Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Daanyeer Loo Magacaabay Inu Taliye Ka Noqdo Saldhig Boolis Oo Ku Yaal Xaafada Sun Shine Ee New York

Tuesday - November 2, 2010

New York Times : Mid ka mid ah xayawaanka sida dadka loo tababaro ee Gorrilaha, lana baxay Bill Swatson oo 16 jir ah ayaa loo qaatay inuu hawlaha dambi baarista la qaybsado booliska magaalada New York ee dalka Maraykanka bilowga sannadka cusub ee 2011.

Daanyeerkan la baxay Swatson, ayaa baarista dembiyada u adeegsan doona qoraallo dhinaca koombuutarka ah, amaro iyo tilmaamo uu ka bixin doono wejiga iyo xubnaha kale sida gacmaha iyo waliba wadista gaadiidka yaryar.

Swaatson oo hawsha tababarka kaga guulaystay 17 xayawaan oo la sinji ah, waxa bilaha hore ee sanadka soo socda uu hayn doonaa saldhig yar boolis oo ku yaal Sun shine Beach-ka dheer ee xeebta Gobolka California .. Xayawaanka daanyeerka noocan ah ee la siiyo tobabarka hawlaha dadku qabto ayaa la siiyaa tababaro uu wax ku qaban karo sida dadka, gaar ahaan sida ay u isticmaalaan oo kale booliska Faransiiska iyo kan Australia , kuwaas oo ay xubno noocan oo kale ah ay la shaqeeyaan booliskooda, hase ahaatee ma qaban karaan hawsha daanyeerkan Serchent Swaatson qaban doono ee baaristaa dembiyada. Sida uu wargeyska New York Times u sheegtay Barbara Harmlin oo madax ka ah qaybta baarista dembiyada ee booliska New York .

Arrintan ayaa laga yaaba in ay fijiciso ku abuurto dad badan, laakiin arrinta xiisaha leh ayaa waxay tahay marka horaanta January ee sanadka cusub ee 2011 uu sarkaal sare oo ka tirsan hayÂ’adda u dooda xuquuqda xayawaanka uu ka qabygeli doono xaflad xil wareejin ah oo Serchent Swaatson kula wareegayo xilka saldhig boolis oo ku yaalla bariga magaalada New York.