Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

tarbiyada

Friday - November 5, 2010

Ogaada Caruurtu waa “Il qabowsi” Haddii uu ilaahay kuu Hanuuniyo, waa Quruxda Nolosha Aduunka iyo Dhaxalka lagu faano haddii uu Alle kaaga dhigo Awlaad Saalax oo kuu soo Duceeysa marka aad Dhimato.
Hadaba Qofkii Doonaya inay Ubadkiisa u Noqdaan Sacaado iyo Quratu Cayn Aduun iyo Aakhiro waxaa waajib ku ah inuu Wanaajiyo Tarbiyayntooda gaar ahaan inta ay yar yihiin, sababtoo ah ilmuhu wuxuu ku bar-baaro ayuu ku weynaadaa.

Ubadkana waxaa ugu Haboon in laga Tarbiyeeyo xagga Caqiidada, iyo Hab dhaqanka.
Sida loo Tarbiyeeyo Ubadkana waxaad kaga dhergeysaa Quraanka Kariimka iyo Sunadda Nabigeena(SCW) ee ka raadso.
Maqaalkani wuxuu ku socdaa Murabi walba, ha ahaado Aabo ama Hooyo ama Macalin, waxaana u Hadiyaynayaa Erayadan Kooban oo ah kuwo Tijaabooyin ah oo laga dhexlay Dadka ku Takhasusay Tarbiyaynta Ubadka, waxaana lagu soo koobay 94 Qodob oo kaliya si ay u sahlanaato Akhrinteeda iyo ka faa’idaysigeeda, waxaana ilaahay ka baryayaa inuu ikhlaas iiga dhigo, Bulshada oo dhana ku anfaco.
Hab oo loo Tarbiyeeyo Caruurta

1- Tarbiyaynta Ubadka waxaa ugu horeeya, in Aabuhu marka horaba u Doorto Hooyo Wanaagsan.

2- Marka xigana waa inaad ilaahay ka barido inuu ku siiyo Awlaad Wanaagsan, Dhaqankaasna waa mid laga dhexlay Anbiyadii iyo Rusushii ilaahay

Dadkii Saalixiinta ahaana waxaa Sifooyinkooda ka mid ahaa inay dhahaan:-

3- U Bixi ilmaha Magacyo wanaagsan sida kuwa Anbiyada iyo saxaabadii Nabigeena SCW.

4- ilmaha u laqin Kalimadda Towxiidka “ (( لا إله إلا الله ، محمد رسول الله )) hana Noqoto waxa ugu horeeya ee aad Barto ilmahaaga

5- Bar ilmaha inta uu yaryahay Arkaanta Iimaanka iyo Islaamka.
6- Ilmaha markuu gaaro 7 sano Bar in uu Aabaha u raaco Masjidka.

7- Bar Caruurta inay xiriiriyaan Qaraabadda, wanaagna kula dhaqmaan Dariska
8- Gabdhahu inta ay yar yihiin Jeclaysii Qaadashada Xijaabka.
9- Ku Tarbiyee Caruurtaada inaysan ilaahay u Shariik yeelin

10- Qorshee waxyaabo aad ku Buuxiso Xiliyada firaaqadda Caruurta.

