Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Cunsuriin Reer Sweden Ah Oo Todobaad-kaan Soo Bandhigaaya Film Ku Edebdaroonaya Nabi Maxamed CSW

Tuesday - October 5, 2010

Sweden: Kadib markii uu ku guuleystay xisbiga Cunsuriga ah ee Neceb Islaama ee dalka Sweden Ee SD kuraasta baarlamaanka qaar kamida ayaa Jaamacada Magaalada UPPSALA ay soo casuumtay ninkii Swedishka ahaa ee Lars Vilks ee sameeyey sawiradii ay wax kaga sheegayeen Rasuulkeena Muxamed (CWS) inuu jaamacadaa kusoo bandhigo Filim nooca xun xun ah oo wax lagaga sheegayo nabigeena Suuban (CSW),
 
Jaamacada Uppsala ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aanay markan aqbaleyn in filimkaa la joojiyo iyadoo mar hore oo ay isku dayeen laga joojiyey kadib markii dadka Muslimiinta ah ee magaalada Uppsala iyo dalka Sweden ay ku kaceen, Jaamacadaa ayaa sheegtay inay Filimkaa soo ban dhigayaan iyagoo intaa ku daray in cidii diidaysa ay diido laakiin aanay u joojinayn, Filimkaa ayay sheegeen inay soo bandhigayaan Todobada Bishan Tobnaad,
 
Jaamacada ayaa ka dalbatay Xukuumada dalka Sweden inay ilaaliyaan jaamacadaa marka Filimkaa lagu soo bandhigayo iyadoo xukuumaduna ugu deeqday 20 kun oo Askari oo amaanka jaamacadaa ilaaliya, Booliska ayaa warku sheegay inay ilaalinayaan goobtaa isla markaana ay qof kasta oo galaya ay ka Reebi doonaan Baasaboorkiisa ama Teysaraha Aqoonsiga isla markaana Booliska ayaa dadka ka dalban doona inay soo galaan jaamacadaa laba saacadood ka hor inta aan la bilaabin filimkaa,
 
Muslimiinta Magaalada Uppsala ayaa ku guuleystay inay nimankaa ka joojiyaan Filimkaa oo ay doonayeen inay jaamacadaa ku soo ban dhigaan 11 MAY ee sanadkan, iyadoo xiligaa Dad muslimiin ah oo badan ay soo buuxiyeen Hoolka jaamacada ee filimkaa lagu dhigi lahaa gudihiisa iyo banaanka jaamacadaba iyagoo xitaa garaacay ninkii sawirda Nabiga (CSW) lagu Aflagaadeeyey soo sawiray, Laakiin Nimankan Islaamka neceb ayaa sheegay inay markan filimkaa ay soo bandhigi doonaan,
 
Muslimiinta magaalada Uppsala ee dalka Sweden ayaa ka dalbaday muslimiinta dalka Sweden iyo Caalamkaba inay kala qeyb galaan sidii loo joojin lahaa Filimkaa oo Runtii ah wax aad loola yaabo in Nabigeena Suuban Muxamed (CSW) lagu matalo Filim kuwa xun xun ah,
 
Agaasimaha Jamciyada Islaamka ee magaalada Uppsala Dr. Maxamed Shaadi Kaskiin ayaa ku Eedeeyey Jaamacada magaalada Uppsala inay sameynayaan Fidno iyo xumaan weyn oo ay u hayaan diinta iyo dadka islaamka ah isagoo xukuumada Sweden-na ku Eedeeyey inay malaayiin doller ku bixiso illaalinta ninkii sawirada sameeyey isla markaana Filimkan soo sameeyey, Dr.Maxamed ayaa wuxuu kaluu xukuumada Sweden ku Eedeeyey in ayna illaalinayn xuquuqda dadka laga Tirada badan yahay ee muslimka ah ee Swedishka ah ama Sweden ku nool, Dr. Maxamed ayaa ugu danbeyntii ku Eedeeyey xisbiga Cunsuriga ah ee Sweden Democrate inuu isagu waxan ka danbeeyo isla markaana sheegay inay xoog iyo xoolaba isugu geyn doonaan sidii ay filimkaa u joojin lahaayeen iyo inay dacwad kaga soo oogi doonaan maxkamadaha dalka Sweden,
 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed / SWEDEN