Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

God Madow

Thursday - October 28, 2010

GOD-MADOW  (Sheeko)
Waxa qorey: Axmed Riiraash
[email protected]
 
Waxa uu marayaa wada cad, maalinba mid ayuu la kulmaa tu yar oo cusub ayaa hadba goob loogu keena  ama hoyga uu dagganyahay,  isagoo taas ka jecel midiba tay ka yar tahay, ee ka jidh iyo jaah qurux san tahay, niyadna wuu u hayaa,  waxa uu u  hayaa  oo kale hanti mood iyo noolba , si ay ku soo gashay ma yaqaan, balse waxa uu  arkay  isagoo gaadhi cad iyo guri fillo ah dagan, marar sii horraysay ayuu se maleeyey inay ku soo gashay, si khamaar ah ama bakhtiyaanasiib ah, oo wakaas joonyad lacag ah kala yimid meel gacal iyo xigaal ba ka dheer,  oo dadka gumoobay dagan yihiin , dadkaas  si aanu garanayna loogu gumeeyey, isaga maxaa ka  galay waxa  lagumaynayo, waxa uu ka helayba Tii Ilaahayee,   oo aanu dhidid iyo shaqo toona u soo marin ,
si kale hadaan u dhignana ,  sanooyin badan haduu u shaqeeyo aan soo gasheen,  waxase uu isku arkaa nin dadka ka fil iyo faan roon, oo qayrkiii dhaafay, marar badan waxa uu maleeyey inuu yahay ninka dunida ugu nasiibka badan, laakiinse xisaabta kumuu darsan inay hantidu maamulkeedu xisaab adag tahay, iyo inay la jiidhi doonto meel kasoo noqoshadeedu adagtahay, haddase waxa  uu ku jiraa laydh iyo hawada sare raacayeey!!!
 
Guriga uu tago ,  waxa  ugu sii diyaar ah,  qaar u raxlaynaya, waxa uu dirtana fadhiga ugu keenaya,  marka uu soo galo, waxa u horeeya ee uu iska eegaa inay tu’ gadahiisa ka wayn meesha ku jirto, waxa uu u haystaa in taasi ka “burji” wayn tahay, oo hadiiba saqda dhexe marka loo kala tago, ay yadu ka xoog iyo xilo badnaan  doonta kana guulaysan doonto,  marka uu mid noocaas ah isha la helana waxa uu tagi jiray, meeshiisa labaad ee uu ku nasto, kana helo curdinka uu isagu libinta ka heli  doono, wakhtiyada khayr ku seegay,  ee danbe, 
 
Maalinba majlis cusub ayuu tagaa, oo ku barjeeyaa, kuna baraarugaa heeso qaaci ah oo midiba ta kale ka dhadhan  iyo nuxur macaantahay, lacagtana wax uu ugu daadiyaa si aan caadi ahayn, oo soo lacagtuba  bilaash kumay soo galin, ? ,maxaa diiday inuu sidaas oo kale u qubo ? mooyi
 
Habeenkan saacadu waxay ku luudaysaa kowdii habeenimo , mid walbana waxa ku duxay mirqaan aan kii sii hore ahayn,, waxase uu caawoo dhan ishaaqsanayey  todoba iyo toban jir kobta ku cusbayd oo yaduna si kale u  firkanaxsanayd , oo is yidhi  wadaday ku socoto ayey ka wer-weraysaa iyo halkay la mari doonto,?  maxayse uga naxaysa sowtan dhex fadhida, maxaa keenay?  Tu samada ka timid oo ka gu iyo gado waynayd ayaa ku soo qasabtay inay maanta garabka  ku darto,, oo ay raacdo, iyada waa gaddeed oo dhac- dhaceeda ayaa badanaya, maalintaasna kharash badan ayey ka taaban doontaa, raga meesha leh, ee markasta gogosha fidiya, si ay ugu gumeeyeen yar-yar-kan  , towbada seegay,


