marka hore waxaan salaan qiimo badan halkaan uga soo
jeedinayaa bahda iyo beesha TANADE meel ay joogaanba.
marka xiga murti ayaa waxay ahayd "TOL WAA TOLANE"
tolkaa wuxuu yahay uun baad adiguna tahay oo kama tallaabo
qurxoonid ,somalida inta caqliga salimka leh amse caddaalada
jecel waxay ka marqaati kacayaan in beesha TANADE aysan jirin
beel kula mid ah ama la wadaagta sifooyika hoos ku qoran;
1. Diin iyo Dal jacayl
2.nabad iyo deris-wanaag
3.cafis iyo dul-qaad
4.cadli iyo sinnaan
taasi waa wax aad loogu riyaaqo waayo sifooyinka aan kor ku
soo sheegnay waa kuwo sabankaan aan ku jirno dhif iyo naadir
ku noqday beelaha kale ee somaliyeed dhexdooda waxayna
ammaan iyo sharafna u yihiin beesha tanade..
laakiinse markaad dhan kale ka eegto beesha TANADE wax-
yaabaha ay dhabarka u ridatay ooy qaayibtay oo ama gunimo ah,
amase xaqqiraad ah amase dulmi iyo caddaalad dari ah ooy kala
kulmaan beelaha deriskooda ah waa wax taariikhda u galay
ooysan la wadaagin qolo kale ,
"Dhadhan malaha aadmigu waxuu kugu dhaliilaaye Dhaqashiyo
mar bay kaa yahiin dheregu xaaraane Dhashaaday sugtaa
xaajadaad dhawrsataa abide"
cuqaashii ,culimadii, aqoonyahankii beeshuba waxay daba-
fariisteen ooy marti u noqdeen beelaha deriskaa.. sida la
ogyahayna martidu sida kalluunka waxay kusoo urtaa saddex
cisho , (marti xiiseheed waa habeen reerka loo xulaye) .
iyadoo la wada ogyahay in soomaalidii xurmada ,xididnimada ,
derisnimiada iyo islaamnimada xeerin jirtay beri hore ugu dambaysay
somalida maantana shan farod iyo calaacal uun ay kaa reebto
"ninkii warankaagu galo ayey weedhaadu gashaa".
waxaa kaloo iyana iska cad in nidaamkii guud ee dowladnimo
ee ruux walba xaqiisa iyo xurmadiisa u ilaalin jirey uu meesha
ka baxay bedelkeediina uu sameysmay is-baheysiyo iyo
maamul beeleedyo qolo walbaa eey degaankeeda iyo dadkeeda
u sameysatay, xataa dadkii la yasi jirey amase laga tirada badnaa
ee gabooyaha ayaa u halgamaaya sidii ay u yeelan lahaayeen
dhul iyo maamulba, waayo waxay ku baraarugeen ooy fahmeen
dhanka mowjadu u socoto iyo inaan qoladii aan dhul iyo nidaam
sameysan eysan la jaan qaadi karin SOAMALIDA CUSUB .
ujeedadeydu waqtigaan la joogo maaha inaan ku baaqayo inaan
dowlad-goboleed sameysano (walloow ay taasi lama huraan
noqon doonto waqtigey noqotaba) laakiinse marxaladaan
hadda BEESHU ku sugan tahay waxaa mihiimada koowaad ila
leh arrimahaan soo socda:
1.isxurmayn,ismaqal,isku tashi,isweheshi iyo isu hiilin gudaha
ka hirgala oo beeshu ku wada noolaato
2.iney ka waantoobaan waxii ay ku talo, iyo taag beeshay oo
tafaraaruq iyo is-xasid ah sida: kani waa reer hebel, reer hebel
baa ka dambeeya oo dan kale. iwm
3.in qof kastaa ku deeqo wixii uu awoodo(aqoon,naf,maal,
waqti iyo hibo kale) wixii la heystana talo loo dhan yahay
lagu maamusho , ee aysan dayacmin sida isbitaalka g/dogob
4.darajooyinka ka jira somaliya waqtigaan la joogo waxaa lagu
helaa heyb qabiil , marka waa in aqoonyahanka iyo wadaadka,
iyo waranluhuba u hanqal taagaan sidey maamulka uga qeyb
gali lahaayeen ha noqdo TFG amase is-maamulada kale
ee ay degan yihiin .. waayo mansabka iyo madaxnimadaba
hadiyad leysuma siiyo
5.in qofkii beesha ah ee nasiib iyo raganimo u yeesha inuu
ka mid noqdo maamulada jira (mid guud iyo gaara) in aan la
mucaaridin , la xasdin, la dicaayadeyn ee lagu taageero , isagana
waxaa looga fadhiyaa amase laga sugayaa inuusan noqon aalad sida
rimuut-kontroolka loogu is-ticmaalo duminta ,kal-geynta iyo gumeynta beesha
6."tol dulloobey odey dooralaa loogu dowgalaye" issimada iyo
odayaasha beesha waa iney joogteeyaan doorkooda
hogaamineed oo aysan shirarka iyo showrka u kala kicin
7.qurba-joogta wax qabadkooda waa inuu noqdaa mid mira
dhal ah oo ficil iyo qowl wad-socdaa lehna aragtiyo iyo hadaf
fog oo loogu dhiso maamul beesha(xagga siyaasada), kaasoo
la jaan-qaada wacyiga iyo is-bedelada wadanka ka socda
8." nimaan hadlin hooyadii qadisay" waa in ugu yaraan qorshaha
waqtiga dhow ay ugu horeyso dalbasho in degaanka galdogob
uu noqdo gobol buuxa ee maamulka uu hadda ka tirsan yahay
sidoo kale degmooyinka bari ee beeshu degto iney dalbadaan
iney helaan xaqooda dhan walba