Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Al-Shabaab Oo Amar Ku Bixiyeen In La Gubo Cajaladaha Quraan-ka Ah Ee U Duubay Imaamka Masjedka Makka

Thursday - December 16, 2010

Baydhabo: Waaxda Camalka iyo Faaf reebka ee Kooxda Shabab-ka ee magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa soo saaray dhowaan awaamiir aad uga yaabiyey dadka degaan-ka ku nool Awaamiirtaas oo salka ku haya dhageysiga qiraa'aadka Quraanka kariim-ka ah ee uu duubay Imaamyada Masjidka Kacbada ee Maka Al-Mukarmah Sheikh Abdirahman Al-Sudaysi.

Warar hor-dhac ah ayaa sheegaya in Gaari lagu xiray codbaahiyaal uu baahiyey in wixii ka danbeeya maanta aan la dhagaysan karin Qur'aanka iyo Wacdiyada uu akhriyo Sheikh Sudaysi. Shiikha oo ah Caalim ku cod macaan akhriska Quraan-ka uu Dunida Islaam-ka aad looga jecelyahay ayey Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ku Eedeeyeen in uu ka mid yahay Culumada ay ku tilmaameen wax ay ugu yeeraan Culumaa'u Suu .
 
Dhamaan dadka waxaa lagu amray in ay maalmo kooban ku soo uruuriyaan dhamaan wixii cajlada ah ee uu ku duubanyahay Cod-ka Shiikhu si loo Gubo. Arintan ayaa dad xogogaal ahi ay sheegeen in ay ka timi Xubnaha Kooxda Al-qaai'da ee Jasiirada Carabta gaar ahaan dalka Yemen, kuwaas oo dagaalo kula jira Xukuumada Boroqtooyada Sacuudiga iyo Culumaa'udiinka Dunida Muslim-ka.
 
By: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.