Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Eed Hooyo Laga Galay Oo U Sameeyey Mid Ka Mida Macdan Baarayaashi Laga Soo Saaray Dhulka Hoostiisa

Thursday - October 14, 2010

Dalka Chile ayaa looga dabaal-degayaa guusha laga gaaray soo saaridda shaqaalahan, waxaana ay da`aadooda u dhexeysaa 63 ilaa 19 jir.

Hadaba mid ka mid ah shaqaalahan laga soo saaray dhulka hoostiisa oo lagu magacaabo Johnny Barrios ayay lasoo daristay fadeexad weyn kadib markii ay goobta soo xaadireen laba haween ah oo ubaxyo u sida kuwaasoo wada sheeganaya ninkan.

Mid ka mid ah haweenkan ayaa waxa ay aheyd xaaskiisa runta ah oo uu qabay mudo 28-sano, caruurna u dhashay, halka mida kalena aheyd saaxiib uu qarsanayay in mudo ah.

Xaaski ayaa marki ay aragtay haweeneydan kale oo sidata sawirka ninkeeda islamarkaana sugeysa iyadoo ubax qurux badan u sida, ayay wareystay waxaana ay u sheegtay in ay wada socdeen in mudo ah.

Waxa ay goobta uga dhaqaaday caro iyada oo aan banaanka loo soo saarin ninkeeda, waxa ayna aaday gurigeeda.

Johnny Barrios ayaa marki banaanka loo soo saaray waxa uu dhunkaday Bocortiisi oo jaceyl la il daran, dabadeed gacanta qabsaday saaxiibadaas oo ku sugeysay goobta.

Warbaahinta caalamka ayaa hadal haysa khiyaanada is-dabamarinta dumarka ee la soo daristay Johnny Barrios, waxaana ay qaarkood qoreen in ninkani uu ka jeclaan lahaa in uu godka isaga haro fadeexada la soo daristay owgeed.