11- Bar gabdhaha Cunto karinta,Toliinka iyo waxyaabihii kale ee ku Haboon

12 - U Samee Qoyska Dalxiis ku haboon oo aan Shareecadda Islaamka Khilaafsaneyn adiga oo iska ilaalinaya Goobta aad ku sameynayso iyo Barnaamijka loo aadayo.
13 - Caruurta hortooda cod la maqlayo ku samee Xuska ilaahay si ay kaaga daydaan.
14 - Ku xir Caruurta Muslimiinta iyo Qadiyadahooda.
15 - Caruurta haku raacdo marka aad Ficil Kheyr ah sameynayso sida marka aad Sadaqo soo qeybinayso ama aad Tabarucaad soo aruurinayso.
16 - Gee Caruurta Dugsiyada lagu Xifdiyo Qur’aanka, kuna samee Kormeer iyo Dabo gal.
17 - Bar Caruurta Maah-maahyada, Gabayadda iyo Suugaanta inteeda Wanaagsan.
18 - Kula Sheekayso Caruurta Luuqad Fasiix ah inta aad karto.
19 – labadda Waalid waa inay ka faa’iidaystaan Dhacdooyinka Qoyska soo mara.
20 - U Samee Qoyska oo dhan xiriir wanaagsan, si loo helo Mujtamac Wanaagsan idanka ilaahay.
21- Iska ilaali Ficiladda Xun iyo Hadalada aan wanaagsanayn inaad Caruurta hortooda ku sameyso.
22- Waligaa Xooga Saar “Is-jeclaysiinta” waxaa lagu tilmaamaa Asalka Tarbiyaynta.
23- Si Xeeladaysan u baro Cidda Saaxiibka la ah Caruurta

24- Isku Nooc ka dhig Habka ay labada Waalid ula dhaqmayaa Caruurta
25- Ku Tarbiyee Qoyskaaga Dhaqan Wanaagsan oo ay iskula dhaqmaan Dadkana ay kula Dhaqmaan.
26- Ku Tarbiyee Caruurta Shaqo Wanaaga.
27- Ku Tarbiyee Caruurta marka ay cunayaan ama Cabayaan inay ku Bilaabaan Bisinka, Gacanta Midna wax ku cunaan, oostoodaba wax ka cunaan.
28- Bar Caruurta inaysan Maalaayacni ku soo jeedin Habeenkii, meel Mugdi ahna aysan Seexanin.
29- Ku Beer caruurta Akhlaaqda wanaagsan sida: – Sharafta, Geesinimada, Deeqsinimada, xilkasnimada, Dul-qaadka, Degenaanshaha, Wada tashiga, Cadaaladda, Balan oofinta, Amaanadda, Xishoodka, Dhowrsanaanta I.W.M.
30- U Samee Caruurta Maktabad u gaar ah, uguna dar inaad u keento Computer ay ku jiraan Barnaamijyo Nafci u leh.
31- Ku Beer Caruurta inta ay yar yihiin inay Martida Sooraan.

32- Xooga saar inaad Caruurta uga sheekayso Qisoyinka Anbiyada, Saxaabadda iyo Salafkii wanaagsanaa, hadaad awoodinna u keeno Cajalo ay ka bartaan lana dhageyso.

33- In Carruurta la Baro Sunnooyinka Rabbaaniga ah ee kownku ku socdo, sida in Shay walba iyo Sababtiisu isku xiran yihiin, iyo in Risiq si aad u hesho loo baahanyahay Shaqo.
34- Bar Caruurta Macnaha Guud ee Cibaadada.
35- Bar Caruurta sida ugu Wanaagsan ee loo Tukado Salaada looguna khushuuco.
36- Si Tartiib ah u Bar Caruurta Faridda Wanaaga iyo Reebidda Xumaanta

37 Gaf Haddii uu dhaco hadayicin ee si Deg Deg ah u Dawee.
38- ku Beer Caruurta inay Naftooda ku kalsoonaadaan.
39- Bar Caruurta Samirka iyo inaysan Eed Sheegan, ilaahayna ay Kaalmo weydiistaan isaga kaligiina ay Baryaan.
40- Waxaa lagama maar-maan ah in Caruurta xagga Macaamilkooda loo cadaalad falo oo aan midna loo eexan.
41- Shaqooyinka Wanaagsan ku Dhiiri gali Caruurta.
42- Guriga waa inuu yeesho xili Waxbarasho.
43- Inta Baabuurka la saaranyahay waa in Wakhtiga laga faa’iidaysto.
44- Badi sheeg sheegidda Erey bixinta Sharciga ah.
45- Tarbiyadu ha Noqoto mid Tallaabo Tallaabo ah, oo ku Dhisan Samir, Wakhti dheerna qaata,

46- In Tusaale uu ku Daydo loo sameeyo hababkana la kala badbaddalo.
47- in Qalbiga Ilaahay lagu xiro marka wax la tarbiyeynayo.
48- Tarbiyaynta Caruurta waxaad xooga saartaa sida ay u kala weynyihiin.

