Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Saraakiishi Xoogi Hore Gobta Iyo Haramcadka Ahaan Jirtay Oo Badalay Miisaankii Dagaalka

Wednesday - October 6, 2010

Wararka shabkadaan soo gaaraya ayaa tilmaamaya in ay weli socoto dirirti u dhaxeeysey meleshiyaadkii cuqubada shabaab iyo ciidamadi dawlada oo ay markaan hawlgaladooda hogaaminayaan saraakiil suunka giigsaday ee ciidamada xoogi hore oo maleeshiyadki ka dhigay wax la dilay iyo wax la baqo eryey oo la yiri meydkoodi qalfoofaha noqday illa hadda weli qabuuro laguma gurin.

Sida warku tibaaxayo dagaaladaas la isku hoobtay awgeed waxaa la arkay hogaamiyaashi al-shabaab ee meherada ka dhigtay hadba meel ku dul-duul iyo mabda' aan shaqeyneyn ay uu adkeysan waayeen boorka beebayaasha dabka ololinaaya iyo habaaska ka duulaya kaarayaasha gaashaaman oo la sheegay in shabaabku meelo badan ka sameeyeen dibu gurasho iyo cagaha meelo ay dhigaan waayey , waxaana la sheegay in ciidamada dawlada dhawaan la soo gaarsiiyey hub markaan si xun wax u buufinaaya baaruud xog leh oo ka dhaceysa birigaano iyo boobayaal cusub halacooda ku leefayo.

Sida la sheegaayo shabaabkii xeerka ka dhigtay dirir iyo colaad baafis ayaa la hadal hayaa in iminka ay ku hafanayaan mawjado dhiiga oo wiishkii la booday, mana muuqato markaan ayaa la leeyahay iney ka baxsadaan ciidamada abaabulan ay wataan Saraakiishi hore ee qaranka.

Waxaa la ii sheegay General Cabdi-Casiis, General Axmed Warsame Iyo Coranel Xaashi Maxamed oo ay weheliyaan koranel Cabdi Risaaq Bixi iyo saraakiil kale ay gashadeen shaar gobeed oo halkaas naqshadi jaangooyada dagaal u dajiyeen hawlgalada ay wadaan ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dawlada intaba oo hadafkoodu yahay in dalka gabi ahaanba laga xoreeyo harjadka shabaabka is-maqiiqaya .

Warka na soo gaaraya oo maqalkooda lagu mashxaradikaro laguna diirsan-karo, ayaa tilmaamaya in saraakiil kacaan u hilaacay, dhiigooda kacay ay shafka u tumeen dalkaan aafoobay badbaadadiisa oo ayba isu diyaarinayaan iney gacanta ku dhigaan shukaantana u qabtaan hogaaminta dalka isla markaana wadanka ka dilin-dileeyaan doqomada madax ku sheega walaxna reebeyn ee majaha hool-hoolan.