Waakaas isku qaaday tii yarayd markii lookala tagay, yadna mabay filayn waxan oo kale oo balwada ku cusub ayey la ildarnayd, oo tamarteedii dhintay, oo waxalla waxii sheeko ku duugnayd soo faqday,  oo waataas waxba qarin wayday, ee hadana mid ba lugta saarta, se iyadoo sheekadii wadda waataas ku war heshay qof xagga sare kaga yimid oo ka awood iyo itaalba roon, ismay luudin iskamayna difaaciin ee aayar ayey isku dhigtay, oo yadba way u baahnayd malaha  oo maskaxdeeda ayaa maqnayd waxayse u haysatay waxay goorahan ba filaysay, halkaasna  kaga xaajo gutay,  kuwa kale oo ka danbeeyeyna sidaas iyo si kadaran ayuu ku muquuniyey, tu  kasta oo uu sidaas u galana halkaas ayey ku baaba’daa waxayna ku danbaysaa godkaas madow.
 
 
Tin iyo cidhib dhidid ayaa qooyey,  waxa uu isaga masaxayaa tuwaal halkeer yaaalla, oo kolba dhinac uu u  rogayo  oo dhinac qoyan maahee dhinaca  kale isaga masaxayaa, wuuna isku qallajinayaa, marka uu isku qallajiyo, haddana dhidid kii ayaa sidii oo kale uga soo daadanaya, waxa hor yaalla falaasad shaaha ah, oo aad mooddo in sonkorta lagu badiyey caleenta laga yareeyey, laba iyo saddex jeer oo wakhtiba  u dhaxayn ayuu fuuqsanayaa, ma oga waxa nasiibku iyo  calafku u maleegayaan, ma cid baa’se taasi og , soo qof walba waxii qadar ah ee ku dhaca kun sanno kama wayna, haa,  laakiin caawa waxa uu ka fikiriyaa wax aanu hore uga fikirin ,


Waxa  uu xasuusanayaa.  qaar tolkiisa ahaa oo mag iyo diyo u soo doontay, oo waxba u dhiibi waayey, waxa kale oo uu xasuusanaya nin walaalkiisa ah , oo lacag uu ku shaqaysto u soo doontay, oo uu  ka jeestay. Waxa’se uu hadana arkayaa sida dhibta yar ee dadkay isku madasha yihiin lacagta ugu qar- qinayo, ahey ah!!


takhsiinta wajigiisa aad moodo inay ka soo buurantahay, marka uu gacanta ku salaaxaba fikirka ayaa la sii dheeraanaya, waxa uu dhex xulayaa hirar iyo mawjado uu awal is diidsin jiray, maantase waakan si badheedh ah uga fikiriya,
,dadka la fadhiya oo dhan waxa uu u haystaa inay habaaran yihiin, oo laga inkaarsaday, hadana inay yihin dad inkaarta yagu qaybinaya ayuu is tusaa.
Wajigiisu waxa uu ku beeganyahay , mid  curdin ah oo gugii siddeed iyo tobnaad madaxa la gashay, waxaanu is waydiinaya intaas ka dib,  waxa dhib ah ee ay la kulmi doonta , hadii ay sidan ku sii socoto,, sawtaa habeenba nin jeebkiisu buuxa jeeniga ka raacday,  ayuu si foojigan maskaxdiisa uga arkayaa, maantase waxa uu dareensanyahay inay balwaddani  ku cusub tahay oo ay xiiso gaar ah u hayso, waxay kolba hagaajinaysaa, diraca oo ay mar si baylahsan u urursanaysaa  markale se si  ku talagal ah   u banaynaysaa, si ay u tusto , oo ay u qanciso isaga.