49- Waa in la Cadeeyo Kaalinta Hooyada ee Gabdhaha (waa Kaalinta ay Gabadhu ku leedahay Islaamka)

50- Aabuhu waa Inuu si gaar ah Hammiga ugu hayaa Hadba Qoraalada Cusub ee laga soo saaro Tarbiyada.
51- Dhug u yeelo waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin Caruurta.

52- Is bar bar dhig waxa aad ilmaha ku Tarbiyaynayso iyo Garaadkiisa.

53- Tarbiyadu Hal dhinac yaysan Noqonin.

54- Haddii aad Ilmaha Shay farto ku dabo gal fulintiisa, sida inuu Bisinka ku bilaabo markuu Cuntada cunayo, Gacanta Midigna wax kunayo, Adkaartana akhristo, Guriga markuu soo galayana Soo idan qaadanayo, IWM.

55- Horumari Hamiga ilmahaaga Talooyinkana ku kaalmee.

56- ha barin inaad ilmaha Mar walba oo uu wax Dalbado in la siiyo.

57- Gabdhaha iyo Wiilasha mid walba Tarbiyada ku Haboon bar.

58- Talooyinka, Amaradda, iyo waxyaabaha ilmaha laga reebayo ha noqdaan kuwo ku xiran Alle SW, hana u tusin wax Caado ah ee ka dhig wax Cibaado ah.

59- Ilmaha Jeclaysii ilaahay Sifo ahaan iyo in Nimco walba uu u tiiriyo inuu Alle Siiyay.

60- Ilmaha jiheyntiisa u adeegso damac galin ka badan cabsi galinta.

61- Ilmahaaga Madariso iyo Xaafad Wanaagsan u dooro, gaar ahaan Xaafad u dhaw Masjid si ay Qoyska u dhageystaan Aadaanka Salaada, Khudbadaha, iyo Duruusta ka baxaysa Masjidka.

62- Isku day inaad wax ka ogaato Aragtida ilmahaagu ka qabo Mas’alooyinka Qaar si ay kuugu suuro gasho inaad Si saxan u toosiso.

63- Ilmahaaga u ducee Halkii aad ka habaari lahayd.

64- Wiilasha ka qeyb gali kulamada Dadka waaweyn, si ay uga faa’iidaystaan Khibradooda iyo Cilmigooda.

65- Ilmaha si uu u barto Qaadida Mas’uuliyada u dhiib Mas’uuliyado yar yar oo uu ka soo bixi karo.

66- Aabuhu yuusan si toos ah ilmaha wax u farin, balse ha sameeyo Camal, ama wax ha akhristo wuxuu arkayaa ilmaha oo isna Camalkii kula sameynaya waxna kula akhrisanaya.

67- Ilmaha Dariska, Qaraabada iyo Saaxiibada yaan wax xun looga sheegin, hana barin ilmaha Xanta iyo Daniga xun.

68- Ilmaha uga dig inuu sameeyo Xad gudub, ha ahaado mid Diimeed ama Qadiyado kale.

69- Iska ilaali in aad ilmaha ku badiso Digniinta waxay arintaasi ku beeraysaa Fulaynimo.

70- Xumaanta ilmaha oo la qod qodo waxay fasaadisaa Xiriirka ilmuhu la leeyahay labada Waalid.

71- Ilmahaaga hadaad wax u balan qaado u oofi, Tusaale haddii aad tiraahdo waxaan kuu soo gadayaa Xalwo, ama Meel hebel ayaan kuu sii qaadi markaan soo laabto ama Baabuur baan kuu soo gadi u samee si Balan oofinta uu u barto Beena uusan kaaga baran isaguna u baran.

72- Bar ilmahaaga in Markii Wanaag Dadku u sameeyaan uu u Mahadceliyo si guud gaar ahaana Hooyada iyo Aabaha.

73- Bar ilmaha inuu Naftiisa ku kalsoonaado oo uu xoogiisa iyo Maskaxdiisa Adeegsado, howlihiisana uu isagu fushado oo uusan cidna u dabo fariisan.

