Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gorgorkii M.Roobow Oo Qorsheynaya Dagaal Laysku Qiro Beelo Marku Ma-Hare Godane Ooda Ka Soo Rogtay

Tuesday - October 5, 2010

Kisimaayo-Baydhabo-Baladweyne-Mogdisho: Waxaa la yiri Rag qawl ayaa xira hawena meher : waxaa si cad waayahaan dambe loo dareemaya in hab dhaqankii hogaan ay isku xukumayeen al-shabaab uu ka dhashay ham-ham gurxaan iyo hirif colaadeed, oo doogti reer reer dhawaana-haanba ka soo biskoodeen ay dib ugu laabteen oo ayba miciyo-laaban isla gaadayaan, waana nasiib kii markaas seefta lala helo. 

Sida warka lagu helaayo qaar ka mida madaxda sare ee shabaabka ayaa caado uu noqotay in wax kasta ay soo jeediyaan iyo talo aan la wada ruugin inta kale duudub ku liqdo, hasa yeeshe rag baa ka yaabay sida ay is burinayaan baaqi wadaadada shabaabka qaarkood iyo falalka socda, fikirkaas iyo maskaxdaas waxaa diday rag u ka mid yahay Mukhtaar Roobow iyo Cabdi Shiino oo yiri; dagax iyo dhadhaab ma nihin, maalin walba kitaab nalo soo cusbooneysiyey ayaad noo keeneysaan ee  qorshaha dagaalka ha lagu galo beel beel iyo sidi xarig xarig layisugu xigo, iyadoo hadda ka horna uu Roobow diiday in bulshada reer Baydhabo iyo Bakool lugaha iyo gacmaha laga jaro oo u yiri; dadkeyga waa qodoto beeraley ah oo haddi gacmaha laga reebo uusan noolaan-karin, halka gobolada qaarkoodna ay fuliyaan walow la sheegay in xukunka shareecada ay ku fuliyaan inta badan dadka laga tira badanyahay, waxayna mitaal u soo qaateen dhacdo kisimaayo laga sheegay oo la yiri; nin ay qaraabo yihiin Xassan Yacquub uu qori-ak ka xaday oo dabadeed aan wax sharci ah lagu qaadin.

Mukhtaar Roobow waxaa laga soo wariyey inu yiri; Shiikh Godane waxuu nola yimi aragti hawlgal dagaal wax yar uu ka soo bodsaday ragii SNM-ta oo sidaas ku doonaayo dal iyo dad inu ku maamulo.. hadey timi ayuu yiri in bareer cad loo cadeysto iyo teeyda baan ku soconaya ee waxaad doontaan sameeya, hasa ahaate labadaa hogaamiye oo biyo hoostood iska arkay waxaa laga dhex wada waa-waan iyo xiriirki wada shaqeynta oo dib loo soo cesho,laakiin kolba lays qoonsay oo waxaa la yiri sir bey isu maldhahayaan

Sido kale Magaalada Baladweyne ee caasimada hiiraan ayaa inta badan waxaa haysta maleeshiyada shabaab aan cidna ka amar ka qaadan, waxaana madax markasta looga dhiga nin reer hiiraan ah oo awoodiis hogaan la saluugsanyahay, waxna ka qabankarin falalka ceebaalka ay ku sameynayaan shabaabka magaalada ee u badan beesha Raxanweyn.

Arinti si kastaba ha noqote waxaa muuqata in madaxdi shabaab ee garasho iyo aqoon meel dheer ka gaarin ee qaaradaha kale laga hago ee qodobo loo soo yeersho ay iminka isku-guuxayaan oo la yiri waa kala digtoonaadeen isagoo nin waliba qoqob maleeshiyo meel dhigtay, waana ayaan daro iney meel maran dhuuxayaan oo weli qabiil aan ka harin nabadna aan qaadaneyn .. cala ay xaal waxaa la saadaalinaya in beenta iyo runta shabaabka ay mar dhaw kala bixi-doonaan oo hugugufta mortarka iyo qunbuladaha miinada la isku miidaamiyo iyo wixi balo ka qiiqeysey wixi soo qorsheeyey ay guuldaradooda ummada ka nasan-doonto.