Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sh.Sharif Turub Bu Baandheynaya Isago Leh Sh. Sakinow ii Baaq ..Allow Yeeke Qaawane Ha Nagu Soo Deyn

Sunday - October 3, 2010

Wararka Shabakadaan soo gaaraya ayaa ah kuwa laga xishoodo daabacaadoda iyo in gabi-ahaanba laga hadlo si aan dareenka jirkaa u sii xajiimoon .. dadku iney danahooda ka raacdaan ayaa u roon intey xaaraameysan-lahaayeen sheekada Shariifyada ee aan uu muuqan wax dhuux mooye wax kale .. wararka ayaa tilmaamaya Shiikh Shariifku inu u magacaabay ka soo talinta xulka raiisal wasaaraha dhawr nin oo ay ku jiraan Aadan Madoobe ,Shariif Sakiin, Cabdulaahi Cali Cumar,  Cabdiraxmaan Ibi iyo laba kalo hayb daarood wata, oo aan magacooda nalo cadeyn, lamana garanaayo sida ay wax ku xulayaan inkasto la leeyahay sanka waxay la raac-raacayaan baar-baaris mid hadhaw boolida xashimaha uga buuxiya,.

Waxaa kalo la carab dhabaya in dhawaan Shiikh Shariifku u safar gaaban ku gaari-doono magaalada caasimada Nairobi si uu wada hadalo ula yeesho dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo u kala xaajoon-doono aragtidooda magacaabista Raiisal wasaare cusub, kadibna sida xantu leedahay Shiikhu waxuu gaari-doona dalka liibiya oo Qadaafi ayaa uu yeeray baa la leeyahay .. waxaa kalo la sheegaya in qurba joog badan oo soo dhelmaday ay dhooban yihiin Caasimada Nairobi iyo xarunta madaxtooyada oo miyirkoodu yahay mood iyo magac aduunyo. 

Dhinaca kale war naga soo gaaray oo laga xigtay rag warkooda la qaadan karo ayaa carabka ku dhuftay in kulankii dhawaan ku dhex maray Adis Ababa mudane Shiikh Shariif iyo Meles-ka Itoobiya la sheegay in Meles uu ku yiri Shiikh Shariif " ceebtaada astur oo indhaha si fiican u kala qaad .. waxyaabo laga xishooda jira oo ha la iimaan sheeko halaasi iyo waxaan loo fadhin .. 20 kun ciidan ha la ii siiyo Af ma aha .. beesha caalamka wey idin saluugsantahay waana idin ku xiiqday  sidey kuu maleyneysay ma aadan noqon .. maxay tahay caruurta shabaabka hubka motarka kula xaragooneysa madaxtooyada horteeda oo aadan iska caabinkarin .. aasaaska dhibka jira waa maamul-kaaga oo inta badan la qiiray iney gacan saar la leeyihiin Shabaabka .. kuwaana kaa diiday iyo magacyada musharaxiinta aad ila timi .. please inta waqtigiina idin kaga hartay dastuurka sii dhameystira dabadeed isu diyaariya doorasho " .. hasa ahaate sida la xusaayo Shiikh Shariif , wax ilaaqa kama keenin ayaa la yiri oo si taxadar leh ayu ugu jawaabay; waxba isla waayimeyno kor iyo hoos waa isla eegeynaa.

Shabakadaan oo sahmis ku sameysay aragtida la qabo waxaa laga soo wariyey: shacabka Somaali weli isma waafaqsana mana gaarin marxalad biseyl, weli is waab waabin bey ku hawlanyihiin oo dulmi ayey u wada hiilinayaan haddana waxay doonayaan samo iyo wanaag .. weli uma muuqato deebaaqaha kharaar iyo dacrta la leefsiinaayo, waxay kalo yiraahdeen; shacabkii waa afduubanyahay oo iilki baa loo sii wada waa kaas madaafiicda maalin-walba lagu buufinaaya shacabkii Mogdisho masaakinta ahaa ..Ugaandheyska afrikaanka Gawsaha waa-weynaa ee ehel naareedka ah ayaa waxaan sharci uu baneeyn ummadi marku waagu baryo kula soo boodaya .. bal yey wakiil ka yihiin oo u dagaalamayaan, ma Shariifyada aan nina rabin ayaa dartood dadka loo leynaya, waxay warkooda intaa sii raaciyeen oo yiraahdeen; waxaa wax laga xumaada ah odayaal dhaqameedkii beesha Hawiye sheegan jiray oo dhacdooyinkaas oo kale ka buuqi jiray maxaa iminka ku dhacay oo ay u aamusanyihiin? .. warkooda ma waxuu ka badin-waayey war ina Cabdirashiidow daarood-baa tahay naga bax .. maxaa dhacay shalay waa tey ku dhiiranayeen falkii Cabdulaahi Yuusuf Iyo ciidamadi Itoobiyaanka .. malaha ayey yiraahdeen dadka Hawiye   waxay qabaan inkaar duqi ay ka soo isrioodeen.