Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wax Lala Soo Jiifaba Wareer Iyo Halis Badan kabib Raiisal Wasaare M. Farmaajo Oo Maanta La Ansaxiyey

Sunday - October 31, 2010


Muqdisho - Kulan xaasi ah oo ay maanta isugu yimaadeen mudanayasha Baarlamaanka DKM ee Somaliya, oo ay ka soo qeyb galeen mudanayaal gaaray 391-Xikdhibaan, Isla marklaana uu gudoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo furitaankii shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in uu ka xunyahay khilaafka dhinaca fikirka ah ee soo kala  dhex galay xildhibaanada, uuna shegay inuu ku faraxsanayahay tanaasulka ay sameeyeen xildhibaanadii keenay mooshinkii ahaa codka qarsoodiga.

Inataa kadib Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur warsame uu ku hadlayay magaca xildhibaanadii ka tanaasulay codka qarsoodiga ayaa sheegay in ay fiirinayaan  maslaxada guud ee ummadda iyo xaaladda adag ee lagu jiro sidaana ay uga laabteen mooshinkii ahaa in loo codeeyo habka qarsoodiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in loo codeeyo Ra’isalwasaaraha iyado ay si buuxda cod gacan taag ah ku ansixiyeen xildhibaano gaaray 297-mudane halka 92-xildhibaan ay diideen iyadoo 2- xildhibaana ay ka aamuseen, kadibna uu afhayeenka Baarlamanka ku dhawaaqay in laga bilaabo saacadan uu ansax yahay Ra’islawsaare Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo, isagoo ugu duceeyay in Ilaah la garab galo xilka culus ee loo magacaabay, isla markaana uu si dhaqsi ah u soo dhiso golahiisa wasiirada.
Kulanka maanta ayaa la arkaayay xildhibaanadii iska soo horjeeday oo isku sacab jiidayo, isla markaana dhoola cadeynaya oo si diiran ugu sacab tumay Ra’isulwaasaare farmaajo, iyadoo halkaasi uu ku soo dhamaaday khilaafkii mudada labada todobaad hareeyay xildhibanada kala fikirka duwanaa.