74- Waligaa Caruurtaada ha is-bar bar dhigin oo ha dhihin kan ayaa fiican kana waa Doqon ahbal ah, arintaasi waxay caruurta ku abuuraysaa inay Dhexdooda Colaad isku qaadaan.

75- Labada waalid waa inaysan u muujin caruurtooda ama aysan ka dareemin Muranka soo kala dhex gala labadooda (Aabaha iyo Hooyada).

76- ”Ka hor tago wuxuu ka wanaagsanyahay Daweynta” ilmahaaga inta uusan xumaanta sameyn isku day inaad ka hortagto, Cudurada Nadaafad xumida laga qaadana ka hortag intaysan cudur u keenin.

77- Ilmaha ku Tarbiyee Tawaaduca iyo inuu Aqbalo Xaqa oo uusan inkirin marka loo sheego ama laga garyeesho.

78- Si ilmahaaga aad si wacan ugu Tarbiyayso la Tasho Ahlul Cilmiga iyo Mutakhasisiinta Cilmiga Tarbiyadda.

79- Marar Qaar ilmahaaga la ciyaar si Qalbigiisu Farad iyo kalsooni dheeraad ah u gasho.

80- Haddii ilmahaagu Dhulka ku dhaco ha ku Qoslin hana ku Qeylinin, kana dhig Kalmada ugu horeysa ee uu kaa maqlo “بسم الله ” kana codsi inuu uu yiraahdo mar walba oo uu kufo ama meel ka soo dhaco.

81- Ilmahaagu haddii uu Khalad Galo si Naxariis ah u Dareensii, hana u Ciqaabin haddii Khaladkaasi yahay midkii ugu horeeyay oo uu galo.

Kula balan ilmaha inuusan Mar kale Khaladkaasi oo kale galin una sheeg inuu yahay wax aan wanaagsanayn.

82- Mar ha ka ogolaanin Ilmahaaga inay Waalidiinta ugu yeeraan Magacyadooda iyaga oo aan Raacin Hooyo ama Aabo, sababtoo ah waxaa ka dhumaya Qadarintii Waalidiintii.

83- ku Tarbiyee ilmahaaga inta uu yar-yahay Nadaafadda iyo Is-Qurxinta, Bar sida loo weysaysto kuna dhiiri gali markii uu si wacan u weysaysto ama uu Jirkiisa iyo dharkiisaba Nadiifiyo, sidoo kale bar inuu Cidiyaha iska jaro gacmahana dhaqdo marka uu cuntada cunayo iyo marka uu dhameeyo ka dib, (Hadaad rabto inaad Ogaato Nadaafadda Hooyada fiiri ilmaha ay dhashay Nadaafadooda) (Hadaad rabto inaad ogaato Diinta Qoys fiiri Caruurtooda).

84- Uga Dig ilmahaaga inuu Gaalada isku ekaysiiyo, xagga Dhar xirashada, Timo jarashada, xuska ciidahooda iyo dhamaan wixii Hab dhaqan ah oo iyaga laga soo min guuriyay.

85- Marka aad ilmahaaga u Naseexaynayso si hoos wax ugu sheeg, Waligaana Dadka hortooda ha ku ciqaabin hana ku canaananin.

86- Ilmahaaga marka uu wax kuu sheegayo Dhageyso, aragtidiisana, iyo Taxliilkiisana ixtiraam, waligaa ilmahaaga hadal ha ku celin haba xumaado haduu rabee.

87- Usamee Caruurta Mid walba Firaash u gooni ah haddii ay suuro gal tahay, waxaana haboon in Qolalka loo kala duwan Wiilasha iyo Gabdhaha haday labada waalidi awoodaan waxaana arintaasi ka dhalaneysa in la dhowro Akhlaaqda iyo Xishoodka Caruurta.

