Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mukhtaar Roobow Oo La Filaayo Inu Baydhabo Kaga Dhawaaqo Uurur Cusub .. Source Saxafi

Friday - October 8, 2010

Xigasho Wargeyska Saxafi : Guddoomiye ku-xigeenka kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Cali (Abu Mansuur) ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu urur cusub kaga dhawaaqo gobolada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Somalia oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, kaas oo dagaal la geli doona kooxda Al-Shabaab ee uu markii hore ka midka ahaa, kadib markii dhawaan uu khilaaf ba’ani kala kaxeeyay isaga iyo ninka uga sareyn jiray hoggaanka ururka Al-Shabaab ee la yidhaahdo Axmed Cabdi Godane.

Sida ay tibaaxeen warar laga helay ilo xog-ogaal ah oo ku dhowdhow Mukhtaar Roobow oo isagu dhawaan ciidamadii ka soo jeeday gobolada uu u dhashay ee Bay iyo Bakool ee ka dagaalamayey magaalada Muqdisho kala baxay, waxa uu Mukhtaar Roobow qorshaynayaa inuu ku dhawaaqo urur ka madax banaan kooxda Al-Shabaab, kaas oo sida warku sheegay dagaal hubaysan la geli doona kooxda Al-Shabaab.

Mr. Roobow ayaa toddobaadkan bilowgiisii ciidamo gaadhaya laba kun oo askari kala baxay jiidaha hore ee dagaalka Muqdisho ee u dhexeeya kooxda Al-Shabaab ee uu ka tirsanaa iyo ciidamada dawladda daciifka ah ee Sheekh Shariif madaxda ka yahay iyo kuwa nabad-ilaalinta u jooga Somalia ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaas oo sida la sheegay uu la tegay degaanka uu ka soo jeedo ee Bay iyo Bakool, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee hadda isaga gacanta ugu jirta, waxaanay wararku tibaaxeen in ay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab raaceen dhinaca Mukhtaar Roobow, isla markaana kula jiraan qorshahan cusub ee ay doonayaan inay urur cusub ku dhawaaqaan.

Khilaafkan kala kaxeeyay kooxda Al-Shabaab ee dawladda Maraykanku ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ayaa ka dambeeyay khilaaf in muddo ah soo jiray oo u dhexeeya Mukhtaar Roobow iyo hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, kaas oo sida la sheegayo ka dhashay soo-jeedin uu Mukhtaar Roobow soo jeediyay in hoggaanka Al-Shabaab la bedelo kadib guul-darrooyin ka dhashay dagaalkii Al-Shabaab ku baaqday bishii Ramadaan, kaas oo sida ay wararku tibaaxeen ay ka dhinteen rag badan oo ka mid ahaa saraakiisha dhinaca dagaalka ugu faca weynaa ee kooxda Al-Shabaab.

Hase yeeshee soo-jeedinta Roobow kadib ayaa waxaa khilaafka labada hoggaamiye loo saaray guddi dhexdhexaadineed oo ka hawl-gasha sidii loo xalin lahaa khilaafka soo dhexgalay hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, balse guddidaas ayaan ku guulaysan dhexdhexaadintii ay ka dhex wadeen Roobow iyo Godane, kadib markii uu Mukhtaar Roobow shuruudo adag ku xidhay dhexdhexaadinta isaga iyo ina Cabdi Godane, taasina ay keentay inay fashilanto dhexdhexaadintii labadaa nin laga dhex waday.

Shuruudaha uu Mukhtaar Roobow guddida dhexdhexaadinta ka dhex waday isaga iyo hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa waxa ka mid ahaa qoddobadan;

1- Inuu is casilo Madaxa sare ee Alshabaab Axmed Godane (Abuu Zubey)

2- In hay’adaha gargaarka la siiyo dhaqdhaqaaq buuxa

3- In la mamnuuco ciidamada gaarka ah ee Amniyaad loo yaqaan

4- In baadhitaan lagu sameeyo saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay jiida hore ee dagaalka

5- In shaqada laga caydhiyo dhammaan saraakiisha ku lug yeelata dilka saraakiisha Al-Shabaab.

