Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Baarlamaanka TFG Oo Ansixiyey Xukumada Cusub Ee Raiisal Wasaare Farmaajo

Saturday - November 27, 2010

Mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalsooni siiyay xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay R/wasaare maxamed C/llaahi maxamed Farmaajo.

Kulanka Baarlamaanka maanta oo ay soo xaadireen 334 mudane ayaa marka hore loogu codeeyay mid la qaadanayo labada mooshin ee ay xildhibaanadu soo jeediyeen ee ahaa Gacan taagga iyo qarsoodiga.

In xukuumadda loogu codeeyo Qarsoodi waxaa ogolaaday 93 mudane halka in gacan taag loo codeeyo ay dalbadeen 250 mudane, waxaana markaas Xildhibaanada ku soo kordhay 9 mudane oo Kooromku wuxuu noqday 343mudane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kaddib sheegay in xukuumadda codka loogu qaadayo hab gacan taag ah, waxana u codeeyay 251 mudane, halka ay diideen 92 xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay.

Shariif xasan Sh Aadan ayaa sheegay in xukuumaddu ay heshay kalsoonida Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in ay u baahneyd 276 mudane balse 72 ka tirsan Baarlamaanka aysan waligood soo xaadirin fadhiga golaha Baarlamaanka.