Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xeer-ilaaliyihi Maxkamada Gobolka Bari/Puntland Oo Toogasho Lagu Dilay

Monday - November 29, 2010

Boosaaso: Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Bari ee Maammul-goboleedka Puntland C/laahi Saalax Shirwac ayaa fiidnimadii Isniinta (maanta) abbaara 5:30 pm gudaha magaalada Boosaasso toogasho lagu diley isagoo xilligaas ku sugnaa aagga suuqa caanaha oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Boosaasso  gaar ahaan goob u dhow xarunta lagu iibiyo qalabka gaadiidka (Spare Parts) ee Oomaar.
Dilka xeer-ilaaliyahan ayaa sida wararka halkaas aannu ka helnay xaqiijiyeen waxa geystey nin aan haybtiisa la garanayn oo adeegsadey ama ku toogtey xeer-ilaaliyahaas baastoolad. Halka wararka qaarkoodna sheegayaan in ay dilkan geysteen koox hubaysani.

" Xeer-ilaaliyahan oo magaciisa la oran jirey C/laahi Saalax Nuur oo ahaa nin u dhashay beesha bosaaso degta ee Majeerteen-Cali Saleebaan, waxa toogasho nin aan la garanayni ku diley abbaara 5:30-pm waxana ninaasi adeegsadey baastoolad uu xeer-ilaaliyaha ku toogtey lamana qaban ninkii dilkan geystey kaddibna sidaas ayuu ku geeryoodey alle h u naxariistee xeer-ilaaliyahaasi" Sidaas waxa yiri mid k mid ah bulshada Boosaasso ku dhaqan oo weliba xilliga dilkaasi dhacay u ku sugnaa goob aan aad uga durugsanayn halka dilkaasi ka dhacay.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Bosaaso ayaa dhawaan waxa Degreeto ku Magcaabay Madaxwaynaha PL C/raxmaan Faroole mar uu Isbedel ku Sameeyay Golaha Garsoorka ee Maamulka PL. Waxana Xeer-ilaaliyahan La dilay horey uga tirsanaa  Macalimiinta Akadeemiyada Booliska ee Magaalada Carmo halkaasi oo uu in Mudo ka ahaa tababare ciidan.

Ma aha markii ugu horraysey ee dilalka noocan oo ahi ka dhacaaan halkaas waxana muddooyinkan danbe si weyn usoo kordhaya dilalkan bareerka ah oo weliba shakhsiyaadka geystana aan cidina qaban ee ka dhaca gudaha magaalda Boosaaso taasoo bulshada ku dhaqan degaannada Puntland noloshooda qayb ka noqotay in had iyo jeer ay maqlayaan qaarkoodna arkayaan dilalka noocan ah ee loo geysanayo dadkooda balse cid wax uga qabanaysaa aanay jirin sidoo kalena xataa qofka sheega inuu garanayey ama tilmaami kara cidda dilkan geysatey yaa isagana ay bar tilmaameedsadaan oo inta badan sidan oo kale ay u dilaan kooxaha iyagu u qalab qaatay laynta dadkan waxba galabsan ee degannadaas ku dhaqan, taasoo cabsi laxaad leh ku abuurtay bulshada islamarkaasna fududaysay in ay fakadaan kuwa dilalka noocan oo kale geysanaya.