Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

War Wacan Dhagaha Laga Waraabsha Daaweynti Cudurka HIV/AIDS-Ka Oo Cilmigiisi Somaaliya Laga Helay

Wednesday - November 3, 2010

Gabar Somaliyad ah oo magaceeda la yiraahdo Madiina Xasan oo 28 jir ah, isla markaana
muddo 4 sannadood ka hawlgaleysay cusbitaal ay lahayd shirkadda gaar ah oo ka shaqaysa hawlaha batroolka Gobolka Bariga ee dalka Sucuudiga, gaar ahaan magaalada Khamis-mushaat.

Haweenaydaan oo waqtigii ay shaqadan gashay miisaankeedu ahaa 168Kg, sida la sheegay waxa asiibay Jeermiska xannuunka HIV/AIDS-ka kaas oo miisaankeeda hoos u soo ridayey tan iyo bishii July 2008-kii, hasa-yeeshe bartamihii sannadkii 2009-kii ayey gabtay shaqadii caadiga ahayd.

Horaantii sannadkaan 2010, ayaa Madina Xasan oo miisaankeeda tegey 42kg ku marti-qaaday qoyskeeda, gaar ahaan hooyadeed iyo walaalkeed oo degen Gobolka Somalidu degto Kilidhka 5aad ee Itoobiya.

Madiina Xasan markii cudurkaas lagu ogaaday waxa loo soo dhoofiyey halkii degaankeedu ahaa ee gobollada bari ee dalka Itoobiya, iyada oo goob gaar ah oo miyi ah lagu hayey bishii February 2010 ilaa August ee isla sannadkan, waxayna markaas ka soo kabatay xannuunkii Jeermiskiisu soo riday ee HIV/AIDS, iyadoo miisaaankeedu isla markiiba dib ugu laabtay 149Kg.

Mar gabadhaan Madina iyo walaalkeed Mahad wax laga weydiiyey waxyaabaha ay uu isticmaaleen daaweynta cudurkaan dilaaga ah .. Madina Xasan walaalkeed oo la socday, waxuu ku jawaabay; “ Waxay ku bogsatay culay, caano geel iyo god loo dhisay sida qabriga oo iyada u ahaa hoy.”

Madina Xasan waxa daawo fiyoobi u noqday farsamo macmal ah iyo dugaal Quraan iyo hab gaar ah oo loo ilaaliyey .. Madina oo ka hadlaysa qaabka ay xannuunkan u qaaday ayaa tiri “ irbado aan istixmaalay oo daawo ah ayuu iigu soo dhuuntay,” waxayna carbka ku dhufatay iney dib ugu noqonayso hawshii ay ka haysay Sucuudiga.