinyarada xaafadaha magaalada ku wacyi gelinayay inay maanta aanay tagin iskuulada iyo jaamacadaha oo ay u soo diyaar garoobaan mudaharaad dawlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo loogu gudbinayo wax ay ugu yeedheen farriin cad.

Ma jiro illaa imika war ka soo baxay xukuumada oo lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii Ciidanka qaranka ee gobolada Awdal iyo Salal, hase yeeshee waxa la sheegay in la bedalay sarkaalkaasi iyo Ku Xigeenkiisiiba.

Weriye:- Cumar Maxamed Faarax Borame