88- Ilmaha inta uu yaryahay bar Aadaabta Seexashadad sida:-

 Inuu xirto Dharka u gaarka ah Jeefka ka hor inta uusan firaasha tagin.
 Inuu soo salaamo Qoyska kheyrna u rajeeyo.
 Inuu Firaashkiisa iska nadiifiyo ka hor inta uusan ku seexanin.
 Inuu Naftiisa xisaabiyo intuusan hurdin ka hor gaar ahaan wixii uu maalintaasi sameeyay.
 Waa inuu dhinaca Midig u seexdo Adkaarta ka soo aroortay Nabigeenana(NNKH) Akhristo.
 Marka uu hurdada ka soo kacana waa inuu Akhristaan Adkaarta.
 Waa inuu Cadaysto
 Waa Inuu iska badalo dharkii uu Habeenkaasi ku seexday
 Waa inuu Waalidkiisa iyo Qoyskaba guud ahaan salaamo.
 Waa Inuu wax uun ka Akhristo Qur’aanka.

89- Bar ilmaha inaysan Wasaqda ku tuurin Wadada Gurigana dhex dhigin, ku bar-baarin in wixii Dadka dhibaato ku ah wadooyinka uu ka qaado, kuna Tarbiyee inaysan Fiicnayn in Wasakhda lagu tuuro ama la dhigo Meelaha aan loogu talo galin, arintaasna ilmaha waxay dhaxalsiinaysaa inuu barto Qaadida Mas’uuliyada.

90- Yuusan Baranin ilmaha inuu “ilaahay ku dhaarto” run iyo Beenba waxayna arintaasi dhaxalsiinaysaa ixtiraamida Allaah iyo weynayntiisa, haddii arintu noqoto mid Muhiim ah ilmaha waa inuu ku dhaarto oo kaliya wixii run ah.

91- Ilmaha ku tarbiyee Aadaabka Idan Qaadashada sida:- Salaanta, inuu Magaciisana Sheego ama Sifo ama Naaneys, inuu Saddex mar idan qaato, inuusan Al-baabka si xoogan u garaacin, inuu Albaabka dhinac ka istaago oo uusan Badhtanka isku aadin, in marka la dhaho soo gal uu soo galo.

92- Bar ilmaha Aadaabta loo maro Wadada gaar ahaan marka uu gaaro 6 sano.

 Wadada ha u maro si Degenaansho ah oo feejigan.
 Ha Salaamo Dadka uu la kulmo hana ka radiyo Salaanta Qofkii salaama.
 Ha ka qaado wadada wixii dhibaya dadka sida:- Dhalo jabtay, Masaamiirta, Dhagaxaanta.
 Inuusan Codka kor u qaadin
 Labada dhinac Midig iyo Bidix ha iska fiiriyo ka hor inta uusan laamiga gooynin.
 Inuusan faragashan wuxuusan shaqo ku lahayn.
 Inuusan dadka indha la sii raac raacin.

93- Ka hor tag inuusan ilmahaagu Baran carabkiisa Hadalka Laqwiga ah, Lacnada iyo cayda oo dhan, Tarbiyaynta ilmahana waxaa Asal u ah in la dhowro waxa afkiisa ka soo baxaya iyo wuxuu sameynayo.

94- Ilmaha ku tarbiyee Marka uu Madarisada galo Aadaabtan:-

 Inuu ixtiraamo Macallinkiisa iyo Saaxiibadiisa.
 Inuu Macalinka si wanaagsan u dhageysto marka uu Casharka Sharaxayo oo uu san meelo kale fiir fiirin ama uusan farakaciyaarin.
 Inuu si wanaagsan Su’aalaha u weydiiyo Aabaha, Hooyada iyo Macalinka ka dibna u Mahadceliyo marka looga Jawaabo.
 Inuu si wanaagsan u Nidaamiyo Wakhtigiisa (wakhti waxbarasho, Wakhti Ciyaar, Wakhti Jiif IWM).
 Inuu Saaxiibadiisa jeclaado si wanaagsana uu kula dhaqmo marka la joogo Fasalka iyo Garoonka Ciyaaraha.
Waxaa Tarjumay waxna ku kordhiyay .. C/raxmaan Maxamed Siigaale (Abuu Camaar) JAZAAKALAALU KHEER