Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Warbixin Somaalida Loogu Yeero Titanic Ee Ku Nool Dalka Talyaaniga By C/laahi Cali Caydiid

Wednesday - December 15, 2010

Milano-Dalkani Talyaaniga ayaa Waxaa Ku nool somaali aad u Tiro badan Kuwaas oo isugu jira Dhalinyaro wayeel Rag iyo Dumar.
Dadka Somalida ah ayaa Waxa ay Ku kala Noolyihiin dhamaan-ba Magaalooyinka Iyo Tuulooyinka Dalkani Talyaaniga Howa uguba Badnaadaane Magalooyinka Roma, Torino, Milano, franca iyo parlama.
Dadka Halka ku nool ayaa Inta Badan ah Kuwo Dalka Soo galay intii u dhaxaysay 1991 ilaa Sanad aynu Ku Guda jiro ee 2010.

Dadka Somalida ah ee Talyaaniga Ku nool ayaa Lagu Naaneysaa dhalinta TITANIC taas oo macnaheedu tahay inay soo mareen Badweyntii Lagu Halaagey Fircoon Isla,markaan uu ku dagey Markabkii Weynaa ee TITANIC intooda badan waxay leeyihiin Sharciyo Talyaani ah Kuwaaso aan Macno weyn u sameyneyn taas oo ay ku sababeeyeen inayna helin Xaqii ay dadka Qaxoontiga ahi ay lahaayeen.
Dhalinta Titanic ayaa Waxay isku dayaan inay aadaan dalal kale iyagoo Faraha Talyaaniga Laga Qaado  Maydha(Guba amma Xoqa) Balse Taasi may Noqon Mid ay ku Badbaadaan oo ay Dal kale oo Ku jira EU ay sharci iyo Daganaanshiiyo ay kaga helaan ee waxay Noqotay Mid iyaga uun U keenta Dhibaatooyin ay Kamid yihiin Dhaawacyo Soo gaadha Xiliga ay Faraha Xoqayaan amma Gubayaan Iyo Xadhig Loo geysto Marka ay Dalkale ay Tagaan ee La ogaado inay Faraha Talyaaniga ah leeyihiin.
Dhalinta soo Dabaalatay ayaa Waxay Kunooliyiin Xeryo Ammase Camp halkaas oo ay ka helaan Hurdo (meel ay seexdaan ammase Jiif), Caafimaad iyo Cunto (Quutul Daruuri) Balse Ma helaan Wax dhaafsiisan intaasi aynu soo sheegney Meelaha Loogu Tala galay inay Dadku Seexdaan Waxaa Qofka loo ogalyahay inuu Seexan Karo Mudo 8 bilood ah Wixii ka Dambeeya adiga ayaa is Dabaraya.
Dhinaca Shaqooyinka Waxaa inta Badan La helaa shaqooyin Yar Yar oo aan Sidaas u Badneyn Xiliga Lashaqeynaayo Waxaana La galaa Contracty taas oo ah Mudada ammase inta Bilood ee aad u shaqeyneyso Dadkaasi Shaqadda ku siiyey.
Waxbarashadda Waxaa jira Schoolo Maalintii Iyo Habeenkii La tago Kuwaas oo Lagu Barto Luuqadda Dalka (ITALIANO) waxaanad Baraneysaa luuqadda Mana Jiraan Wax dhaafsiisan Luuqadda oo lagu Barayo.
Dhalinta Soo Dabaalatay Waxay Halki Ka bilaabeen Ganacsi Yar yar sida Maqaaxiyo Wax laga Cuno Xawaaladdo Hotelo Hurdo Iyo Goobo Internet-ka  lag Isticmaalo
Dhinaca Kale Waxaa Jira Dhalinyaro Badan oo Kamid ah dhalinta Titanic oo iyagu Shaqooyin Fiicn haysta Kuwaas oo Intooda Badan Kashaqeeya Dukaamadda Waaweyn Super Market Waxayna intooda Badan Shaqeeyaan Full Time (12 HOURS) Dhalinta Noocaas ahi Ma badna Waana 40% Marka loo eego dhalinta Titanic.

