Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Qiiso Dhaba Ah Oo Ku Saabsan Labo Gabdhood Nolosha Casriga Ku Fogaaday Oo Midi Dib Alle Ugu Noqotay

Thursday - November 25, 2010

Waxaa jiray labo gabdhood oo saaxiibo ah, kuna nool dalka Austrelia. Waxeey ahayeen gabdho nolosha iska fududeesta oo aduunyadaba wax qiimo ugu fadhiyo aysan jirin ilaa ay gareen in ay galaan sawiro jirkooda intiisa badan qaawanyihiin sida gabdhaha toppmodell ka. Gabdhahaasi mid ka mid ah ayaa waxey aheed dadka emailka aadka u isticmaala, habeen iyo maalin computerka shaqo ka dhigtay laga yaabee in ay wanaag mooday?! Hadane ragga aadka ula kaftanta, ugana sheekeeysa, una dirta sawiradeedii qaawnaa oo la mooday in ay fashion jileyso. Sawiradaasi oo ahaa kuwa ragga aad u soo jiita aadna u galiyo dareen jinsiyeed, kaaga daranta kuma ekeen hal nin oo kaliya oo ninkey aragtaba wey u diri jirtay isla sawiradii ilaa ay sababeen dagaalo fara badan iyo maseer aad u daran oo ka dhex dhacay raggii kadib markay is aqoonsadeen raggii sawirada loo diri jiray. Waxeyna ula baxeen gabadhii shabeelnimood meeshii laga dhihi jiray waagii hore ragga shabeel nagood! adduunya gadoon badnaa!!

Nasiib wanaag wuxuu Illaaheey hanuuniyay gabadhii saxiibadeed oo rabta in ay qaado waddada toosan, waxeeyna noqotay gabar xijaaban oo Illaah ka baqda kana tooba keentay falaalkii xumaa iyo dhaqankii qaabka darnaa oo ay horay u heeysan jirtay. ileen ilaah ka baqid iyo raga kaa ajnabiyaa sawir u dir mel islama gashee,Waxeeyna la hadashay raggii ey u diri jirtay sawiradii qawnaa wey ayaan badnedee ileen qof Illaah ku xiran Illaah ma dayacee, raggii markay ka codsatay in sawiradeeda qashinka laguu darro wey ka ogoladeen oo wey ka tirtireen wixii ay sawir ka haayeen.

Laakiin Masiibo iyo Magac maalin ay baxaane saxiibadeed ayaa waxeey ku noqotay qof xun oo qalbiga ka qaawan (Damiir iyo diin midna laheeyn) taas oo Illaah ku caasisay ayaa gabadhii ficneed inta ay u timid misana ku tiri<> Laakiin lagama hoos qaadin warkaas Hanuunka iyo macaanka badan xinbaarsan, ee tii warka loo sheegaayay waa is dhagool siisay,gabadhiina hadalkeeda yastay iyada oo kibir iyo islaweeynin ku jira, sheydaane durbaan ku tumaa ayeey sidii u sii wadatay howsheedii foosha xumeed inkastoo ay saaxiibteeda balan qaaday in ay sawirada ay leedahay ka tirtiri doonto emailada iyo computerkaba.

Markii ay ka so wareegatay wada hadalkii labada gabdhoodi mudo 3 malmood ayeey midii weli halaaga ku jirtay wiil waxeey iska barteen msnka misana ku dhahay ii so dir sawirkaaga una dirtay ayada iyo saaxiibteed oo isla sawiran islamaarkaana ah kuwa aad u qaawan oo cawradoodi dhanba muuqata! Ala hadii ay ogaan laheed waxa u soo socdo ama ku dhici rabo meysan sameyseen!! In la ogaadasa fiicnaan laheyda .

Kama aysan soo wareeganin markii ay sariirteeda ka kor qeylisay saacad oo familkeedii isku so baxeen ayadii oo jirkedii ka fiiqmay maqaarka ileen waa intii ay qaawiseee inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun!!!! Markiiba waxaa loo qaaday isbitaalka ayada oo lala yaabanyahay cudurkaan dagdagta ah oo gabadha maqaarka ka asiibay hadana maha cudurku mid jirka dhan wada asiibay ee waa meela ka mid ah, hadana ah meelaha jirkeeda ugu muhiimsan uguna qurxoon, madaxa oo waxaa ka biday timihii oo ka ruqruqday ayadii oo dhan, sidoo kale qoorta garbaha, xabadka iyo bodooyinka ilaa lugaha ayaa maqaarkii ka dhacay sida in uu cunay bahal ama laga fiiqday.

Nasiib darro cudurkedii maha mid dhaqatiirta daween karaan ee waa mucjiso loo so diray gabadhaan laga waayay jooji sawiradaan aad u direyso raga kaa ajnabiga ah, hadane ka madax adeegtay, oo dhalanteed mooday wanaagii loo shee***!! Markiiba ayada weey fahantay in ay Illaah ka gashay qalad weyn oo quruxdii uu siiyay Allaah oo la dhahay ka astur ragga ajnabiga kaa ah ayeey u bandhigtay raggii iyo gabadhii saaxiibadeed aheed oo ay ka diiday hadaladii wanaaga ahaa oo ay u sheegtay isla markaane sawiradeedi ay ku tiri, iga tirtir ayeey u dirtay raggii lagu yiri ha iiga dirin, hana iga tusin. Balan ka bax waa shey xaraan ah ee Illaah nagama dhigo kuwa ka baxa balanta ay la galaan Illaaah, aduumadiisa iyo naftoodaba!!

Aduunka korkiisa ayaaba gabadhaas sidaan loogu ciqabee bal ka warama aakhira hadii aysan toobad keenin oo ay ku dhimato sidaan maxaa ka horeeyo oo ay la hortagi doontaa Rabigii abuuray???!!!

Janada waa la kasbadaa ee dheel iyo dhalanteed laguma tago walaalayaal. Qofkii Illaah caro gelisane janada carafteeda xata ma arkeyso iska dhaaf in ay gasho ama la tusee. Sidaas darteed gabadhaan aheeyd ayaan daranta gabdhaha sariirtii laga seexiyay isbitaalkaba kama aysan kicin intii uu baaritaanka ku socday ayaaba tii Alle u timid, naftiine sidii looga qaaday, oo ayadoo loo hugiyay maro cad, loona wado gudkii mugdiga ahaa oo cariiriga badnaa ilaa qof Illaah u waasiciya mooyee ayaa laga soo baxshay isbitalkii!!

Abdiqani Eggeh .. [email protected]