Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Labadi Shariif Bareer Indho Adkaan La Soo Taagan Iyo M.Farmaajo Oo Is Duubay Si Aan Dooxa Ula Tagin

Sunday - November 7, 2010

Mogdisho- Canada- America ; war is-weydaarsi kubada dhan kasta loo laado ayaa illa shalay ka socotay daafaha caalamka oo looga hadlaayey xaalada fajaca ka jirta madaxtooyada iyo sida ay wax uga socdaan .. madaxweyne Shiikh Shariif oo wax aan u banaaneyn la soo booday waxuu soo qortay magacyo 8 Sange wasiir uu isagu si gaara u daneynaayey, sido kale Shariif Sakiin oo lagu yaqaano qofna ka cabsan iyo wax u ciseeyo toona oo afka iyo qadaadka indho ku leh ayaa isna dhiniciisa loolanka qaybsiga wasiirada soo qortay inti hartay oo u is lahaa micno ayey leeyihiin oo illa 7 wasiir oo Wanankii barida lahaa kuwi awoowe Hiraabe Geesood u dhigma 

Maxamed farmaajo oo in yar wasiiro waxaro caato ah loo soo reebay ayaa sidi wax wiishkii la go'ay noqday iyo dhaban-hays, waxuu dhiniciisa is lahaa wasiir koowad baa tahy ayaa indhaha cadeeyey oo isha ku canaantay waxa ay sameeynayaan labadaan Shariif waxuu afkana ka dhawrsaday ayaa dhafoorihiisi qarin waayeen oo is yiri himiladaadi halkaas ayeey ku dhimatay taaso keentay in waxa uu sameeyo garan waayey, waxuuse durbadiiba la xariiray dad uu islahaa ehel ay u noqonkaraan siyaasadaan guracan, waxayna dardaaran ku siiyeen ineysan qiirada la fogaan iskuna mashquulin dhismaha wasiirada oo is ka duubo dacarta labadaas Shariif walaa-qayaan ee caafimaad moodaaya, waxayna la taliyaashaas aragtidooda ku sababeeyeen in wasiirada sicir bararka ah aysan wax kaalin ah maanta ku lahayn gudo iyo dibadba balse magacooda war-baahinta ha lagaa sheego keliya u taagan amase la yiraahdo beel heblaayo lagama tagin .. mid kasta oo wasiir noqda waxuu ku danbeyn ku daafad jiife gidaarada qaad ku ruuga aan wajiga laga dadban oo wax shaqo haynin  .. hasa ahaate Ninka baaqi ku ahaan-doona ee shaqada laga rabo uu yahay wasiirka kowaad sidaa daraadeed la faray inu samirka dhawro doorkiisa noqdo oo kaliya sidi wasiirada ku sheega ay baarlamaanka ku mari lahaayeen ..ujeedada waa labadaas Shariif ee xadaarada ka qaawan iyo kiis daba wareejintooda inusan ka hor imaan una xaraasho wasiirada dugaaga ay doonayaan .. warka ayaa sido kale tilmaamaya in waxa hadda wax isku haysta ay yihiin labada Shariif oo Wananka buur buuran iyo sangayaasha wasiirada suuq geyntooda isku mari la' .. halka wiilka Maxamed farmaajo uu leeyahay bisinka balo iyo baas .. soo gudbiya wixii aad ku heshiisaan si aan qalinka ugu duugo oo waxaad mooda maxamed inu ku qancay nasteexadi la siiyey.