Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Haweyney Is Caashaqday Oo Nafteeda Guursatay Caro Ay Ragga U Qabto Awgeed

Thursday - October 28, 2010

Haweenay la yaab leh oo u dhalatay dalka Tawain oo lagu magacaabo Chen Wei-yih, ayaa ku dhawaaqday in ay iyada lafteedu is guursatay , waxaanay samaysatay xaflad aroos oo ballaadhan oo ay ku marti qaaday dadweyne tiro badan.

Gabadhan oo ay da”deedu tahay 30 jir, ayaa lagu soo waramayaa in ay kiraysatay Hool weyn oo kuwa xafladaha lagu qabto ah oo ku yaala caasimadda dalka Tawain, waxaanay soo gashatay taajka cad ee ay ku labistaan Haweenka arooska ahi, ka dibna waxa ay soo fadhiisatay madashii arooskeeda.

Gabadhan is aroosatay, ayaa ka kacday madashii xafladda arooskeeda iyadda oo gacmaha ku sidata xirmo ubax ah ee aad u qurux badan, waxaanay ku wargelisay marti sharafeedkii ka soo qayb gashay xafladda arooskeeda, in ay iyaddu is guursatay oo ay matalayso Arooskii iyo aroosadiiba, isla markaana ay si buuxda oo kalsooni leh ugu  qanacsantahay qorshaha iyo qaabka ay u soo abaabushay xafladda arooskeeda oo ay xustay in ay ku baxday lacag gaaraysa Konton Kun oo Dollarka Maraykanka ah.

Qofkan Dumarka ah ee is guursatay oo warbaahintu wax ka weydiisay sababaha ku kalifay in ay khilaafto guurkii la yaqaanay ayaa si kalsooni leh u tiri iyadda oo dhoola cadaynaysa “ Qorshahaygu muu ahayn in aan ka soo hor jeesto guurka, balse waxa jira sababo la aqbali karo oo igu kalifay in aan sidan sameeyo, rag badan oo aan jeclaaday oo aanu ku heshiinay in aanu is guursano ayaa I khiyaameeyay oo igaga baxay ballantii aanu dhiganay, run ahaantii shaki weyn ayaan ka qaaday, wey adag tahay sida aan u aaminayo nin danbe, sidaa awgeed, waxaan qaraar kama danbays ah ku gaaray in aan is caashaqo oo aan anigu is guursado oo aan dhigto xaflad ii gaar ah”. Ayay hadalkeedii ku soo gabagabaysay.

Ugu danbayntii, waxa ay haweenaydani u sheegtay martidii arooskeeda ka soo qayb gashay in ay xaflada danbe ee Todoba baxa arooskeeda ay ku qaadan doonto dalka Australia.