Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Egyption Secret Service Oo Tagay Bari Gunteeda Oo Cawdu Billooy Ballo Soo Fagay..Bismillaahi Yaasiin

Tuesday - October 12, 2010

Egyption Colonel Secret Service Oo Tagay Boosaaso iyo Bari guntiisa oo Cawdu Billooy Ballo Soo Fagay .. Bismillaahi Yaasinka

Qaahira, October 11, 2010 : Wargeyska Al- Ahraam ee ka soo baxa Dalka Masar ayaa daabacay warbixin si weyn daaha uga fayday xogta dhabta ah ee qaab-dhismeedka Burcad badeeda ka ugaarsata doonyaha iyo maraakiibta biyaha gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya ee xeebaha Somalia iyo doorka ay ku leeyihiin madaxda iyo masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland iyo sidoo kale shakhsiyaad ganacsato ah oo ka taajiray lacagaha madax-furashada ah ee laga qaado maraakiibta iyo doonyaha ay burcad baddeedu soo afduubto.

Sidoo kale waxa ay warbixintani daaha ka rogtay in Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole gacan-saar la leeyahay burcad baddeeda, isla markaana doorashadiisii ay qayb ka qaateen burcad baddeedu, kadib markii ay malaayiin doollar ku laaluusheen Baarlamaankii soo doortay.

Warbixintan oo ah mid xasaasi ah, isla markaana iftiiminaysa xogo iyo macluumaad badan oo qarsoon, ayaa waxaa diyaariyay sarkaal sirdoon sare kuna daahsoon magac weriye u dhashay dalka Masar oo magaciisa la yiraahdo Ayman Al-Siisi, kaas oo booqasho aan gabasho lahayn ku maray goobaha xasaasiga ah ee Puntland bishii July ee sannadkan 2010, isla markaana wareysiyo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland iyo hogaamiyaasha Burcad-baddeedka ka hawlgala degaanada Puntland.

Warbixintan oo dabayaqaadii bishii September si taxane ah loogu daabacay wargeyska Al-Ahraam, isla markaana ku salaysan xogtii uu weriyahaasi ka soo ururiyay Puntland ee la xiriiray Shebekada Burcad badeedka ka jirta Puntland ayaa lagu sheegay in weriyahani maamul goboleedka Puntland ka galay dhinaca magaalada Mukala ee dalka Yemen, isagoo ka talaabay Biyaha badda ee u dhexeeya Yemen iyo Somalia, waxaanu Mukala ka soo fuulay mid ka mid ah Doonyaha u qaada xoolaha dalka Yemen, sidaasna uu ku galay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka bilaabay inuu urursado xogtiisa la xiriira Burcad badeedka, isagoo u dhexgalay shebekadaa si aan baqasho lahayn.

Wargeyska Al-Ahraam oo warbixinta weriyahan cinwaan uga dhigtay “Ahraam oo jiiray godadkii Burcad badeeda oo ah Hay‘ad sir ah oo doorata Baarlamaan iyo Madaxweyne” wuxuu weriyuhu ku bilaabay warbixintiisa sidan: “Waxaa macluumaad aan ku xaqiijiyay in fasahaadku uu ka talaabo dekedda Boosaaso ilaa magaalada Mukala ee ku taala koonfurta Bari ee Dalka Yemen, halkaas oo si qarsoon loogu gudbiyo lacagaha Burcad badeedka, taas ay ku lug leeyihiin ganacsato waaweyn lacagahaas, waxaana lacagtaa si farsamaysan maalgashi lagaga samaystaa magaalada gobolka Xadramowt, iyadoo maalgashigu ka bilaabmayo doonyo kaluumaysi, isla markaana gaarsiisan yahay ilaa wershado kaluumaysi, maalgashigaa oo isku xiran ilaa Boosaaso ilaa Calowla. Hubka, Doonyaha dheereeya iyo agabkooda ayaa waxaa laga soo tahriibiyaa dalka Yeman, iyada oo la adeegsanayo dhaqdhaqaaqa Bada ee ka jira dekedda Mukula, amase Jasiirada Cabdi Alkuuri ilaa raas Casayr iyo Calawla oo ku taal dalka Somaliya inkasta oo dekeda Berkeda ahi ay noqotay dekedaha ugu muhiimsan Somaliya. laakiin dhalinyaro yar ayaa shaqo ka heshay halka shacabka intiisa kale ee ku sugan Puntland ay badankoodu gaajo la ildaran yihiin, taas oo keentay in nolol maalmeedka ay ka mid noqoto inaad aragto goobo lagu dawarsanayo.

