Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Raiisal-Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Weli Ku Sugan Adis-ababa

Wednesday - December 15, 2010

Adis-ababa: Ra’iisul-wasaarha DKMG, Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa wali ku sugan magaalada Addis Ababa, wuxuuna ka qeybgalay kulan ay leeyihiin qaar ka tirsan madaxda caalamka oo looga hadlayo hannaanka Federaaliisamka.

Wasiirka arrimaha dibeda ee DKMG, Max’ed C/laahi Oomaar ayaa sheegay in Ra’iisul-wasaare Farmaajo iyo wafdigiisuba ay xalay iyo maantaba kulamo gooni-gooni ah la qaateen qaar ka tirsan madaxda dalalka Africa oo uu ka mid yahay, madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Sudan iyo raisal-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Kulanka madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Somalia .. Ra’iisul-wasaare Farmaajo ayaa Meles Zenawi uga xog-warramaya xaaladda Somalia iyo waliba qorshaha dowladda cusub ee Somalia ee ku aadan xal u helida Somalia.

Raysal Wasare Faramajo Aya u Muqada Nin Raba Inu Dawaldiisa uu Ku Qanciyo Raysala Wasare Meles Sanawi, oo Warka Soo Baxaya Taniyo Intii uu Golisa Wasirada Ku Dhawaqay Farmajo  Ay Ka biyo Diday Raysala Wasare Meles Taso Ay Ka mid yihin Saba Ay Ethiopia Uga gaabsatay  Dawalda Faramajo Inay Talo Wayn ku yeelato.

Waxa Isaguna Dhankisa Dadaalo Kuwa La mida ka Wada Wasiirka Arimaha Dabeda Ee Somaliya Max,ed C\Laahi Omar Oo Saxafada Manta Kula Hadalay Addis Ababa uu sheegay Inay Kulamo la yeesheen Dawalda Ethiopia oo ujeedadu Ahayd Sidii Ay Isu Baran lahayen Labada Dawlo.

Wasiirka Oo La waydiyey Waxay Kalo Socadan Ciidamo Shirkada Shisheeye Ah Ku Tabarayso Gobolo Ka mida Somaliya Aya Sheegay Inay Baarayan, kadibna Dawaladu Ay uu Soo Bandhigi- Donan Dadka Somaliyed Balse Ma shegin Wasiirku Inay Shirkada Waxa Talabo ah Ka Qaadayan

Dhanka Kale Wasiirka Warfafinta DKMG C\karin Xasan Jamac Ayaa Mar Uu Idaacada VOA  uu Waramayey Sheegay Inay Dawlad DKMG Ay La Socoto Tabarka Cidamada Logu Tabarayo Mamulka Puntland Mar uu Jogay Dalka Maraykanka Taso Uu Muqata Inanay masuuliinta Dowalda Somaliya  Anay Iska War Qabin oo ay Kuu  Cadaynayso Hadalad Isburinaya ee Ka Soo Kalo Yeeray Masuliyinta Dawlad DKMG  Ee Somaliya