Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Goormu Bakheyl Gool Loogi Jiray..Sir Baana Makuba Museveni Oo Gogol Deeq Cantooba Leh U Fidinaaya So

Friday - November 5, 2010

Inkasto Daad Rogmay .. Rajo Samirtay .. Hasa ahate Rabigi Aduunyada lahaa Su raboYey Noqone .. Waxaa maalmahaan dalalka reer galbeedka iyo magaalada Nairobi-ba goobaha majlisyada lagu hadal haya shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb galayaan dhammaan kooxaha qaba cudurka darmaanka dameeraha gala ee ku loolamaya talada dalka Soomaliya iyagoo meherad caado ka dhigtay iney markay sidii dumarka uu dudaan la isu soo celceliyo ayaa iminka shirkaas qaban-qaabadiisu ka socotaa caasimadda dalka Ugandha ee Kampala .. sida xanta la qabo waa khasab ayaa la leeyahay in halkaas lagu soo aruuriyo kuwa aan diir hambeyneyn oo dal iyo dadkiisa daneyneyn, ujeedada laga leeyahayna waa inta soor la adeegsado ay kooxahaas dabadeed balweyaan iyagoo leh kaana doortay, kaana diidnay iyo doorkaan anagaa leh .. halka raga danjirayaasha wadaniyiinta ay ciil la cabursan-yihiin iyagoo leh: halkaa waa qaniin .. xagu waa bacaad .. xagu waa lama dagaan ..iyo waa hindise xeel-dheer ujeedo leh .. halka Saraakiisha Museveni ay leeyihiin .. waa deeq ilaah iyo nicmo lagu duceysto xod-xodada bocor il daran baylaha waran.

Warar hoose oo laga xigtay Shiikh Shariif iyo Shariif Sakiin ayaa sheegay in ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya Mahiga uu dhambaalkaas soo gaarsiiyay madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamanka mar uu dhowaan booqasho dhex dhexaadin ah ku yimid magaalada Muqdisho oo uu ku yir war fakh-fakhda iyo faqa joojiya hadaad wax isku haysaan ka soo qayb gala shirkaa kambala ku dhici-doona .. warkaaso sida la sheegay labada Shariif ay ku sheegeen goob majlis labadooda dulmigooda lagu heshiisiinaayey, waxaase la garanwaayey sida labadooda ay gartu u wada sintay

Shirkaas ayaa la sheegay in ay ka soo qayb geli doonaan Ergo Puntland uu soo xushay Cabdiraxmaan Faroole iyo Soomaali kooban oo kala duwan oo xul qaramada midwday ku timi, waxaana ujeedadadu tahay in Soomaaliya loo dhiso dowlad aan ku meel gaar ahayn iyado tirada xubnaha baarlamaanka aan laga badin-doonin 230 mudane halka wasiirada loo qoondeeyey20 wasiir

Shirkaas oo la qorshaynayo inuu furmo bilaha ugu horeeya ee sanadka cusub bartamaha biisha august 2011-ka ayay haatan socotaa qaban qabadiisu .. sida ay sheegayaan warar kala duwan, waxaana xogtaasi tilmaamaysaa in marka shirkaasi soo gaba-gaboobo ay Qaramada Midoobay ansixin-doonto ciidan nabad ilaalineed oo gaaraya 30,000 askari oo la geeyo Soomaaliya