Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Axmed Najaadki Xujeysnaa Oo Ku Siqaya Xadka Israiil Iyo Netayaahu Oo Nabadiisa Ku Dhafoor-Gorooray

Monday - October 11, 2010

Nin La Sigay Ma Nabad Galay? Axmadey Najaad Oo Ku Sii Siqaya Xuduuda Lebnaan Ay la Leedahay Israaiil Iyo Raisal wasaaraha Neteyaahu oo dhafoor-Goroor Ku dhacay

Sida laga soo xigtay mid ka mida wargeysyada iiraan oo xag jir ah lagu tilmaamo ayaa sheegay booqashada wiigan soo socda ee madaxweynaha Ahmedinajad uu ku tegayo wadanka Lebanon uu kala kulmi-doonaa soo dhoweyn aad u diiran oo aan horay loo arag taasoo kale .. waxayna ururka Hezbollah u noqonaysaa kobac iyo awood dheeri ah ayey yiraahdeen.

Hadaba booqashadaan Mohamud Ahmedinajad ayaa ku noqonaysa wadanka israaiil dhamanhays iyo dhafoor-goror iyo qaran la sigay ma nabad galin, oo dhag xumaantaa awgeed ayba dhici karto iney dab saaraan wufuudaas iiraaniyiinta ee xaragada iyo xashaashka ku maraya xadka u dhaxeeya lebanaan iyo iisraaiil, taso hadeyba dhacdo waxaa la oran kara waa hordhac qiyaama ka dhaca bariga dhexe.

Waxaa Warku intaa raacinaya in ujeedada booqashada madaxweynaha ay ku doonayaan dawlada iiraan in ay bariga dhexe ka sameysato cudud milatari oo xisbulaah saldhig uu yahay iyagoo isla markaa doonaya iney dardana galiso geedi socodka Nuclearka.

Waxaa kalo la leeyahay, booqashada madaxweynuhu waxay hada keeni kartaa dhib kale iyadoo awelba nabada Lebanon aanay cago ku taagneyn oo Hezbollah dawlada iiraan xagga dambe ka taagan tahay iyo dawlada Lebanon oo iyadana reer galbeedku daba taagan yahay ay mustaqbalka madax is gashan karaan. Hadii taasi timaadana waxay noqon kartaa in xoogaga Hezbolla ee aadka u hubaysani qabsadaan magaalada Beirut sidii dhowr sanno ka hor dhacday.

Waxaa hadaba dalka Lebanoon ka socda diyaargarowga booqashada Madaxweynaha iiraan oo si weyn loo sii agaasimay iyo shaqo meel walba ka socota ee qurxinta iyo nashqada taswiirahiisa