Sidaas awgeed lacagta inteeda badan iyo weliba iyada oo tirooyin aad u farabadan ahi, waxay gacanta ugu jirtaa kuwii ariga raaci jiray iyo kaluumaysatadii saboolka ahaa, kuwaas oo noqday Burcad badeed, taas oo suurta gelisay inay awoodooda dhaqaale xoogaysato, isla markaana is habeeyay, waxayna ku halwgalaan burcadnimo iyaga oo dhistay urur ay ku bahoobeen Burcad badeedu oo uu hogaamiye u yahay Ninkii aasaasay uguna caansan, kaas oo ah Ninkii ugu horeeyay ee ku kacay falka burcad badeednimada laguna magacaabo Abshir Booyax. Sida ay xaqiijiyeen warbixino ay heshay Al-Ahraam Abshir Booyax, xataa muddada xabsiga uu ku jiro wuxuu qabsadaa kaalintiisa hogaamineed ee kooxaha burcad badeedka, isagoo hela qaybtiisa hawl-gal kasta oo burcad baddeednimo, isla markaana ay gacan siinayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Ururkan xoogiisu kuma salaysna tirada xubnihiisa, kuwaas oo ilo wareedyo ay ku qadareen tiradooda ilaa 1500 oo xubnood, iyadoo tirooyin kale oo gacan saar la lehi ay jiraan, kuwaas oo isugu jira dhalinyaro rag ah oo qabanaya adeegyada kala ah kaaliyayaal, waardiyaal shaqaale iyo dareewalo oo tiradoodu gaadhayso ilaa 10 kun, isla markaana samaynaya dhamaan shaqooyinka suurtagalka ah iyo kuwa aan suurtagalka ahayn isuguna jira nadiifinta goobaha la degan yahay biyo iyo raashin keenida iyo dumarka jirkooda ka ganacsada.

Sacad Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada hubkooda kireeya si loogu ilaaliyo wadooyinka iyo goobaha lagu haysto doonyaha la afduubay ayaa waxa uu yiri, “aniga iyo caruurtayda lixda ahi ma aanaan haysan wax aanu quudano, waxaanuna ku noolayn ugu yaraan tuugsi halkaas oo xaaskaygu ka dawarsan jirtay hoteelada hortooda, ilaa aan ka arkay isbedel weyn mid ka mid ah asxaabtayda, waxaanan ogaaday in barwaaqadiisa cusub iyo kartida uu u helay inuu iibsado alaabta qaaliga ah ay tahay adeega uu u hayo qaar ka mid ah burcad badeeda ay isku qoyska yihiin ee Ciise Maxamuud ee ku sugan magaalada Gaalkacayo.”

Maxay tahay musiibada weyn ee weriyuhu sheegay?

Weriyaha Al-Ahraam waxa uu yiri: “Musiibada ugu weyn waxay tahay ururka burcad badeedka iyo xubnihiisu inay xoogaysteen kadib markii ay dhaqaale heleen, kuwaas oo xataa awooday inay lacago laaluush ah u qaybiyaan xubnihii Barlamaanka (Puntland) ee tiradoodu ahayd 66-ka xubnood oo ay u qaybiyeen laba malyan oo doolar, lacagtaas oo uu qaybiyay Cabdiraxmaan Faroole si ay ugu doortaan madaxtinimada dawladda goboleedka Puntland, waxana warbixino ay heshay Ahraam ay xaqiijiyeen in lacagtaa uu bixiyay Abshir Booyax oo ah hogaamiyaha burcad badeedka, isaga oo u sii mariyay Ninka la yidhaahdo Maxamed Kediye. sidaa darteedna dagaalka lagu qaadayo burcad badeedka ee had iyo jeer uu sheego Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo qaar ka tirsan wasiiradiisu maaha mid jira ee waa dacaayad lagu qaadsiinayo bulshada gudaha, isla markana lagu aamusiinayo ragga diinta iyo dariiqada suufiyadda, kuwaas oo khudbadaha Jimcayaasha ku dhaleeceeya shaqooyinkaas, iyaga oo saaran minbarada masaajidyada, waxayna xaaraan ka dhigeen in burcad badeedka wax laga iibsado, ama wax laga iibiyo iyo xataa in xiriir guur lala yeesho , iyada oo xaqiiqda xirdiirkaa ay xaqiijinayaan in-dheergaradka Puntland iyo odayaal dhaqameedkooda gaar ahaana Islaan Ciise Islaan Moxamed oo ah islaamka Beesha Ciise Maxamuud, waana qabiilka uu ka soo jeedo Booyaxa burcadka ah ee sharka badan iyo Cabdiraxman Faroole oo ah Madaxweynaha Puntland.

Islaan Ciise ayaa dhowr jeer u yeeray madaxweynaha, isla markaana ku booriyay inuu la dagaalamo burcad badeedka. laakiin waxaa uu u sheegay Islaamka tiro dhawr kulan kadib in isaga iyo dawladiisu aanay tamar u hayn taas oo ay sabab u tahay awood la ‘aanta haysata, arrintaas oo Islaan Ciise ogaaday in aanay sax ahayn, dabadeedna wuu ka fogaaday iyaga iyo waxay samaynayaan, isagoo u guuray degaanka baadiyaha ah ee Xasbihale, wuxuuna diiday in uu dadka qaabilo iyada oo la raacayo dhaqan qabiileedka Somalida marka uu qabiilku ku gacansayro, ama mid ka mid ah hogaamiyahooda.

