Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Aragtida Akhwaanu Muslimiinta Masar Haddi U Dhintu Husni Mubaarak

Sunday - October 31, 2010

Ururka Akhwaanu Muslimiin Ee Masar waxa la aas-aasay sannadii 1928 oo Uu bud-dhigay shaksiga boqolka milyan taageerta Shiikh Xasan al-Bana illahay naxariistii jano ha ka waraabiye oo markii dambe lagu dilay suuqa Qaahira bartankiisa isagoo ay wada joogeen seeddigii oo dhex-dhexaadinayey Ergo ka socotay dawladii Masar iyo isaga, ilaa iyo hadana lama qaban ragi dilkiisa ka dambeeyey,waxaana la sheegaa in la garanayo taargada ama lambarka babuurkii ay wateen ragii dilkaas geeystay.

Sida shacabka Masaarida qabaan shakhsi kasta oo soo mara madaxtinimada masar sida Jamaal Cabdi Naasi, Anwar Saadaat iyo Xusni Mubaarka waxay dib ugu jeestaan la dagaalanka Akhwaanu Muslimiinta.

Sida la filaayo dhawaan Xusni Mubarak waxa uu ku wareejin doonaa Xukunka wiilkiisa sidii Jordan , Marroco, iyo Syria, hasa ahaate sida la qabo dhaxalnimada u la doonaayo wiilkiisa Jamaal ma bad-baadinayso Masar ee waxa ay sii xoojinaysaa caburinta Akhwanu Muslimiinta.

Hasan Al-Bana taariikdiisa halkan kuma soo koobi karno, laakiin waxa lagu xasuustaa arimo badan , hadii mid ka mida aan soo qaadano ereyadiisa waxaa ka mid ahaa "hadii ay iyagu haystaan waa dawlada masare Hub iyo dhaqaale baaxad leh innaga hubkeenu waa Allahu Akbar , marka waa in aynu caqiidadaas ku dagaal galno"

Waxaa si qarsoodi ah dadka Masaarida isku dhex xantaan dareen xisaab qalad noqonkarta in Mubarak uu jiran yahay oo tobban iyo kow billood gudahood ku dhiman-doona waqtigaaso sida ay sheegeen ku aadan 11 Marso 2011.. waad dareentaa la mida sidii Abdi Baset al Maqrahebi oo ahaa ninkii loo haystey diyaaradii lockerbei in uu noolaanayo shan bilood oo ilaa iyo hadda weli nool rajana laga qabo inu caafimaado. 

Maraykanku waxa uu rabaa Hosni Mubarak in uu badbaadiyo, sababtoo ah intii awoodiisa akhwaanka masar waa uu la diririkara taaso macnaheedu u yahay hadii Ururka akhwaanka la caburiyo Mareykan iyo xulafadiisa bariga dhexe danahooda wey badbaadayaan, waana muhiimada Masar laga leeyahay.

Taliyaha Sirdoonka Bilayska ee Masar Omar Saleebaan waa qofka ugu dhow ee noqon kara Madaxweynaha Masar iyo El-Baradei oo la sheg sheego .. Maraykanku waxa uu siiyaa ciidamada sirdoonka Bilayska ee Masar $11Milyan halka 2 milyan Maxbuus oo akkwaanu musliimini ay ku jiraan Jeelasha.

Warbaahinta reer galbeedku waxa ay qortaa in dalka Masar uu yahay Dad tayo leh aqoon leh hasa ahaate dimoqraadiyadeedi iska illaway .. xukumaduna waa dawlad saaqiirtay oo la xabaaley, laakiin farqiia u dheeeya maraykanka iyo Masar .. Masar waa muwaadiniin dhalad ah oo leh waalidiin ay ku abtirsadaan Maraykankuna waa wadan muhaajiriin oo Indianku lahaa.

Xigasho faaleyn Mawaadin Masri Ah