Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Qaramada Midoobay oo Soo Faragalisey Kiiska Diyaarada Lagu Hayo Hargeysa

Tuesday - December 14, 2010

Hargeysa: xigasho Waaheen .. Saraakiisha Qaramadda Midoobay u Qaabilsan la socoshada cunaqabataynta Hubka ee Somaliya saaran ayaa shalay soo faragaliyay kiiska diyaarada Hubka sida ee lagu qabtay Madaarka Hargeysa, iyagoo isla shalay bilaabay baaritaan cusub oo dhinacooda ah si ay u hubiyaan Saanada saran Diyaaradaasi oo u socotay Puntland.

Saraakiishan oo ka kooban ilaa sadex xubnood waxa Hogaaminaya Matt Bryden oo madax u ah Guddida la socodka Cunaqabataynta Hubka ee ay Qaramada midoobay saartay Somaliya, oo ka kooban shan Qof iyadoo la filayo Xubnaha la socda inay ka mid yihiin Mr. Arnaud Laloum iyo Mr. Jörg Roofthooft oo Dalka soo gaaray shalay ayaa isla markiiba ka bilaabay Gudaha Diyaaradda Baaritaano ay ku hubinayaan Shixnada ay siday Diyaarad.

Baaritaankan cusub ee ay bilaabeen Saraakiishaasi ayaa waxa kala qayb qaadanay Saraakiil ka socda Somaliland oo hore u baaray Diyaarada, kuwaasoo isla shalayba u gudbiyay Qaramadda Midoobay cadaymaha Dacwada ay ka diyaariyeen Diyaaradda iyo Warbixinihii is-khilaafsanaa ee ay bixiyeen shaqaalaha waday Diyaaradu.

Sida ay ilo xogogaal ah oo ka ag-dhawaa baaristaa cusub jaraaidka u sheegeena si loo xoojiyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ay Diyaaradani xambaarsan tahay waxa ay Xukuumadda Somaliland Hay’adaha Sharciga ee Dalka uga qaateen Ruqsad lagu sii hayo Maxaabiista wadatay Diyaaradda oo ilaa hada xiran.

Sida ay sheegeen ilahaasina waxa ay Saraakiisha Qaramada Middoobay soo dhaweeyeen qaabka ay Xukuumaddu u martay Kiiskan iyadoo la filayo inay Somaliland ku taageeri doonaan talaabada ku haboon ee laga qaadi doono Diyaaradan oo sifaha Sharci ee ay dalka ku soo gashay yahay mid baal marsan Shurrucda Caalamiga ah ee loo dhigay Somaliya oo ah meel Hubka ka caagan, waxaana lagu qiyaasay inay Alaabta saran Diyaaradaasi qiimaheedu gaarayo ilaa 10 Milyan oo Dollar oo la sheegay inuu bixiyay wadan Muslim ah

Waxaanay warar laga helay Diyaaradani sheegayaan in hawlgalka Tababarka ah ee ay Qalabka u waday heeshiiskiisu uu hareer marsan yahay ogolaanshaha hawlgalka Nabad-ilaalinta Ciidamada Afrikaanka ah ee AMISOM, kuwaas oo ay ku jiraan tabobaro dhinaca amaanka ah, waxaana cajiib ah in dalka Uganda yahay ka iska leh ciidamada ugu badan ee ka midka ah AMISON, iyada oo inta kalena ay ka yimaadeen dalka Burundi. Warku waxa uu intaa ku daray in ururka Midnimada Afrika walaac ka qabaan arinkaas, taasina waxay suurta gelin kartaa in ay dhanka guracan ka rogto hawlaha ciidamada Nabad-ilaalinta.

Sidaa daraadeed haddii maamulka shirkadda Saracen iyo maamulka dawladda Uganda oo kaashanaya dhinacyo xitaa ay ka mid yihiin saraakiil Mareykan ahi ay haatan wadaan tabobarida ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, waxa ay warbixintani daaha ka fayday muhiimada balaaran ee laga leeyahay arintan. Sidaa awgeed waa in ay Xukuumadda Somaliland ku xisaabtantaa qorshayaasha cusub ee ku soo biiray gobolka iyo jilayaasha arintan.