Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Prof. Axmed Ismaciil Samantar Oo Loo Doortay Madaxweynaha State Awdal-land

Sunday - October 10, 2010

Source Salaxley Network - Boorama: Labadii ilaa saddexdii casho ee u dambaysay, ayaa qaybo ka mid ah dadweynaha Boorama waxa hareeyey dood ku saabsan dawlad mala’ awaal ah oo dhawaan lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka oo ay maamushaan siyaasiyiin iyo dad kale oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal

Cid kastoo joogta gudaha Boorama ama debedda kaga maqan ayaa labadii casho ee aynu soo dhaafnay iyo wakhti ka horeeyeyba hadal hayey waxa loogu yeero gobol ama beel ka goosatay Xukuumadda Somaliland oo iskeed iskugu magacawday “Awdal-land ", taas oo loo fasiran karo burbur ku yimaadda qaranimadii iyo heshiiskii beelaha Somaliland ee Boorama iyo Burco ku gaareen 18 sano ka hor, isla markaana lagu wada dhistay xukuumadda maanta weli ka talisa gobolkii hore loo odhan jiray Woqooyiga Soomaaliya ee Somaliland.

Marka dib loo eego magacaabista xubno ama magacyada lagu xusay dawladda mala-awaalka, inta badana la aaminsan yahay in reer Awdalka gudaha jooga looga soo waariday debedda, balse taageero ka haysta kooxo gudaha jooga, ayaad ogaan karaysaa in qaar ka mid ah dadweynaha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Awdal oo gudo iyo debedba joogaa iska dhaafeen ama iska laabeen heshiiskii ay la galeen beelaha Somaliland ka dib markii ay meesha ka baxday Xukuumaddii Daahir Rayaale ee doorashada lagaga qaaday xukunka dalka, isla markaa ku talo-galeen in iyagoo adeegsanaya aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan Somaliland ku burburiyaan wakhti Soomaalida inteedii kale ku nool yihiin cabsi iyo qaxootinnimo.

Dawladda mala-awaalka ah oo madaxweyne loogu magacaabay aqoonyahanada reer Awdal Prof Axmed Ismaaciil samatar, oo ka mid ah aqoonyahanada dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku caan baxay u ololeynta Soomaali weyn, haatanna reer Awdal ka dhigaya mid ku xoreynaya halgan maalin gelinkeed ku qaadanaya, cidina kaga dhiman halgankaasi, marka loo barbar dhigo halgankii loo soo galay qarannimada Somaliland, kaas oo ay ku nafwaayeen kumanaan kun oo qof, kuna lumeen adduun badan.

Waxa kale oo lagu daray madaxweynahaasi ku dhawaad 17 xubnood oo isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Awdal oo jooga gudaha iyo debeddaba, hase yeeshee laga yaabo in aanay wax xidhiidh la lahayn arrimahaasi.

Dhinaca kale waxa iska caddaan ah in dad badan oo halkan ku sugani arrintan soo dhaweeyeen kuna tilmaameen guul u soo hoyatay reer Awdal iyo Awdal-land-ba, kuwaas oo u qaatay inay iska xoreeyeen beelo gumaysan jiray, meeshana ka saaray ama is illowsiiyeen in reer Awdal toban sano ku dhawaad ay xukunka hayeen oo ay gumaysan jireen Somaliland inteeda kaleba, xukunkooduna ahaa kan dalka ka socday, sidaa darteed aan la ogeynba cidda reer Awdal qabsatay, isla markaana laba bilood ku dhawaad ay xukunka ka sii maqan yihiin, kuwaas Somaliland ku amar taaglayn jiray.

Dad kale ayaa arrintan u fasirtay uun bilowga cadaawad ku sii kala fogaadaan dadweynaha reer Awdal dhexdooda iyo dadweynaha reer Awdal iyo reer Somaliland, isla markaana arrintan u ekaan karto mid laga soo maleegay meelo shisheeye loona soo adeegsaday reer Awdalka debedda jooga, loona soo gudbiyey kuwa gudaha.

Inkastoo dadweynaha reer Boorama ee arrintan ka dooday aanay rumaysan ama aaminsanayn in dawlad magacaa lihi soo muuqato wakhtiga dhaw, isla markaana aanay ahayn mawduuc aanay reer Awdal iyo Selel ka wadahadleen haddana waxa xusid mudan in wakhtigan ay gobolkan Awdal ka taagan yihiin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, dhalliyaro badanina u xidhan yihiin wax u eg arrimaha haatan doodeedu taagan ee magacaabista Awdal-land hoggaankiisa.

Waxa kale oo arrintani durba kaga cadhaysiisay xubno lagu daray magacyada liiskaasi, kuwaas oo ka mid ah odayaasha, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo culimada diinta una arka arrintani inay tahay uun mid magaca lagaga dilayo, iyadoo inta badan magacyada lagu darsaday liiskani yihiin kuwa xidhiidh la lahaa

ama ehel u ah siyaasiyiintii, taageerayaashii iyo masuuliyiintii xisbiga Kulmiye ee mucaaradka ku ahaa dawladdi Daahir Rayaale, iyagoo inta badan na cadhadoodu ku salaysantahay kuwa beeleed iyo kuwa siyaasadeedba, arrintanna loo sameeyey si iyaga iyo Xukuumadda Somaliland cadaawad la kala dhexdhigo, ama dareenno kale looga qaato.

Si kastaba ha ahaatee magacan Awdal-land iskama iman, balse waxa uu ahaa magac Awalba reer Somaliland iyo reer Awdalba maqleen, hase yeeshee lala sugayey fursad Somaliland iyo nabadgelyadaba qiilqiil lagu geliyo wakhti kasta oo xukuumadda xisbiga UDUB meesha ka baxdo.

 Hadal haynta Awdal-land ayaa sidoo kale waxa jira dad badan oo isugu jira waxgarad, siyaasiyiin iyo culima’uddiin kuwaas oo salaadii jimcaha ee shalay kaga hadlay masaajidada, isla markaana dadweynaha u soo jeediyey inaan dalka iyo gobolkaba khalkhal lagu gelinin ujeedooyin siyaasadeed oo laga soo gudbay wakhtigoodii, wixii ka dambeeyaana yihiin uun ceeb iyo isqabqabsi reer Awdal dhexdooda iyo reer Somaliland ka dhex aloosma, cid maanta itaal ama niyad u haysa dagaallo iyo xasilooni darrana aanay jirin.

Ugu dambayntiina inkastoo aanay haatan muuqan olole Somaliland lagaga hirgelin karo Awdal-land, cidda loo magacaabay dawladnimadiisuna yihiinba kuwa aan dalkaba soo geli karin iyo kuwa lagu ceebaynayo ayaa cid kastoo haatan magacaasi mansabyo ku doonaysaana tahay cid ka gudubtay xadkii iyo xeerkii u yaallay Somaliland, sidaa darteedna arrintu u egtahay mid u baahan xoog iyo xeer in mid uun lagu kala baxo oo cidda doonaysa Awdal-landna gooni u baxdo, cidda diidanina dadkeeda iskaga dhex jirto.