Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maayarka hargeysa Oo Dafiray Inu Amniga Itoobiya U gacan Galiyey Dad Qaxooti Ah

Monday - November 1, 2010

Hargeysa- Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa ka hadlay warar sheegayay inuu dad qaxoonti ah oo ka shaqaysanayey magaalada Hargeysa uu si qarsoodi ah ugu dhiibay dawlada Ethiopia.

Maayarku waxa uu sheegay in aanay jirin dad uu u gacangeliyey Itoobiya, balse dadka la sheegayaa yihiin rag Itoobiyaan ah oo sharci-darro ku joogeen dalka, isla markaana falal dhaqan-xumo ay ka wadeen magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo uu maayarku maanta soo saaray, waxa uu ku yiri, “Warka lagu qoray Wargeyska Waaheen ee sheegayay in uu mayorka caasimadu xukuumada Ethiopia u gacan geliyay dad ka shaqaysan jiray Magaalada Hargeysa dhexdeedu waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanay dadkaasi ahaayeen kuwo si aan sharciga waafaqsanayn uga dhex shaqaysan jiray magaalada, kuwaas oo xashiishka ka guri jiray Caasimada, isla markaana wadooyinka ku dhex daadin jiray ayay ahayaeen." By Ali Jama - Hargeysa