Hase yeeshee sida wararku ay sheegayaan qodobada uu shuruudda uga dhigay Roobow heshiis dhexmara hoggaamiyaha Al-Shabaab, ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay Axmed Cabdi Godane oo ah hoggaamiyaha Al-Shabaab, taasina waxay keentay in Mr. Roobow uu ciidamadiisii jiida hore ee dagaalka magaalada Muqdisho ku jiray uu kala baxo, iyadoo ay taasina sababtay in fadhiisimo muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka haysatay magaalada Muqdisho dib looga qabsado, isla markaana ay ciidamada dawladda Sheekh Shariif iyo kuwo Amisom ay hore ugu ruqaansadaan iyagoo isku dayaya inay ka faa’iidaystaan khilaafka Al-Shabaab, waxaanay wararka Muqdisho ka imanayaa sheegayaan inay ciidamada Sheekh Shariif goobo Istaraatiji ah oo ay labadii sannadood ee u dambaysay gacanta ku haysay Al-Shabaab la wareegeen.

Sidoo kale waxay wararka ku saabsan khilaafkani sheegayaan in waxyaabaha khilaafka sii murgiyey ay ka mid ahayd kadib markii Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ka mid ahaa Saraakiisha safka hore kaga jiray dagaalka ay Al-shabaab ka wado magaalada Muqdisho oo dagaal ku dhaawacmay markii dambe la sheegay inuu dhintay, hase yeeshee sababta dhimashadiisa muran galay, iyadoo loo aanayno inay dileen ciidanka Amniyaatka la yidhaahdo ee Al-Shabaab, kuwaas oo toos uga amar-qaata hoggaamiyaha Al-Shabaab, iyadoo markii arrintaas la weydiiyeyna ay kooxda Al-Shabaab sheegtay in ninkaas uu dhaawac xumi soo gaadhay, kadibna loo fudaydiyey, arrintaas oo si weyn u gilgishay rag uu ka mid yahay Mukhtaar Roobow.

Dhinaca kale, Maleeshiyo ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay habeen hore ka baxeen magaalada Beledweyn, una gudbeen dhinaca gobolka Bay si ay ugu biiraan ciidamada uu halkaas la tegay Mukhtaar Roobow.

Maleeshiyadan oo la sheegay inay tiradoodu boqol kor u dhaaftay, isla markaana watay saddex gaadhi oo tikniko ahaa ayaa wararku tibaaxayaan inay gaadheen magaalada Waajid oo ka tirsan gobolka Bay, waxaana tallaabadan lagu macneeyay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan ee ka soo jeeda beelaha Digil iyo Midhifle ee jooga gobolada kale ay isugu imanayaan labada gobol ee Bay iyo Bakool, halkaas oo la filayo inay noqonayso xarunta ururka cusub ee la filayo inuu dhowaan ku dhawaaqo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Si kasta ha ahaatee, khilaafka hoggaanka sare ee Al-Shabaab ee xilligan ayaa la rumaysan yahay inuu yahay kii ugu xoogga badnaa ee soo kala dhexgala kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay xilligan kooxda Al-Shabaab ku jirto dagaal ba’an oo u dhexeeya dawladda Somalia oo ay taageerayaan beesha Caalamku, iyadoo lagu hawlan yahay sidii kooxdan looga hortegi lahaa inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho oo inta badan iyada gacanta ku hayso, waxaanu laga cabsi qabaa inuu khilaafkani noqdo mid awoodii ay kooxdaasi lahayd kala dhantaala, iyadoo maalmihii u dambeeyay ee khilaafkani jirayna dagaalada Muqdisho lagaga qabsaday dhul badan oo muhiim u ahaa haysashada Muqdisho ee kooxda Al-Shabaab, waxaana la saadaalinayaa in haddii khilaafkaasi sii socdo uu kooxdan u horseedi doono dhammaadkii jiritaanka Al-Shabaab.