Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Raiisal Wasaare Farmaajo Oo UN-ka U Gudbiyey Qorshahiisa Dawlada Inta Uga Hartay Waqtiga

Monday - November 29, 2010

Mogasisho- Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee Somalia, ayaa Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa u gudbiyay documents lagu qoray qorshaha ay xukuumadiisa dooneyso inay ku shaqeyso waqtiga kooban ee ka haray xlligga Dowladda Somalia.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajao ayaa documents-kaasi u gudbiyay wafti ka socday xafiiska siyaasadda QM ee Somalia shalay, xilli ay ku ekeyd muddadii 60 maalmood ahayd ee dawladda Somalia loo qabtay inay kusoo gudbiso qorshaheeda.

Xukuumada Somalia ayaa qorshayaasheeda ugu hormarisay xagga ammaanka oo ah tan ugu muhiimsan xaaladaha ka taagan dalka gudihiisa, Taasi oo Farmaajo uu siiyay ahmiyadda koowaad.

Arrimaha gargaarka ayaa si faahfaahsan xukuumaddu uga hadashay xilli in ku dhaw kala bar dadka Soomaalida ah ay hay’aha gargaarku sheegaan in ay gacan u baahan yihiin, kuwaas oo kala jooga gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya, waxayna xukuumaddu sheegtay in beesha caalamka ay la kaashaneyso sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dagaalladu, ayadoo la fududeynayo howlaha samafalka ee Caalamiga ah.

Waxa kale oo ay Dowladda KMG ah ee gudbisay xilliga kala guurka ah iyo sidii dalka looga saari lahaa  KMG  ah looguna gudbi lahaa dawlad aan KMG ahayn oo uu yeesho dalka Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya sidaas si la mid ah waxaa ay qoraalka ay shalay ku wareejisay Qaramada Midoobay kaga hadashay siyaasadda ay ka leedahay arrimaha dib u heshiisiinta oo ka mid ahayd waxyaabaha loo eigmaday dawaladda KMG ah  in ay ku  dhamaystirto waqtiga la siiyaya inta aanu dhamaan, waxaana warbixinta lagu qeexay in TFG ay diyaar u tahay in ay la heshiiso dhinac kasta oo ogol wadahadal iyo Dowladnimo, ayadoo la fiirinayo danta guud