Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Kulan Dhex Maray Madaxweyne C/raxmaan Xaaji Faroole Iyo Raiisal Wasaare Farmaajo

Tuesday - December 14, 2010

By War-saxaafadeed Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland

Jabuuti: Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole) ayaa si gaar ah ula kulmay Rai’sul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo).

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo ku sugan dalka Djibouti waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) waxayna dhawaan dib ugu noqon doonaan Gobollada Puntland iyagoo safaro muhiim ah ku gaaray dalalka Kenya, Kuwait iyo Imaraadka Carabta.

Maalintii Isniinta ayaa labadaan hogaamiye ku kulmeen dalkaasi Djibouti. Wafdiga Rai’sul Wasaare Farmajo waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Cabdullahi Oomar iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane.

Wafdigaan ayaa u socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkasoo uu ka furmi doono Shirka Caalamiga ah ee Nidaamka Federaalka.

Isla shirkaasi waxaa jooga Wefdi ka socda Dowladda Puntland oo uu hormuud ka yahay Wasiiru-dowlaha Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka, Mudane Cabdi Xasan Jimcaale.

Ugu horeyntii kulankii guud oo isbarasho ahaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta la socday labada Wafdi, laakinse markii danbe shir gaar ah oo saacad qaatay yeeshey Madaxweynaha Puntland iyo Rai’sul Wasaaraha DFKMG ah.

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa amaanka dalka, nidaamka Federaalka iyo dhamaystirka howlaha KMG ah (transitional tasks).

Waa markii ugu horaysay uu Madaxweynaha Puntland Mudane Farole la kulmo Rai’sul Wasaaraha cusub ee DFKMG Mudane Farmajo tan iyo magacaabistiisii bishii Oktoobar.