Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ayaan darada Profesoorada Iyo PHD-yada Beesha Tanade/ Leelkase

Sunday - October 10, 2010

Professor-rada Iyo Phd-yada Samaroon Waa Kuwaa “Dhuumanaaya ee Dhabarku Muuqdo”
 Yaandarada ku dhacday ummadaha reer Awdal/Salal waa mid Ilaahay iyo ummadaha kale ee dariskihiba wada ogyihiin. Ayaandarada waxa u sabab ah dadka lagu tilmaamo indheer garadka ee goboladaas ka soo jeeda. Waxa lagu tilmaamaa goboladaas in xaga waxbrashada ay kaga horeeyaan gobolada kale ee Somalia oo ay jiraan dad badan oo lagu tilmaamo Professors and PHD holders. Waxa hobaal ah dadkaasi aqoontdu in ay tahay mid an faaiido u lahayn ummada ay ka so jeedaan. Sababo badan oo ay sifaadaas ku qaateen ayaa jira.

1) Waxay ka baqdaan ama ay ka xishoodaan waxa ummadaha kale Somalido ay ku fanaan ee ah difaaca qabiiladooda. Waxa qoorta loo sudhay qardhaas layidhi waxa ku qoran qumaati u socda oo nabadda dalka somaliyeed ilaaliya waxna ha ka noqonina.

2) Maanta oo Somaliya marayso marxaladihii ugu xumaa ee Somaliya so mara oo qabiilo walba calan gobolkeedii ka taagtay ayaa indheer garadkii labadda gobol ee Awdal/Salal ay iyagu isku maqanyihiin.

3) Indheer garadkaasi waxay isu qaybiyeen kooxo. Kooxahaasi kuwa ka mid ihi waxay ku jiraan riyo ayna midho ka dhalinayn.

4) Indheer garadkaasi waxay gaadh ka hayaan inta kale ee badbaadinaysa ummada Goboladaasi. Waxay ka ilaaliyaan in ay tilmaamaan cadaalad darada iyo xasuuqa lagu hayo dadkooda.

5) Kooxahaasi waxay iskula jiraan dagaal ayna garanaynin waxay ka helayaan. Marxalada maanta lama marayaa uma baahna falsafad iyo theories based on elusion oo midho abidkooba keenayn. Waxa loo baahanyahay in idheer garadka labada gobol ay ka toosaan riyada iyo amaan ku noolaanta oo ay ka fikiraan sidii ay u difaaci lahaayeen dadkooda iyaga oo istimaalaayaa qalinkooda. Casrigan an ku jirno qalinkaa rasaas ah.

 

Maaga inay ku daalayaan theories waligood Africa an lagaga dhaqmin lagagana dhaqmidoonin waa doqoniimo iyo fikrad gaab iyo i maqlaay i argaay. Waar raga reeruhoogii halista ku jiraan ee maanta ka fikiraaya in theory ay ku macaabeen TOL SAMARON  raba in Africa lagu maamulu waxan karan laahay cida ay ku beer laxowsanayaan.

Dad fara badan ayaa gaadhsiiyey baaqyo isugu jira tusaale iyo taageero oo ay qoreen qurba joogta Gobolada Awdal/Salal. Baaqa ka mid ah baaqyadaas waxa qoray odayo farabadan oo ku nool North America oo Ugaaskoodiina ku waafaqsan yahay.

Baaqaasi u ku waajahan cadaalad darada ka socota Hargeysa. Rag ka mid ah indheer garadka gobolada Awdal/Salal ayaa waxay ka xun yihiin in la isticmaalay magaca TOL SAMARON.  Ummada reer Awdal/Salal waxay u haysteen in Magaca  iyaga loo sameeyey oo lagu dhifaaco siyaasad ahaan iyo dhaqqalaba.
 
Waxan ku soo gabagabaynayaa maqaal gaaban in waxa ka dambeeya TOL SAMARON  in ay tahay riyo (dream) aan sal lahayn. Waaayo Samaron wuxu waqtigan xaadirka ah u baahanyahay badbaado. Dadka ka fikiraaya himilo lagaga xureeyo qabiilada  Africa oo dhan maxay ka anfacayaan qadiyan maanta Samaron haysata. Waxay ahayd in ay isugu yeedhaan TOL  AFRICA in kastoo taa qudhadeeda  ayna waxba ka tarayn.

Mohamed MOUSA

Email: [email protected]