Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shariif Sakinkii Yiri Dhuuxa Mooye Wax kale ii Dhadhami-Maayaan Oo Salankii U Baxay ka Soo Dagay

Friday - October 29, 2010

War run loo qaadankaro hasa ahaate dhutinaya ayaan ka xiganay nin ku dhaw-dhaw qasriga madaxtooyada oo noo sheegay in sinsaaradi la is xambaarsiiyey iyo wixii tabco dhexaad la isku qabsaday, warbaahinta si yooyotana la isku eedeeyo iyo xusl duub, iska daba wareeg nin waliba waxuu heli karo tiro qashaabiir xildhibaan iyo tolay beel heblaaya nagu soo biirtay ugu dambeyn  Gudoomiyihi Barlamaanka Shariif Sakiin ee laga cabtay aleesha uu ruxay iyo dhagaha awdan uu iminka sidi hore ka soo dabacay oo salankii u ku baxay ka soo dagay.

Shariif Sakiin oo isu qaatay inu yahay ruux muhim ah, aqoon iyo garasho haba yaraate aan lagu sheegin ayaa inti badneyd xildhibaanadi qashaabiirta daba yaaceysay ee sheeko iyo kiis iska waal ku kool-koolineysey ay iminka ku sheegeen inu yahay guuf maran damiir la hayn kadib waa sida ay sheekada meelaha la taag taagan-yihiine isagoo aan la tashan xildhibaanadaas hiilka u galay la heshiiyey Madaxweynaha Shiikh Shariif oo halkaas wadaanti biyaha ceelka ka soo qaadi lahayd markale wada jir ugu tuurteen, isagoo madxweynaha u ballan-qaaday Shariif Sakiin Dollar, Diinaar iyo damaashad wixii uu doono.

Cala Ay Xaal warku waxuu intaa ku daraya in afgaradka labada dhinac ay ku heshiiyeen iney qoob ka ciyaar ku wada socdaan, isla markaa isla meel dhigay in Sabtida ama Axada baarlamaanka la horgeeyo wasiirka koowaad mudane Maxamed Farmaajo oo halkaas lagu ansaxiyo jagadaas loo idmay, waxaase warku intaa raacinaya in labada Shariifba ay ku heshiiyeen in iyagoo been  qoslaaya, dhoosha la is tusaaya si wada jira ay barlamaanka ku tagaan si aan gudoomiyaha baarlamaanka oo cabasho ka keenay nabadgalyadiisa isagoo digniin qabin dad u ciil qaba aysan toorey ula gaadin.