 Shaah si ugu daatay  ayey ka masaxaysaa oo waa shaqadeeda, oo waxay ku miir doorsantahayba soo isagu muu bixin? Haa  inuu isagu leeyahay ayey u haysataa , waa runoo isaga leh,  marta ayey  aayar  isaga  qaadaysa si dadkan la fadhiya quruxdeeda u tusto , oo naaso ugub ah tusto, iyo bawdyo cigaagan, xaluuskana dhinac aanay filayn ayey ka bannaysaa ,  oo quruxda tallow ma qaawanaanta ayey u haysataa,?  mayee waa dar maskaxdoodu badalantahay oo meeshay dhex socdaanba aan ahayn duni la is asturo ,  marka la soo galayo  godkan ayaa xishoodka iyo akhlaaqdaba lagaga yimaadda albaabka hore ee guriga, waase caado qabatintay, dhaqan doorsoon , iyo balwad jacayl,  marse sidan haday ku sii socoto , soo habeen ba mid ma qabanayo, oo inta yadoon is ogayn inta sariirta la geeyo lagu ma dul macaashayo, oo si dhaqanka iyo milgaha ka baxsan la iskuma dul gal galanayo , haa, oo waliba wax diinta ka arradan la iskuma dhiib dhiibayo,  sowtaa dar aan  aabbe lahayn maalinba meel kaga tagtay , aakhirkana god madow oo kale afka lagaga tolay sidaasna ku aakhiro seegtay,
 
isagoo sidas iskula maqan ayuu haddana dhinac kale ka eegayaa, oo uu malaynayaa haddii ayna godkan soo gali lahayn , soo wax barasho hoose iyo mid sareba may dhamaysateen, oo marka danba’se duni wacan oo tan ka aayo wanaagsan may dhex xaluusheen, oo oday wanagsanna shaaha umay kariseen, iyadoo ubadkeedana aqoon fican ku ladhi lahayd, halkaas na tawbad wanaagsan oo dadkeeduna sharaf ku leeyihiin kagama tagteen.


 haddana wuu is ilowsiinayaa arinkaas oo waxa uu aamin sanyahay hadayba godkan madaxa la soo gashay,  inaanu ka soo noqosho lahayn, isagoo taas og ayuu haddana qirayaa inuu isagu masuul  ka yahay, kuwa uga  horreeya ee hilbahooga ku cunaya bilaa dab, oo meel xun markasta ku jujuubaya, maxaad adiga isaga dayn wayday, si eed laguugu raacin ayuu niyadda ka malaynaya, balse taas maxuu ku ogyahay soo hawo aduun iyo tumasho naftiisu  kumay  riixayn.


 caaawa markii  uu qadhaadhki ka  tan batay ee uu fikirkii ka soo noqday ayuu si aan hore looga baran tufayaa waxii canka ka kuusno,  oo biyo raaacinayaa, findhicil wayna  la gandiidsanayaa, wakhti aan wakhtigii uu kici jirin  ahayn ayuu kacaya, guri wayn oo filo ah oo uu lahaa ayuu dhex tagayaa, ishana la raacayaa waxa guriga dhex yaallaa, ma caruurbaa ? Maya, ma hooyaa? Maya,  ma walaalbaa ? Maya, nin wax dhaqday maaha. balse waxa uu arkayaa in miis iyo kuraas cad-cad meesha ku dhagsan yihiin, bari hore se ayey is  daayeen  gacal iyo xigaalba  , oo wax dhaqo waxna dhiso ayey ku caloobeen, xataa guurso ayey ku kari waayeen, maantase waxa uu og yahay inuu duul badan hawada ka qariyey oo god madow ku danbaysiiyey, naftiisuna waxa uu ka bixi waayey isla hadal, haddase  inuu cadaab ka soo baxay ayuu caawa oo qudha dareemay, muxuu  u dareemi waayey markii  hore? , haa waa run ee muxu u dareemi waayey? , isagaa  taas kaa og’ oo  u badheedhay, ee maxaa kaa galay.
 Habeen kaas intuu alaabtii laa- laabtay, ayuu subaxii xigay ka duulay  dhulkii u fidnida iyo fadhi xumaanta ka waday,’ adaase iga og inuu god madow ku danbeeyey, waayo soo dhulkiina umuu soo hayaamin,  hadii aad ogtahay halkaas waxa uu ka wado ii soo sheeg si aan uga sii anba qaado sheekadiisa, malahayga’se waxay ila tahay inuu god madow ku danbeeyey , waxaan hubaa uun in kuwii uu ka tagay ee habeenkii ka soo kacay, ay god madow ku danbeeyeen..
 
Waxa qorey: Axmed Riiraash
[email protected]