Waxa ay heshay Ahram dhukumenti muhiim ah, kaas oo xaqiijinaya in sheegashada Cabdiraxmaan Faroole ee ku waajahan ciidamadiisa ammaanku aanay awood u lahayn burcad badeedka ay tahay mid aan run ahayn, waana warqad qoraal ah oo madaxweynuhu saxeexay 7-dii November 2009, taas oo ku jihaysnayd dawladda Yemen, gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo tan kaluumaysiga iyo baddaha iyo taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen, isagoo ugu sheegaya inuu dib uga laabtay ogalaanshihiisii uu hore si rasmi ah u bixiyay ee loogu ogalaaday Saadiq Shire iyo ragga kale ee ay shirkada ku wada jiraan oo ah maamulaha shirkada UNIFISH inay ilaaliyaan xeebaha Puntland isla markaana ay la dagaalamaan burcad badeedka. Saadiq iyo ragga kale ee ay shirkada ku wada jiraan ayaa horay uga codsaday madaxweyne Faroole inuu u ogaalado inay ka hawl galaan xeebaha Puntland, kadib markii dhibaato ay ka soo gaartay burcad badeeda ka hawl gala Puntland, wuxuuna sheegay inay samayn doonaan maleeshiyo hubaysan oo badda ka hawl gasha, waxana uu xaqiijiyay inuu awoodo in uu soo af-jaro hawlgalada burcad badeedku ka wadaan xeebaha Somaliya, isagoo codsaday in lala socodsiiyo dawladda Yemen si markaa aan isku dhac u iman oo loo wada shaqeeyo.

Waxaa la ansixiyay arrintaas laakiin madaxweynaha ayaa durbadiiba heshiiskii ka baxay, sababtuna waxa weeye waa dhaqaalaha iyo taageerada uu ka helayo iyo balanqaadyada joogtada ah. Arrintani sidoo kale waxaa ku lug leh wasiirkiisa arrimaha gudaha ( Col. Ilka jiir), kaas oo haysta dhalasho Maraykan ah, waana Nin lagu yaqaan inuu gacan saar la leeyahay burcad badeedka oo uu siiyo sahayda muhiimka ah sida raashinka, Khamrada iyo hubka, taas bedelkeedana uu helaayo qadar cayiman oo ka mid ah madax-furashada ay bixiyaan mulkiilayaasha doonyaha, isaga oo dhex dhexaad ahaan u soo dhexgala si bareer ah, marka la sii daynayo waxaana si buuxda loo ogyahay lacagta uu ka helayo madax-furasho kasta oo la bixiyo.

Madaxweyne Faroole ayaa ergay ahaan ugu diray horay dalka Yemen si uu dib ula soo noqdo ogalaanshihii madaxweynaha una dhiibo dhambaalka madaxweynaha ee ku waajahnaa in la diiday heshiiskii hore, arrintaa oo ku dhiiri gelisay tiro ka mid ah burcad badeedka inay isu bedelaan maal geliyayaal, waxana ka mid ah Ninka lagu magcaabo Cali Sawax, kaas oo hawshaa foosha xun waday muddo laba sano ah, ilaa lacagtiisu ay gaartay in ka badan 9 malyan oo doolar, isagoo ka dalacay faqiirnimo ilaa uu gaaray dadka ka muuqda magaaladaa, wuxuuna ku noolyahay guri weyn oo qalabaysan, isagoo leh laba doonyood oo kuwa kaluumaysiga ah, kuwaas oo isaga goosha xeebaha Yemen iyo Somalia si degan oo amaan ah, halkaas oo ay ka soo helaan kaluumaysiga iyo bucad badeedka, waxaana lagu daraa inuu leeyahay wershad kaluun oo ku taal magaalada Mukala wuxuuna yeeshay wershedaa sheer gaartay 60% (boqolkiiba lixdan).’

Waxa kale oo uu weriyuhu ka sheekeyay Nin kale oo la yidhaahdo Ciise Xaaji Faarax oo degan magaalada Boosaaso, waxaanu yiri: “Ciise Xaaji Faarax oo degan Boosaaso, kana mid ah ganacsatada ugu waaweyn, oo leh 12 doonyood oo kaluumaysi oo qaarkod uu soo kiraystay, qaarna waxa uu la wadaagaa Niman reer Thailand ah, waxa ay si amaan ah doonyihiisu isaga gooshaan xeebaha Bari iyo waqooyi ee Somaliya, burcad badeedkuna midna iskuma taabto doonyihiisa, waayo waxa uu yahay kan ugu weyn ee fan-gareeya hawl galadooda, taas oo uu ka helo 40% (boqolkiiba afartan) madax furashada la bixiyo.