Geesta Kale Waxaa Jira Dhibaatooyin Mararka Qaar soo Wajahda Dhalinta Waxaana Jira Askar Inta badan dadka Ganaaxda Hadii aad Sameyso Wax Qalad ah Waxaana Lagaag Ganaaxayaa Sharciga (possport)Askarta Wax Ganaaxda ayaa Waxaa inta Badan ay Dadka Ku Ganaaxdaa Hadii ay kaa Waayaan Card-ka Bus-ka Hadii Dhowr Ganaax ay Passport ka lagaaga dhufto Waxaa lagaa Qaadayaa Faro dambi  oo  ku Kooban Markaa Magaladda Amma Gabalka aad Joogto.

Waxyaabaha Inta Badan Somalida halkan Kusugan haysatta Waxaa ka mid ah Dhinaca Ho,oy la,aanta  (guryo la,aan) Waxaana Jira Dhalinyaro iyo Waalyeen katirsan Somalida Reer Italia oo iyagu kunool Safaaradii Hore ee somalia ee Ku taala Magaladda Xarunta ah ee Roma kuwaas oo badankooda laga Soo celiyey Dalalka Scandinav-ka iyo Jarmalka  Hadda iskaga Nool Safaaraddasi Waxaa kale oo jira somali aad u tiro badan oo iyana ka tageyn Dalkani Kuwaas oo intooda badani aaday dhanka Dalka Norway Waxaana Malinkasta lagu soo celiyaan Dalkani Iyadoona qaar kamid ah Ay dhowr bilood Xidhnaayeen ammase looba geystay Dilal iyo Tacadiyo.

Dhinaca kale Somalidu Waxay Dalkani Ku leedahay Safaaradda uu Danjire kayahay Raisalwasaarihii Hore ee Dowladii Abdilahi Yusuf Ahmed Nour Hassan Husein Noor Cade.
Safaaradaasi ma aha Mid shaqeysa oo Arimaha somalida Wax ka qabata Mana Dhaafiisana Safaaradaasi Danjiraha Iyo Dhowr Shaqaale ah oo Katirsan Safaaradaasi.

Safaaradda somalida ee Roma waa mid Magac ahaan u jirta balse Wax shaqo ah oo ay qabato inta Badan Majiro. Somaliduna Malaha wax Jaaliyadda Halka dalalka kale Sida Scandinavia-ka England iyo dalalka kale ee Aduunku ay somalidu magalo kasta ay Jaaliyad ku leeyihiin Dalkan oo inkaban 5000 oo somali ahi ay ku noolyihiim ayna Wax jaaliyad ah a ku lahayn.

Dhalinta Titanic ayaa Markii ay Dalkii Hooyo ka imanayeen Waxay Ku Hamiyayeen inay Halayaan meel ay Halayaan Waxkasta oo ay U baahdaan Balse Taasi Maysan Noqon Wax ay Ugu yimaadaan Talyaaniga Waxayna Halkani Kal Kulmeen Baraf Shaqo la,aantii ay Hargeysa iyo Muqdisho uga soo Tahriibeen iyadoona Taas u dheertay Jid Amma Wado aad u Rafaad iyo Tacab Badan oo ay soo Mareen Inta Badana Waxay o dhan jireen Markii ay Joogeen Somaliland Somalia, Jabouti Ethoipia , kenya iyo Libiya oo ah meesha ahayd Xarunta Tahriibta Barri amma hoos land ka xidho(Aakhiro dhimasho) amma Italia ka xidho taas oo ah amma dhimo oo badu ha ku Liqdo amma Ka gudub oo Talyaaniga iyo Malta ka Xidho ilaa hadda Waxaa jira Somali kale oo ku nool Dalalka Bariga Africa bariga dhexe oo iyana Doonaya inay Soo Maraan Tahiiir la mid ah tii ay soo mareen dhalinta Titanic Si ay u yimaadaan Qaradani Yurup iyagoo Raadinaya Shaqooyin iyo Noolal Ka fiican Tan Africa iyo Asia  taala.
Marka laysku soo Duubo Somalida Ku nool Dalkani ayaa kuwo Noolashoodu aad u hooseyso Marka Si loo eegana ah somalida ugu Rafaadka iyo Dhibaatadda Badan Marka Laga Hadlayo Sida ay Ku yimaadeen Qaraddani Yurup.