Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Midiyo Xabaale Mr. Jaabir Al-fiifi Oo Ciribihi Qaacidada Yaman Iyo Somaaliya Jar-Jaray

Monday - November 1, 2010

London: Sirdoonka amniga dawlada ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday in ninka lagu magacaabo Jaabir Al-Fiifi uu ka dambeeyey kashifaadi dabinki parcel-kii bomb plot la saaray dayaaradi ku sii socotay cariga Mareykanka, ninkaas oo ay sheegeen inu ka mid ahaa ragi ku xirnaan jiray xabsiga Guantinamo ee mareykanka dabadeedna lagu wareejiyey dawlada Sacuudiga si uu halkaas ugu qaato dhaqan celin iyo tababaro uu ku shaqeysto.

Mr.Jaabir Al-Fiifi oo isagu markii uu qaatay casharadi dhaqan celinta si caadi ah ugu muuqday Nin guudka nolooshiisa qunyar socod ka dhigtay lamana garaneyn waxa uurkiisa ku jiray kheyr iyo shar key tahayba iyo cida uu ciribtirkeeda ku maqanyahay, waxuuna gogoshiisi dhigtay magaalda Daaif halkaaso uu ka furtay dukaamo lagu iibiyo Cadarada iyo Fooxa, waxuuna hooygiisa kula noolaa labadiisi waalid oo gabow cusleeyey xasuustana ka abaarsaday.

Mr. Jaabir Al-Fiifi in yar kadib si aan la garaneyn ayuu habeen madow guday oo galay dalka yaman kuna biiray dhaqdhaqaaqa Al-qaacida halkaa ka jirta oo sii qiireysan kala qayb galay gaadmo iyo weerar hawlgalo dagaal ay marar badan rasaas ku maansheeyeen ciidamada qalabka sida ee dalka Yaman, hasa ahaate waxaa dooraad maalin eedaankii waabari si kadis ahayd Mr. Jaabir oo xagga war-isgaarsiinta ayuu kula soo xariiray wasaarada arimaha gudaha Sacuudiga qaybteeda la dagaalanka argagixisada oo u madax ka yahay Amiir Maxamed Bin Naaif uuna codsaday inu isa soo dhiibaayo isagoo si dhaqso ahna ku wargaliyey bambka dayaarada ku jira oo qarax loogu tala galay, waxaana la sheegay ninkaas Jaabir uu toosh ka dabaqaatay Qaacidadi Yaman iyo Somaaliya illa u cawradoodi banaanka soo dhigay oo wax walba ka ogaaday ..waxaana warka la helay sheegaya in Qaacidadi mandiqadaas ka jirtay ay ku noqotay arax-jab aan horay loo arag iyo dhirbaaxo kulul oo wajiga kaga dhacday, waxayna taas keentay gurxan,guux,cabaad iyo kooxo aan yareyn oo qaacidada ah una badan hogaamiyaashi ururkaas ay shalay iyo maantaba isu soo diibeen amniga dawlada Yaman 

Dadka waaya-argnimada iyo aqoonta u leh shaqada sirdoonada waxay tilmaamayaan in Mr. jaabir ay muuqato in u markiisi horaba lagu soo carbiyey dhex galka majlisyada siraha qaacidada Yaman oo hawshiisaba ahayd inu ka soo digo dhaq-dhaqaaqooda iyo hindisaha falalka geemka haluulaha lagu abaabulaayo .