Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Kosovo Oo Soo Gabagabeeysey Doorashadi Guud Markay Ku Dhawaaqday Madax-banaani Aan Loo Dhameyn

Monday - December 13, 2010

Pristina - Kosovo ayaa soo gebagebeysey hanaankii doorashada guud axadii ,waxaana looga danleeyahay in lagu sugo xuduudeeda iyo dhulka ay dowladu maamusha kadib markii ay ku dhawaaqney iney kala soo noqotey madaxbanaanineeda Serbia sanaddii 2008-kii.

intabadan dhamaan xarrumihii codeynta waxa la xiray 7:00 PM .marka laga reebo meelaha qaarkood oo codeeyayashi ay weli safnaayeen safafkii iyadoo ay ka dhacdey wakhtigii caadiga ahaa laakin loo ogolaadey iney codkooda dhiibtaan.

Qaybaha waqooyiga dalkaas oo ay ku noolyihiin dad serbian ah ,ayaa goobihii laga codeynaayey iyo kooxihii doorashaduba ay dhameeyaan hanaankodi 4pm sidoo kale serbianka deegaankaas ayaa mucaarad ku noqdey xukuumada Pristina waxaaney diideen iney ka soo qaybgalaan doorashada qaybaha kale ee dadka serbianka ahi degaan waxay u ahayd muhiim iney ka soo qaybgalaan doorashada gaar ahaan bartamaha iyo bariga Kosovo.

Inkabadan 1.6 million oo muwaadiniin ah ayaa xaq u leh iney dhiibtaan codkooda,waxaana la saadaalinaya in ku dhawaad 40% ay dhiibteen codkoodii.

Wax xooga aan sidaas u badneyn oo lid ku ah sharciga ayaa la soo weriyey iney dhaceen .waxaana ka mid ah qalabka codeynta loogu talo galey oo aan ku filneyn .. faragelin habsami u socodkii doorashada oo ay wadeen dad aan dowlada ka tirsaneyn iyo sidoo kale shaki ah in lagu noqnoqdey codeynta ugu yaran in kabadan mar am labo.

Ra’iisal wasaarihii hore Hashim Thaqi oo hogaaminaaya xisbiga PDK ayaa la rajeynaya inuu yahay xisbiga aadka loogu codeeyey, laakin waxa uu loolan iyo tartan xoog leh kula jira dhigiisa LDK ee uu hogaaminaayo hogaamiyaha cusub ee reer Pristina Mr Isa Mustafa .

Dhibaato kuma jirto cida guuleysata laakin wey ku adagtahay dhamaan hogaamiyayaash axsaabta iney soo dhisaan dowlada ku dhisan siyaasad hal xisbi.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada waxa la shaacin doona ka hor habeen barka sidoo kale natiijada iyo ku dhawaaqista cida ku guuleysateyna waxa la shaacin doona sadex ilaa afar cisho ka dib.